Marxuum Maxamed Nur Haji Omar

Waxaa la ogeeysiinayaa dhamaan ummadda Soomaliyeed in uu ku geriyooday Magaalada Columbus, Ohio Bisha August 9keeda marxuum Maxamed Nuur Haji Omarow oo xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaliya.

Maxamed Nuur waxa uu ahaa macallin iyo siyaasi soona qabtay xilalalka ay ka mid yihiin:

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Dib-u-Dejinta- Xukuumaddii TNG;

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta-Xukuumaddii TNG;

Guddoomiyaha Baarista Gobolka Benadir- Dowladdii Kacaanka;

Guddoomiyaha Degmada Hodan;

Wakiilka Xisbiga iyo Maareeye Ku-Xigeenka Guud ee Warshadda ISNAI-BIASA;

Macallin, Director iyo Kormeere Waxbarasho, Wasaaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta- 1957-1978;

Macallin: Machadka Culuunta Siyasadda ee Xalene;

Wuxuu wax ku bartay Iskuulkii Institute of Megistrale ee ku yaalay Muqdisho, Somalia, Jaamicaddii Lafoole iyo Machadkii Culuumta Siyaasadda ee Xalane.

Waxa uu ifka kaga tagay xaas iyo 38 caruur oo isugu jira kuwa uu dhalay iyo waxay sii dhaleen.

Fadlan halkaan ku dhaaf tacsida marxuum Marxuum Maxamed Nur Haji Omar