Shiikh Shariif Shiikh Axmed - Shaqsiga Sannadka

 Ku aqriso Af-SoomaaliRead in English

 

 

Soomaaliya waxaa soo maray halyeeyo kala duwan, laakiin aan lamid ahayn Sheikh Shariif Sheikh Axmed, hoggaamiyaha da’ada yar ee Midowga Maxkamadaha Islaamka (MMI) ee laga itaalka roonaaday, kaasoo horkacay kacdoonkii shacbi ee aan laba-labaynta lahayn, ee soo afjaray qaskii ka tagnaa Muqdisho iyo gobollada Koonfur-Dhexe ee Somalia, in ka badan 16 sano.

 

Bahda Hiiraan Online waxay Sh. Shariif u aqoonsanaysaa shakhsiga sanadka 2006, kaalintii lixaadka lahayd ee uu ku lahaa dadaalkaas dhicisoobay.

 

Waan ognahay in Sh. Shariif iyo MMI aysan hadda ku jirin golaha siyaasadeed ee Soomaaliya, (Walow aanan la ogeyn soo noqoshadooda), kadib weerarkii Itoobiya iyo Dowladda Federalka Ku Meel Gaarka ah (DFKMG), laakiin mahadhadii uu Sh. Shariif nooga tagay waa mid sii noolaan doonta, malaha waligeedba.

 

Sh. Shariif waxaa dhalay Aabe ahlu-diin ah. Qur’anka iyo diinta Islaamka ayuu bartay markii uu qaangaarka ahaa. Kadibna wuxuu sharciyada ku soo bartay jaamacad Libya ku taalla.

 

Aad loogama aqoon meel ka baxsan aagga uu ku yaallo Dugsiga Sare ee Jubba ee Xaafadda Towfiiq, halkaas oo uu Juquraafi iyo Taariikh ka dhigi jiray sanadihii sagaashameeyadii iyo horraantii 2000. Maalin maalmaha kamid ah ayaa la afduubtay arday kamid ah ardaydii ugu fahamka badnayd ee uu Sh. Shariif macallinka u ahaa. Hoggaamiye kooxeedyada Muqdishu mid kamid ah ayaa madax furasho u afduubtay.

 

Isagoo ka anfariirsan falkan ayuu Sh. Shariif isku duway ciidan ku guulaystay ineey soo daayaan ardaygaas. Guushaas ayaa ku dhalisay inuu hakin karo ganacsiga madax furashada ku dhisan ee xaafadda Sii Sii ee uu degganaa, kana shaqayn jiray. Waxaa loo doortay madaxa Maxkamadda Islaamiga ah ee Sii Sii, taasoo durbadiiba cagta marisay burcaddii Towfiiq.

 

Sheekhu wuxuu yaqiinsaday in dhamaan burcadda oo idil la cirib tiri karo, haddii lagu dhiirado. Wuxuu markaas u qalab qaatay qorshe geesinimo leh oo lagu farsamaynayo dallad ay ku midoobaan dhamaan 30-ka maxkamado-beeleed ee Muqdishu ka jiray.

 

Iyadoo loo haystay wax aan suurtagal ahayn, Sh. Shariif oo la kaashanaya madaxdii maxaakiimta ee Moqdishu wuxuu ku guulaystay inuu ka soo fujiyo beelaha ay ku xirnaayeen dhammaan maxkamadaha, isagoo ku kulmiyey awood cusub oo loogu magac daray “Midowga Maxkamadaha Islaamka.”

 

Awoodan cusub ayaa gilgishay hoggaamiye kooxeedyadii Muqdishu, kuwaasoo durba u dhaadhacay ineey xodxodtaan jeebka Washington oo ay ka buuxdo lacag loogu tala galay in lagula dagaallamo argagixisada. Markiiba, waaba iyadii oo ay CIA-du maalgalinayso isbahaysi cusub oo loo bixiyey “Isbahaysiga Nabadda iyo La Dagaallanka Argagixisada.”

 

Wuxuu ahaa isbahaysi habaaran. MMI ayaa burburiyey isbahaysigaas, dabadeedna nabadeeyey caasimadda, markii ugu horreysay 16 sanadood.

 

MMI wuxuu baabi’iyey in badan 300 oo isbaaro, dib u howl-galiyey garoonka iyo dekedda caalamiga ah, iyagoo waliba wada hadallo nabadeed la furay DFKMG ee Baydhabo ku go’odoonsan.

 

Intii taasu socotay, Sh. Shariif, oo 43 jir ah, waxay warbaahinta reer Galbeedku ku tilmaami jirtay inuu yahay “wajiga qunyar-socodka ah ee MMI.” Dhab ahaantiise, wuxuu Sheekhu la soo ifbaxay shakhsiyad u gaar ah, taasoo ay soo dhaweeyeen dhamaan qaybaha bulshada, oo xitaa cadawgiisu ku jiro.

 

Waxaaba dhici karta inuu yahay hoggaamiyihii ugu wanaagsanaa ee abid soo mara Soomaaliya.

 

Bahda Hiiraan Online waxay Sh. Shariif Sh. Axmed u aqoonsanaysaa inuu yahay shakhsiga 2006, iyadoo aan loo fiirinayn kaliya shakhsiyaddiisa wanaagsan, balse loo eegayo sida uu u hoggaamiyey koox curdan ah, oo aanan isku mabda’a ahayn, mararka qaarkoodna ka kor tallaabsaday awoodooda, marar kalena aan si wanaagsan u garan dhumucda iyo awooda  cadowgooda.

 

Sabab walba oo keentay jabka MMI, Sh. Shariif wuxuu ahaa tusaale nabadadeed lixdii bilood ee taariikhiga ahayd ee Soomaaliya soo martay, taas oo uu si weyn uga dhex muuqday. 

 

Waxaan Sheekha u rajjaynaynaa mustaqbal wacan. Akhristayaashana waxaan ka codsanaynaa inay nagala qayb galaan hambalyadiisa.


- New Era: Sign of Hope  - Afyare Abdi Elmi & Ali Weheliye
- Che Ernesto of Somalia; Sheikh Sharif Sheikh Ahmed  - Cali Cisman

HyperLink 
Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2008 Hiiraan Online