
Prof. Ibrahim Farah Bursaliid
Sunday April 13, 2025
Xisadihii taariikhda ee dugsigii hoose, dhexe waxa ay isoo xusuusiyeen Jabuuti, Xeebta Soomaalida. Waxa aan maalin dhoweyd baraha bulshada ka akhriyey maqaallo dhowr ah oo ay dad badani mashquul ku yihiin nin haad raadinaya (yacni signal) aysanna habboonayn in wakhti lagu lumiyo—Jabuuti iska jira, iyo ereyo la mid ah oo aan sal iyo raad midna ku lahayn habmaamuuska wax qorista, taariikhda faca weyn ee Soomaalida iyo kaalinta Jabuuti iyo weliba hiilka siyaasadeed, dal-dhis iyo korin ee Madaxweyne Ismaaciil, guud ahaan geyiga Somaalida.
Aan ku bilaabo arar koobane, reer Jabuuti waa annagoo kale, madaxdoodana malaa’ig ma aha. Soomaaliduse waxay ku maahmaahdaa ‘geesi Alle ma xilo,’ ‘gar Allay taqaan,’ iyo weliba ‘gaal dil gartiisana sii.’ Mar kasta waxa igu soo dhaca, welibana intii aan Jabuuti joogey aan ka marag ahay Alle horti, saddex arrimood oo ah cabbir saani ah marka laga hadlayo dal tusaale noqon kara iyo dowladnimo.
- Faranka Jabuuti (oo loo yaqaanno DJF)— Waxaa sannadkii 1977dii markii ay Jamhuuriyadda Jabuuti qaadatay xoriiyadda dib loo agaasimay lacagta DJF, tan iyo waagaasna isma aysan beddelin sicir ahaan marka la fiiriyo qiimaha uu ka joogo suuqa gudaha iyo suuqyada kale ee caalamiga ah. Waa lacagta keliya ee geyigaan Afrika ama Dunida Saddexaad ee si saani ah u fadhida, ku socota, laguna hayey qiyaasta iyo jaangoynta Bangiga Dhexe ee Jabuuti. Arrintaani waa mid ay tahay in lagu ammaano Xukuumadda Jabuuti. Waxay tusaale u tahay maareynta wanaagsan ee arrimaha gudaha, gaar ahaan dhaqaalaha, Jabuuti. Farriinta ugu muhimsani maxay tahay? Marka aad gudahaaga maareysatid, ayaad deriska fiirin kartaa, sax?
- Shirkii Carta— Khudbaddii uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ka hor jeediyey Golaha Guud ee Qarammada Midoobay sannadkii 1999 waxa ay horseedday Shirkii Carta ee 2000, waxana lagu soo dhisay xukuumaddii u horreysey ee Soomaaliyeed ee beddesha Xukuumaddii (1969 – 1990) , waxay furtay oo weliba ballaqday albaabbada caalamka si ay Soomaaliya dib uga soo muuqato fagaarayaasha caalamiga ah. Shirkii Carta waxa kale oo uu dhidibbada u aasay dowladnimadii Soomaaliyeed ee curdanka ahayd sidii ay dib ugu soo laaban lahayd waana taas ilaa iyo maanta si tartiib tartiib ah u soo koreysa. Madaxweyne Ismaaciil iyo reer Jabuuti waxay u babac-dhigeen qandaraaslayaal caalami ah oo hortaagnaa inay Soomaaliya dib dambe lugeheeda ugu istaagto, ilaa iyo maantana waxa ay nala garab taagan yihiin hiil walaalnimo; si gaar ah talada iyo hoos wax ugu sheegga madaxyaweynta Soomaalida. Si kale marka loo dhigo, Jabuuti waa isha keliya ee noo furan; Madaxweyne Ismaaciil-na waa oday Soomaaliyeed. Annaga ka Soomaali ahaanna, min Muqdisho ilaa Jigjiga ilaa Gaarisa iyo kuweenna qurbaha jiraaba, waxa nala gudboon bogaadin, duco iyo la dadaal.
-
Doorashdaii Maxamuud Cali Yuusuf— Dad badan ayaa is
weydiinaya sababta keentay inuu Danjire Maxamuud Cali Yuusuf si fudud ugu
guuleyso jagada madaxa Komishanka Midowga Afrika; si gaar ah inuu tartankii
agaasinnaa ee Raila Odingaha Keenya meesha ka saaro, dibna ugu celiyo Nayroobi.
Waxay ahayd arrin cajiib ah. Waxa la is weydiiyaa kaalinta dalalka ku bahoobay
Afrikada Francophone, kaalinta Caalamka Islaamka, gaar ahaan madaxda dalalka
Muslimka ah ee Afrika iyo weliba dunida Carabta. Dhanka kale, waxa ay reer
Keenya ku bixiyeen kursigaan juhdi aad u badan, laakiin tayo xun, oo soo socday
sannado. Waxay tageen dal kasta oo ay tuhmayeen. Waxay u bareereen inay geed
dheer iyo mid gaabanba u fuulaan in aysan Jabuuti, oo ay ka baqayeen, sina u
guuleysannin. Haddana, maxaa dhacay? Intaanad aad u fiirinnin arrimaha dibadda
ee Jabuuti, bal fiiri sida ay Jabuuti isugu hayso Faransiis, Maraykan iyo
Shiine oo saddexdoodaba Jabuuti ku leh saldhigyo mileteri. Tartankii
doorashooyinka Komishanka Midowga Afrika, Jabuuti waxay qaadatay kaalin laxaad
leh oo diblomaasiyadeed. Reer Madagaskar culays badani kama jirin, Soomaaliyana
tartankii way ka hartay, sabab kasta oo loo saariyeyba! Halkase ay reer Keenya
qaylinayeen, Jabuuti waxay si xeeladaysan isugu dubbaridatay dalalkii iyo
codadkii ay u baahnayd si loo helo guul waarta oo ah kursiga Komishanka.
Danjire Yuusuf waa nin astaahila, hoggaanka Jabuuti ee Komishanka iyo guud
ahaan Midowga Afrika-na waa guul u soo hoyatay Geeska Afrika; gaar ahaan
dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya, weliba waa guul iyo gobannimo ku soo aadday
xilligii loo baahnaa.
Waxaa kuu soo haray dadka reer Jabuuti oo ah dad cajiib ah
oo qowl san, qalbi san, niyad-samina kugu qaabbilaya. Waxa si joogta ah
luqaddooda uga buuxa ereyada ‘huunno waad fiican tahay, ma aha?’ ‘nimcad,’
‘janno,’ ‘bardan wa salaaman,’ ‘Alle ha nii barakeeyo,’ iyo ereyo kale oo
dhammaantood ku soo jiidanaya. Waa dad aaminsan tabsiidh al-xayaat. Waa dad
jecel isirka Soomaalida, dowladnimadeenna iyo weliba sidii ay Soomaaliya dib
isugu taagi lahayd lugeheeda, una qaadan lahayd kaalinteedii caalami ee kal
hore.
Ugu dambyentii, ma garan karo abaal kale oo aan arrintaas ku
gudi karno oo aan ahayn in aan jeclaanno reer Jabuuti, u duceyno, waxaan wanaag
ahayna aannaan ka sheegin. Marna ma aha wax habboon in aan kula soo galgalanno
khilaafyada yaryar ee siyaasadeed ee na dhex-yaalla ee kursi-jacaylka, qabiilka
iyo qashinka ah ee uu gumeysiga cusubi nooga dhigay nolol siyaasadeed. Waxa la
gaaray xilligii si istaraatiiji ah looga tashan lahaa halka aan ka aadi lahayn
kaalin ahaan naqshadda qarniga 21aad iyo weliba sidii aan isu kaashan lahayn
annaga iyo walaaleheen Jabuuti. Markay halkaa marayso, reer Jabuuti waxay
dhahaan: ‘Way dhan tahay, ma aha?!’ Anigana, waxaan ku kabayaa ‘Rabbi talo ku
filan, Subxaanah!’
Prof. Ibraahim Faarax Bursaliid
Bare Jaamacadeed- Muqdisho
Email: farahiq2002@yahoo.com