4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Doorashada Somalia ee Sannadkaan 2016-ka Waa Talaabo Horay Loo Qaaday



Dabcan waa laga yaabaa in aysan ahayn middii ugu wanaagsneyd oo qof walba oo Soomaali ah uu jeclaan lahaa, Laakiinse waxaa hubaal in hannaankaan Doorasho ee dalku yahay mid ka saameyn badan kuwii hore oo inta badan awooda soo xulista gollaha shacabka lahaayeen oo kaliya odayaasha dhaqanka.

Marka aan sidan leeyahay waxaa rabaa in aan is dul-taago guusha ugu weyn oo ay gaartay dowladda xiligan jirta oo markii loo caal-waayay in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah daruufo jiro awgood, taa badalkeeda qaadatay hanaan kale oo ugu yaraan dadka fursad u siinaya in ay ka qeyb-gallaan soo xulista gollaha wakiilada dalka (Baarlamaanka)

Hannaankaan, ayaa noqonaya mid 14025 [Toban iyo Afar Kun Labaatan iyo Shan] ergo Soomaali ah soo dooranayaan golle wakiilo oo ka kooban 275-ka xildhibaan, iyadoo xildhibaankiiba ay u codeynayaa 51 xubnood oo laga soo xullay beesha uu kursiga ku matalayo, si markaa ay meesha uga baxdo isla xisaabtan la’aantii mudada dheer soo jirtay.

Guusha kale ee aan marnaba la dafiri karin ayaa ah sidda quruxda badan ee maamul gobolleedyada dalka qaarkood u soo xuleen xubnihii ku matali lahaa aqalka sare oo ay ku tartameen shaqsiyaad Soomaali ah oo rag iyo dumarba leh, kuwaasoo ku kala baxay cod iyo kalsoonida baarlamaanada maamullada ay matalayaan.

Sidoo kale, Tani waa calamad kale oo Muujinaysa Biseylka Siyaasadeed ee maanta uu dalku gaarray, in mar marka qaar ay dhici karto in rag iyo dumar ku tartamaan hal kursiga oo kaliya dabadeedna gabadhu ku guuleysato.

Dadka qaar ayaa qaba in doorashadani tahay mid aad u adag oo laga yaabo in is jiid jiid badani ka yimaado, laakiin ilaa iyo hadda sida ay wax u socdaan ma xumo, walow mar kasta la fillan karo khilaaf iyo in beeluhu isku qabtaan arrimaha qaar, balse taa laftirkeeda ayaa loo fasiri karaa baraaruga dadka ee ku aadan dowlad dhisida.

Qof ayaa ii sheegay in uu ku faraxsan yahay markii ugu horeysay inuu cod ku yeellanayo soo xulista xubnaha ku matalaya labada aqal ee baarlamaan ee uu dalku yeellanayo, laakiin isla qofkan ayaa dhinaca kale wali walaac ka qaba musuq-maasuq oo ah wax inta badan laga fisho doorashooyinka caalamka oo idil.

Qaramada Midoobay ayaa u arka tallaabadan mid ugu danbeyntii keeni karta in la gaaro doorasho qof iyo cod ah [One Person One Vote]  marka la gaaro Sannadka 2020-ka.

Guud ahaan marka aad eegto gobollada dalka Somalia waxaa ka soconaya Wada-tashiyo iyo kulammo ay leeyihiin Wax-garadka beelaha Soomaalida, kuwaasoo ka tashanaya soo xulida ergadii u soo dooran laheyd xildhibaanka, waana arrin ka marqaati kaceysa ugu yaraan in markan bulshadu wax badan ka og yihiin hanaanka doorasho ee dalka oo wixii ka horreeyay 2012-ka, ay hormuud u ahaayeen dad kooban oo siweyn loo dhaliilsanaa.

Guddiga Doorashada Dadban ee Dalka ayaa marar badan hore ku cel celiyay in la ilaaliyo waqtiga iyo xiliga loo qabtay doorashada, madaama qorshuhu yahay in 30-ka bisha November ee nagu soo foolka leh ugu danbeyn la soo doorto madaxweynaha, laakiin waa ay dhici kartaa in mar kale qadar kooban dib loo dhigo doorashada.

Khasab ma aha, in Muwaaddinka Soomaaliyeed uu ku qanco sida ay wax u socdaan, balse waxaa hubaal ah in ifafaalaha muuqda uu bixinayo calaamad u eg in dadka Soomaaliyeed la jaan-qaadayaan isbadalka dowladnimo iyo in mar kasta lagu kala baxo Codka oo ah kan lagu gaari karo Qaran la wadda leeyahay oo shacabku iska wadda dhax arki karo.

Ugu danbeyn, Arrinta sida weyn isha loogu hayo ayaa ah nooca baarlamaan ee la filan karo iyo muuqaalka uu yeellanayo madaama ay tahay markii ugu horeysay in xildhibaan walba oo baarlamanka ka mid noqonaya  uu kursiga kusoo fariisan doono kalsoonida 51 xubnood oo reerkiisa ka mid ah.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya



 





Click here