4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Maansadii Dab iyo Dambbas


By Dr. Abdirahman Beileh
Abidjan, Ivory Coast
[email protected]

Dawgeygu siduu ahaa
Doorkayga haddaan ciyaaray
Dalkayga Haddaan u heesay
Dushiisa waxii ku laalan
Wixii ku daboolan hoosta
Guntiisa wixii ku duugan
Baddiisiyo daafihiisa
Wixii duugee hadhaaya
Haddaan duhur maalin-weyn ah
Intaan isku wada dul-taagay
Intaan darifyada ka taabtay
Haddaan dunida u tilmmaamay

Daandaansiga waan necbahay e
Ragoow waar hooy na daaya
Danqaabada hoose jooja
Warkeyga daleedda keenay

Haddii la’isoo dangalo
Haddii dulmi la’igu falo
Haddii la I doca-doceeyo
Dadkeygana waa aqaannoo
Dagaalbbuu taa ka xigan
Haddaan diirka uga qaaday

Dulqaadkaygaa badnnaaye
Haddii aan ugu dambbayn
Intaan dhigay daaqaddaas
Midida daabkeeda laacay
Dantayda waxaan ahayn
Haddaan iska diiday “yeel”

Wixii talo naga dednayd
Daboolka haddaan ka feyday
Dadyohow idin wada casuumay
Diyaafad idiin sameeyey
Warkaygu hadduu idin deeqay
Da'dayda  yar ee kacaysa
Haddaan dumarka iyo raggooda
Dalkeenna barwaaqadiisa
Dekreeto intaan ku qeexay
Haddaan qalinka ugu duugay
Duruufaha yaalla sheegay

Damiirakaygaa xalaal ah
Dug baan hurdada u gam’aa e
Mid kale ma ku sii daraa? 

Waxay dulcdeedu tahay
Dalkeenna kuwii xoreeyey
Dhiiggooda kuwii u daadshay
Dadkii hore iyo innagu
Dab iyo dambbas in aynnu nahay
Miyaa dood laga qabaa?


Haddaan “Daalo” iyo “Galgala”
Dabaylo intaan kaxaystay
“Siimoodi” dusheeda fuulay
Intaan ilmada iska duugay
Dadkayga u waayo-sheegtay

Haddaan doqonniimo sheegay
Inay tahay cudur dilaa ah
Duumiyo inay tahay xanuun
Daliil sugan baa ka yaalle
Dadoow iskuduubni hoy
Daddow idhi kaca jahaysta

Damiirakaygaa xalaal ah
Dug baan hurdada u gam’aa e
Kan diidoow yeelkadaada
Mid kale ma ku sii daraa?
 
Waxay dulucdeedu tahay
Kuwii calankaa dusheenna
Daleedda ka soo xereeyey
Dhiiggooda kuwii u daadshay
Dadkii hore iyo innagu
Allah idilayee Cadduur
Dab iyo damabbas baynnu nahay

Haddaan gobannino daleeyey
Haddaan diibkiyo xariirta
Haddaan maro daranyo muus leh
Intaan dusha ubax ka saaray
Haddaan aqal daahyo weyn le
Haddaan dadab ugu aroosay
 
Haddaan dumay ciidankeenna
Intaan dunbbuqa u xambbaarshay
Dul iyo hoos ugu wax-sheegay
Dufaaca dhulkeenna hooyo
Haddaan dummaddooda saaray 

Damiirakaygaa xalaal ah
Dug baan hurdada u gam’aa e
mid kale ma ku sii daraa?

Kuwii dalandaliyey reerka
Wixii talo naga dadnnayd
Daboolka innooga qaaday
Dadkkeenii hore iyo innagu
Allaydilayee Cadduuroow
Dab iyo dambbas baynnu nahay


Shalay adhigii dareeray
Markuu dubur hawd ka xulay
Markay idihii durkeen
Markuu ubadkii dakaamay
Arlada dulin  baa ku nool e
Dudqaag mamay baa ku nool e
Armuu bahalkii dagaagay
Armuu dibadaha ka helo
Dabaylo cas baa socdee
Dayaankiisaan maqlaayoo
Cirkuna wuu dihinyehee
Haddaan idhi soo dabbaala
Firkada u dallaalimeeya

Intaasuu kaa durkaayoo
Waxaan jirin daydaydaae
Intaad seetada ka dayso
Ratiga dabarka isku saara
Ayaanu  duleedka dhaafin
Ka daran baa jirikartee
Diraacda barwaaqadeeda
Ayaan caanaha la daadin
Allaa jira daayinee
Deyrkiinana hoy adkaysta
Dardaaran haddaan ka dhiibtay

Dareenkaygaan qabaa oo
Dadkii weeraa idlaystay
Duullaan bay kugu yihiin
Dameero jin baa u raran
Dadaal waxa ugu jiraan
Innuu gabbalkaagu dumo
Dabkaagu inuu bakhtiyo
Adoo dagan yey ku gaadin
Digtooni ka yeelo weerar
Dantaada u foojignoow
Dooddaydu hadday ahayd

Damiirakaygaa xalaal ah
Dug baan hurdada u gam’aa e
Mid kale ma ku sii daraa?


Dalkeenna kuwii xoreeyey
Kuwii calankaa dusheenna
Daleedda ka soo xereeyey
Dhiiggooda kuwii u daadshay
Allay dilayee Cadduuroow
Dadkii hore iyo innagu
Dab iyo damabass baynnu nahay


Ninkaa  falan  ee derderen
Ninkaa doolaaladiisa
Tii oon cidi  u diran
Daf soo yidhi xaafaddeenna
Deyrkeyga intuu salooshay
Ilaa duddadii xuluushay 

Haddaan  dib u joogso idhi
Falkaa  idhi ha igu deyin
Wuxuu ila damacsnaaa
Kalkaygu wuxuu dareemay
Sidaan uga wada dubaaxshay
Haddaan dood nii  furfury
Waxay dogob nago shideen
Haddii  madaxaygu diiray
jidhkayku hadduu dareemay
Dubkaygu hadduu jareeyey
Dardaar-werentiyo falaadka
Haddaan cadhada isla duubay

Duufaanno wixii dhacaayey
Babaydhyada igu da’aysay
Anoo dugsi iyo gabbaadin
Labadu ii daranyihiin
Haddaan ina jicimmbbir doontay
Haddaan doqonyohow ku idhi
Agtaada dabkaa hulaaqay
Dambbaarurada iska eeg
Haddaan dawga u tilmaamay
 

Si buu u kala daadsanaa e
Haddaan moogana dul-baxay
Dammiin in u yahay u sheegay
Dermada idhi hooy ka toos
Haantaada daboolka saar
Halkay kula doonayaan
Dareen yeeloo wax maqal
Dalluunta ka weeco idhi
Digniin iyo waano siiyey 

Haddaan faraqii dillaacay
Haddaan irbbadiyo duntii
Intaa ceeyoon ku daalay
Haddii aan ugu dambbayn
Dawaarka la soo heshiiyey

Markuu di’i waayey roobku
Markii dabadheer abaarta
Dabayluhu foodhyayeen
Dadyohow halla toobbad keeno
Ducaysta haddaan ku baaqay


Damiirakaygaa xalaal ah
Dug baan hurdada u gam’aa e
Mid kale ma ku sii daraa?

Kuwii calankaa dusheennaa
Daleedda ka soo xereeyey
Dhiiggooda kuwii u daadshay
Dadkkeenii hore iyo innagu
Dab iyo dambbas baynnu nahay


Haddaan qoqobka iyo dirsooca
Haddaan idhi hoy an daynno
Waxuu  dumiyaan naqaanne
Qabiil dano laguma gaadho 
Duqey baa hore u tidihi
Middaas iyo dowladnnimo
Dab iyo dhagax bay yihiine
Adoon meelkale ka doonin
Bal eeg daraygaynnu naallo
Waxay dihanaysay waayo
Sicii sow dibi ma dhalin!

Ha yeeshee moora-diinka
Dheguhu ka dahaadhanyiin
Iftiinnadu wada dameen 
Illayn waxba kama dagaan
Illaayn waanadu ma deeqdu


Shaxday berigii la degey
Daruuraha la’sla koray
Dammiin loo sheegi maayo
Nin doori se waa yaqaan
Mid kuu daran tii ka daran
Haddii lagu doorransiiyey
Adigu rogo daabacaaga
Bulshooy deris taa ku qaado


Haddeer iyo ugu dambbaysta
Waxaan hadalkii ku daystey
Dooddaydan ku soo afmeeray
Duuduub hadalkaygu waa
Duxdiyo midhihiisu waa

Damiirakaygaa xalaal ah
Dug baan hurdada u gam’aa 
Dadkkeenii hore iyo innagu
Dab iyo dambbas baynnu nahay
 
Wixii demnahayga saaran
Wuxuun inay kugu duxaan
Wallee hadal kaama daayo
Wallee kama daalo waano




 





Click here