4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Erdogaan waa halyey dhalad ah

Faaduma Axmed Caalim (Cureeji)
Wednesday, July 20, 2016

Dadkeenna ku nool qurbaha markastoo aan aragno dal Muslim ah oo uu asna burbur iyo barakac ku dhacay, aad baan uga naxnaa uguna danqannaa, waxaanna Eebbe ka barinnaa inuu inta kale badbadiyo; markastoo idaacadaha laga sheego dad lagu qarxiyay ama lagu diley dal ka mid ah dalalka aan ku noolnahayna, waxaan ku ducaysannaa inaan cidda dhibahaas geysatay noqon Muslim ama Madaw. Waxan ka welwelnaa caawaaqibta ka iman karta falalkaas iyo saamaynta ay ku yeelan karaan nolosheenna-   siiba waayahaan oo ay dalalka Qarbiga ku sii badanayso cunsuriyadda, iyo muhaajiriin iyo muslim nacaybku.

Iyadoo uu xaalkeennu sidaa yahay, ayaa waxaan galabnimadii Jimacaha ee 15kii Luulyo, arkay warka inqilaabka ee ay 15kii Luulyo ciidammo Turki ah ku doonayeen inay afgembiyaan dawladda sharciga ah ee Madaxweyne Rajab Tayyib Erdogan.  Warkaas dhiillada leh oo ay idaacadaha warxunsheeggu ku dheeraadeen baahintiisa dhinacraaca ah, aad baan uga xumaaday, waxaanna durbadiiba is-weydiiyey, “Oo maantana ma Turkiyaa la galay, oo buurtii ay Muslimiintu ku tiirsanaayeen miyaa la jebinayaa?!”

Alleheenna Caadilka ah taa ma oggolaan, oo inqilaabkii waa kii dhicisoobey, oo ay misana rumowdey siduu Quraankiisa Kariimka ah ku qeexay, “Haddii Eebbe idin guuleynayo cidina idinkama adkaanayso.” (Suurat Aali Cimraan: 160)

Waxaa Turkiya u guntaday madaxweyneheeda, halyey Erdogan oo macnaha magiciisa ee Afka Turkiga yahay geesi dhalad ah. Inkastoo uusan ku sugnayn caasimadda dalka, Ankara markay mixnadu dhacaysey, lagana qabsaday idaacadaha waaweyn ee dalka, waxaa Alle solansiiyey inuu, asgoo u bareeray geeri iyo nolol, kasoo duulo magaalada Marmara, oo uu fasax ku joogay, soona galo Istanbuul oo ay ciidammadii inqilaabku ku hareeraysan yihiin. Wuxuu garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha ee Istanbuul shacabkiisa uga diray baaq qayladhaan oo qiiro leh, asagoo adeegsanaya idaacad macmiil ah oo ka kooban telefoon gacameed kumbiyuutar lagu xiray; baaqaasoo uu ku boorinyo inay u wada kacaan dalkooda oo ka badbaadiyaan burburka iyo baaba’a lala maaggan yahay.

Ninkaloo aan sidiisa daacad u ahayn dalkiisa ama ayan ku beernayn qiiro waddannimo, hadday qabsan lahayd tan ku dhacday Erdogaan, goor horuu naftiisa iyo tan qoyskiisa dibedda ula carari lahaa.

Waxaa ammaan mudan kaalintay dadka Turkiga ee geesiyiinta ahi ka geysteen guusha badbaadinta qarankooda.  Waa wax lagu jariiricoodo muuqaalka dad rayid ah -sida muwaadiniinta Istanbuul- oo leh dhallinyaro iyo waayeel rag iyo dumar, oo si naftihur leh isugu soo wada baxay waddooyinka ku yaal Burjiga Mahmet Al Fateh iyo Burjiga Bospherus una babacdhigay xabbadaha taankiyda iyo helikobtarrada ee ay ciidammada laqdamay ku rushaynayeen. Subxaana Allaah! Waxaad moodaysaa inay noqdeen Jundigii Alle ee uu marar badan Erdogaan ugu khudbeeyey inay shacabkiisu yihiin.

Inta wax ka og taariikh nololeedka iyo afcaasha Madaxweyne Erdogan, lama yaabbana siduu shacabkiisu uga ajiibay baaqiisa, ama maqaamka sare ee uu xaggooda ku leeyahay, iyo gacalada badan ee ay u qabaan.  Intaasoo dhan wuxuu ku mutaysatay halganka dheer ee uu u soo galay si uu Turkiya u gaarsiiyo horumar xag dhaqaale iyo xag bulshaba; horumarkaasoo uu ku xaqiijiyey afartii sano ee uu ahaa duqa magaalada taariikhiga ah ee Istanbuul iyo 13kii sano ee uu ahaa wasiirka kowaad ama madaqxweynaha dalka. 

Xagga shakhsiyaddiisa iyo dabeecaddiisa waa nin go’aan adag multasimna ku ah wixii uu ballanqaado, islamar ahaantaasna waa bashaash bulshadiisa ku dhexjira xiriir wanaagsanna la leh dhallinyarada.  Taa waxaa u fudadysay inuu ku barbaaray xaafado ka tirsan Istanbuul, iyo asagoo weliba dhallinyaronimadiisii ahaa caayaartoy kubbadda Cagta. 

Malaha siyaasiyiinteennu way u baahan yihiin inay taana kaga daydaan Madaxweyne Erdogan oo ay ku biiraan naadiyada ciyaaraha ee dalka ka jira, taasoo u wanaagsan caafimaadkooda iyo jirkooda, dhiirrigelineysa dhallinyarada, xag siyaasadeedna ay uga faa’iidaysan karaan.

Xagga insaaniyaddiisa, Erdogan waxaa lagu yaqaan inuu yahay mu’min dhab ah iyo xaafid al Qur’aan u ixsaan fala una hiilliya dadyowga iyo dawladaha Muslimka ah ee tabarta yar sida Soomaaliya iyo Falastiin.   Gaar ahaan haddii aan Soomaali nahay, waa hubaal inaysan jirin dawlad sida Turkiya oo  hagarla’aan ugusoo gurmatay taakulaynta Soomaaliya, ama sida Madaxweyne Erdogan oo ayadoo ay la socoto afadiisa, marwo Aaminah Gul Biran yimid Soomaaliya sannadkii 2011, goortay abaarta iyo weerarrada argagixisadu dalka asiibeen nabadgelyaduna aad u xumayd.

Soo ma ahyn kii soo booqday xeryaha barakacayaasha tabaalaysan; xambaaray caarrurrta diifaysan, ayaga iyo waalidiintoodana u jeediyey hadallo naxariis iyo rejogelin leh; una keenay raashin, dhar, daawooyin iyo khaymadu wada tiro iyo tayoba leh.

Intaa keliya maahee waasagii laba safaroo kale oo isxiga (2015 iyo 20160) soo booqday Muqdishow, asagoo furay mashaariic musaacado ah oo wax-ku-ool ah, kuwa kalena ballanqaaday.

Waxaa kaloo xusuus mudan siduu had iyo jeer ugu taagan yahay xoojinta iyo difaaca diinteenna.  Taa waxaa markhaati u ah mawqifkii dhiirranaa ee uu ka qaatay arrinta inta, ayagoo marmarsiino ka dhiganaya xurriyadda ra’yiga, bannaaneeyey inay saxaafaddu gefkasta u geysan karto Rasuulka Allee, Maxammad, naxariis iyo nabadgelyo Eebbe korkiisa ha ka yeelee. Wuxuu yiri, “Sawirrada dhaleecaynta Nabi Maxammad, waa duullaan ku wajahan qiyamkeenna ruuxiga ah.  Waa inay xad leedahay xurriyadda saxaafaddu.”

 Iyadoo aan dadka Soomaaliyeed marna illoobi doonin wanaagga ay dawladda Turkiga iyo Madaxweyne Rajeb Tayyib Erdogan u galeen Soomaaliya, waxaan Eebbe ka baryahayaa inuuTurkiya ka badbaadiyo sharta shirqoollada cadawga, una sugo midnimo, nabad iyo horumar waara.


Faaduma Axmed Caalim (Cureeji)
[email protected]



 





Click here