4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
WARQAD FURAN

Xildhibaan Fawzia YusufH. Adam
Tuesday, April 26, 2016

Dhammaan Dhallinyarada Soomaaliyeed meel kastoo adduunka ay ka jogaanba  gobol kasta oo ay  ku nool yihiin iyo maqaam kasta oo ay gaadheen rag iyo dumar-ba,

Waxaan qoraalkan  jeclaystay inaan idinla wadaago, anigoo ka murugaysan dhacdooyinkan dambe ee dhallinyaro badani ku le’atay badaha, isla markaana ay socdaan dagaallo kala duwan, dilaal  qorshaysan iyo xasuuq ku socda dhallintii Soomaaliyeed,  dhinac kasta dagaalka ha kamid noqdaane Waxan dabar go’ayaa dhinac kastaba waa  ubaxii iyo mustaqbalkii Soomaaliyeed.

Dhallinyaro, waxaan aad uga qiiraysanahay,ummal badanna igu dhaliyay sida dalkeennii ugu sii siqayo, cidla, lama dagaan, iyo sida khayraadkeennii loo kala boobayo.

Qoraalkani waa iga BAAQ  IYO  BAROORDIIQ.  Intii  geeriyootay Ilahay naxariistii janno ha ka waraabiyo, inta noolna Ilaahay ha badbaadiyo,  dalkooda iyo dantoodana ha u iftiimiyo.

Dhallinyaro, Ilaahay wuxuu inna siiyay goobta dunidan ugu qiimo badan straatiijiyad ahaan, isla markaan wuxuu innagu mannaystay qaniimad iyo khayraad faro badan. Waxaa kamid ah xeebta Africa ugu dheer, oo dhaqaalaha dunida boqolkiiba 82  ($700 oo Billion) ay sannadkii  badaheenna maraan. Waxaa isla markaa  badaheenna ku jira kalluunka ugu badan iyo baatrool badan. Waxaynnu  nahay dalka  leh xoolaha nool ee ugu badan adduunka, waxaynnu leenahay dhul beereed ka badan 8 malyuun oo hektar  oo wabiyo dhex maraan,  kuwiinna  cilmiga beerahay bartayna ay ka shaqaysan karaan. Waxaynnu leenahay baatrool, gaas, dahab, dheeman, iron, uranium ( 25% inta dunida oo ku jirta) iyo macdano kale oo tiro badan. Intaas oo dhan waxaa dheer, Ilaahay wuxu  inna siiyay dhul aan kulayl siyaado ah iyo baraf midna lahayn.

Dhallinyaro,   dhulkeennu wuxuu leeyahay taariikh facweyn oo xiiso  leh, inkastoo la qariyo,  iyo taariikh dhexe oo qurux badan  laguna faani jiray.  Waa dhulkii udugga, waa xadaaraddii Punt. Waa dhulkii ilbaxnimoda dunidu ka bilaabatay, siday qoreen taariikhyahanno caalami ah. Waa dhulkii ay faraacinadu kasoo jeedeen.

Haddaan usoo jeesto taariikhda dhaw ee Somaaliyeed sannadihii 70nadii ilaa 80nadii, Waxay dawlladdii jirtay ahayd, dawlladaha Africa kuwa ugu quwad iyo magac weyn.  Waxay ahayd dawllad llagala  tashado arrimaha Afrika. Waxaa 70nadii  Midawga Africa uu xilsaaray in dawlado ay Soomalia ka madax tahay ay  Isticmaarka ka xoreeyaan  toban dal oo Africa ah oo Koonfurta iyo Galbeed Africa ah.  Waanay ku guulaysatay Somalia iyadoo saraakiisheedii ugu firfircoona hawl galisay.  Somaliya waxay ahayd dal laga haybaysto loona habrado.

Innagoo intaas haysanna, haddana waxaad ku dabar go’deen oo ku dhammaateen tahriib iyo dagaal noocyo badan.  Dagaalka haddii aan soo qaato, hadduu yahay mid Shabaab amma mid beeleedba,  dhammaan inta labada dhinacba ka dagaalanta ee dhimataa waa dhallin yaro. Dagaalladaa Soomaaliyi ku halaagantay waxay dan u yihiin shisheeye iyo ganacsata hubka  ee debed iyo gudaba.

Haddii aan soo qaato tahriibka,  waad ogtihiin inta is biimaysa ee ku dhimata  dariiqa dhexda amma badweyntaba iyo xabsiga iyo  jidhdilka lagala kulmo  dariiqa. Tusaale u qaado sawirradan halkan ku  yaal oo ah dadkii qaraqmay iyo qoys  tahriibaayay oo Qaahira lagagala baxay sida la yidhi, beerkii iyo kalyihii.

Dhallin yaro, Haddii aad yurub gashaan, nolol  wanaagsani idinkama  horrayso,waad  ka aragtaan war- baahiyeyaasha silica, darxuma, gaajada iyo hoy la’aanta . Haddaydaan qaarkiin ogayn, wakthigu wuu is beddelay oo sidii hore qaxootigu taakulo uma helaan.

Da’yartiii Soomaaliyeed adduunka dacalladiisa waxay ka buuxaan jeelasha, amma ha lagu sheego sharci darro ay ku galeen, budhcad badeed iyo  dunuub aanay lahayn, inkastoo ay jiraan kuwo qurbaha ku wareeray oo dambiyo gala marki dhaqannada iyo afka ay la qabsan waayaan.

Tirakoobka Soomaaliyeed waxaa lagu qiyaasaa 12 milyan oo qof.  Tiradaas   boqolkii 74 waa dhallinyaro. Waxaa iyana jirta in dad lagu qiyaasay ilaa 5 milan ay dalka ka qaxeen , oo lixda qaaradood ee dunida  ay kala joogaan, iyagoo qaxa bilaabay bilawgii sannadihii 1970 ilaa hadda.  Haddii tiradaas la eego, yaa ku hadhay oo jooga gudaha dalka? Waa ku dhawaad 7,000.000 milyan oo qof oo boqolkiiba 74 ay dhallinaro yihiin. Dhalinyaradu waa   shan milyan  boqol iyo siddeetan kun (5,180,000).  Dadka waaweyn iyo carruurta   ku sugan dalkana guud ahaan waa milyan  siddeed boqol iyo labaatan kun.  oo qof (1,820,000).

 Haddii haddaba  tobanka sano ee soo socota ay xawligaas dhallinyaradu kaga baxaan dalka, dalka cid u shaqaysa iyo  cid hore u mar gaadhsiisaa ma jirayso, waxaana soo baddalaya dad kale oon dalka u dhalan. Waxaa intaas dheer dhallinyarada baxdaa waxay la tagayaan  carruurihii ay dhali lahaayeen ee dalkan ku kori lahaa, kuwaasoo haddii ay debded ku dhashaan boqolkiiba 75 aanay  dalka kusoo noqon doonin. Yaa dalkan badbaadin doona?

Gabo-gabo Dhallinyaro waa la garan karaa shaqo la’aanta iyo niyad jabka idinku kallifa tahriibka iyo waxaa lamida. Waxayse  u eg tahay in dalkii laga salguurayo,  wuxuuna noqon doonaa meel cidlo ah oo aan la kala lahayn, cid walibana u soo boob iyo xoogsi tagto. Isla markaana dadka Soomaaliyeed ay noqdaan dad laga badan yahay loona taliyo.

Talo, Dhallinyaro, mustaqbalka dalkan  iyo dadkani waa idinka, khayraadka iyo qaniimadda Ilaahay dhigayna  idinkaa uga xaq leh shisheeyaha daldalanayaa.  Dhoofka iyo dhimashada waxaa ka roon inaad dhulkiinna aamintaan oo hanataan. Waxaad  ku shaqaysan kartaan xirfadihiinna  iyo aqoontiinna, dalkana  waxaa lagu soo dabbaali karaa nabadgelyo iyo hore u mar.   Dalka idinkaa iska leh, mustaqbal hore umar lehna  waa loo samayn karaa haddii wada jir wax looga qabto. Xaqiiqadu waxa weeye, haddii khayraadka iyo qaniimadda dalka dadka u dhashay loo qaybiyo, qof waliba halkiisuu ku noqon karaa bilyaneer Diasporada guud ahaan waxan kula talinayaa inay dalka kusoo noqdaan  oo aqoontooda iyo  khayraadka dalka ku hore-mariyaan.

 Dhallinta dagaallada ku jira, waxaan leeyahay, dagaalkani mar uun ayuu dhammaanayaa, wakhtigiinna ha luminina. Waxaa hubaal ah, haddii aad aamintaan dalkani wuu ka hore mari karaa dalal badan oo hadda hore u mar lagu sheego. Qoriga iska dhiga oo qalinka qaata, siyaasadda iyo dalka hore u marintiisana ka qayb qaata.

Ummadda Somaliyeed ha guulaysato.


Xildhibaan Fawzia Yusuf H. Adam 
Xubin Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliyeed           



 





Click here