4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Heestii Dhambbaal

Dr. Abdirahman Beileh
December 31,2014

Heestii Dhambbaal

Jiiftadan Dhambbaal  waa hees iskugu jirta talo, tusaale iyda oo guud maraysa sida u manta xaalku yahay, iyo sida ay noqon-karto haddii aan innagu damacno. Waa dhiirrigelin dadka Somaliyeed in ay indhahooda foraan oo ay dhab u fiiriyaan sida ay wax ahaayeen muddaddi 25ka sano ee an  soo dhaafnay. In ay isku tashadaan, in ay wax-qabasadaan, in ay tabaabulsheheeda galaan in sanndakani, 2015  ka duwanaado kuwii hore.  Wey fududdahay in meelaha la’iskugu yimaaddo si dib-yar looga qaado “ Somaliyeey toosa” maxaase ka qabsoomay? Marka  aad dadka jaarkeenna ku dherersato… inteed leegtahay? (how tall are we in comparison with the peoples of neighboring countries!!?) Anigu marakaa ku dherersanjiray lixdannadii iyo todobaatannadii iyo siddeetannadii, wa xasuusnahay halkaan taagnna.

 

Waxa aan shiki ku jurin in haddii dheelallowga laga tooso, aanay waxbadan qaadan doonin in aan guryo-samo reerka furi-karnno.

 

Saannad wanaagsan 2015, iyo jiiftadii Dambbaal.

 

Haddii aanand heestani ku qancin, fadlan raalli ahawa.

  Abdirahman Beileh

 

Sannadka haatan dhammaday ( 2014) ee  

Inna dhaafaya caawa

Dambigaan dhigannannay een

Buurtaa dhaaban ka weyn

Rabbi ha innaga dhaafo

 

Mid kan aan dhur-sugaynno (2015)

Haddeertaan Dhalanaaya

Ee saacado u dhimanyeen

Soo dhaweynta Cabbasoow

Dhag-dhagta iyo ciyaarta

Dhawaqaaga in raaci

 

Tobannaan iyo dhawr

 Dhamac baan hurinnannay

Dadkeenni ku dhammaaday

Sida dhuudhiga caynta

Badhkeen baa dhiigga cabbaayey

Darkaala iskaga dhoofay oo

Ku dhammaday badweyn oo

Gacmahooy hoos u dhigtaan iyo

Dhawrto aadmi ku nool

 

Dhaqankii anshaxii

Lagu dhaadan yiqiin iyo

Darbaa xuuray dharkii

Dhegaha oo la dalooshiyo

Dhalanteed ku asqaysan

 

Hodan weeyi Dhulkeennu e

Dheeftii eebbe na siiyey

Dhab haddan u hadllaynno

Innagaa ka dhaqaaqnnay oo

Ka dhiyaallay habeen

Xumaantaynnu dhitaynnay baan

Dhaxalkeeda qabnnaa

Shayddaan baa inna dhexqaaday oo

 kooxba meel u dhaqaajey e

Allahayoow waan kugugu dhaartee

Jiidhkii wuu na dhammaday oo

Dhuuxi baa soconnaayee

Dhawaaqeenna midee (aammiin)

Dhinac noo wada jeedi (aammiin)

 

Wax badan buu dhutinannay oo

Awrku dheelli ahaayoo

Dhoomahaan ku callaynay iyo

Rabaalkaa dhibayey oo

Lugtii jeeniga dhaaftay oo

Dhuuntaasay fadhidaaye

Ha innoo dhib-yareeyo oo

Sahal haynnagu dhaafsho (aammiin)

Waxa dhiig sunsumaaya

Dhibic maydha ka keeno (aammiin)

Sacabkood dhigataan iyo

Cirka ood dhugataan iyo

Dhawaaqiinna I raacsha oo

Aamiin ii dhaha taas (aammiin)

 

Afartaa ma dhisaalay

Dhayal looma tiraabee

Dhambbaal jiifatdu weeyee

Halkaa  taa an dhaafo

Mid kalaa dhinc taal

 

Farriin baa igu dheer oon

Ka dhawaajinayaa  e

Fura hoy dhegiheenna

Dhagaxaa dixda yaaliyo

Dhadhaab mayhin illayne

Nin dhintoo la xabaalay iyo

Dhamaas aan wax ogeyn iyo

Dundumaan dhaqdhaqaaqine

Dhalliilbaan arkayaa oon

Badka soo dhigayaa e

Bal degeysta dadoow

 

Dhurwaa gii laga sheegay

Markuu dhuuxay laftii

Ka dhammaystay duxdii

“dhanaakeeda middaan

Dhegahaa’igu dillaacay”

Dhaqankiinnu miyaa?

 

 

Afartaa ma dhisaalay

Dhayal looma tiraabee

Dhambbaal jiifatdu weeyee

Halkaa  taa an dhaafo

Mid kalaa dhinac taal

 

Geedkan aad ku dhammaatay ee

Intaad dhuuniga moodday

Habeenka iyo dharaarta

Aroortii Dhilanayso

Dhaqakiinnii  halleeyey

Shaqadiinnii dhantaalay

Dhaqaalihii garbaduubay

Qoyskii reer ku dhisnnaa

 Dhidibkii nolosha

Wuxuu dhaawac u geestay

Dhaayihiin ha arkaan

Inaad dhaafi kartaan  

Maad ka dhaaratid jaadka?

Xilo maad ku dhawaaqdid?

Haddadaa ka dhaqaaqdid?

 

Haddaad dhiig iyo uus iyo

Inuun dhaaddo qabtaan

In aad beelo dhisayso

Inaad reerka dhaqayso

Inaad Dhaayin hasheenna

Wey yadaa dubatawdaye

Dhuuni geedle furayso

Ka dhabayso cadaawe

Dhaxal aad ka tegayso

Maad ku dhaaratid eebbe

Haddadaa ku dhaqaadid

 

Afartaa ma dhisaalay

Dhayal looma tiraabee

Ma u yeelay dhextaal

Dhambbaal jiifatdu weeyee

Halkaa taa an dhaafo

Mid kalaa dhinc taal 

 

Dhacadiid iyo jiif

Xoolo kuuma dhaqaan

Dad horaa ku dhammaaday

Dhankaad doonto ka eegoo

Dunidii way inna dhaaftay

Tubtii aan ku dhaqaannay

Dhabbadan aan cagta saarnnay een

Ilaa dawr gu jafaynnay

Dhama’neen ku asqoownay

Dabandaadkiyo quusta

Dheelalaw-socdkeenna

Dallinteenna habowsanee

Dugsi loo dhigo daaye

Cago soo dhigan weydey

Ku dhammaatay badweynta

Sacabkoo ay dhigtaan iyo

Dhawrtadii ku wareersan

Dhul shisheeye ku nool ee

Xayadii ka dhaqaaqday ee

sida neef dhubatoobay

Dhacdhacaysa  gidaarka

 

Dhaqankeennan habawsan

Xishoodkii iska dhiibay

dhaqaalaha kala daatay ee

kuwii dhoofka ka aaday iyo

 Dhawrto aadmi ku nool ee

Dhurwaagu uu fadhataystay

 

Odyaasha dhabcaalay

cid dhegesyata waayey

wadahaysta dhafoorka

 

 

ciidda dhaawaca gaadhay

dhirta oo  cabanaysa ee

 dhegta loo jalqin waayey

 dhegoolaynta dadkeennan

dhuganaaya xumaanta

dharaartii Allah goodana

sida geedka dhurwaaga

dhashiisii qalanaaya  ee

doobi dhiiga ka laaca ee

labadaa isku dhuuqa ee

 dheeraad sii ulanaaya

 

dawladdaan dhisnay haatan

dherigaan dbaka saarnnay

dhoobdhoobbaan ku jiranna e

nin wallooba dhankaaga

dhidibka maan u adkaynno

  

 

Afartaa ma dhisaalay

Dhaxanbbaa inna haysaye

Ma dheereeyey muskii

Dhacanta iyo afsaarka

Buuxsinkii ma ku dhaabay

Marinkaa dhababnnaaye

Ma u yeelay dhextaal

Mad kale oo dhinactaalle

I dhegeyso adeeroow

Laanta geedka u dheer

Halka ay ku dhmaatiyo

Anigaa dhidibkii ah

Dhumucda iyo laxaadka

Dhulkaan duubi karaa

Iyo sheeko-dhurwaadan

In badan baan ku dhabcaalnay

Waxba maynnu ka dheefin

Waxa dhaawaca geystee

Dib inno dhigay weeyi

 

In badan baan ku dhawaqnnay oo

Haddana ay dhicsowday e

Miyaan dhaafnno qabyaalad?

Xabaal maynnu ku dhaabnno

Dhidibbka maan u adkaynno

 

Maahmaahdii ina dhooddin

Haddaad dhuumu tidhaa

Dhabarkaaguna muuqdo

Kollay dhawac ku gaadh yoo

Adigaa u dhuman doona

Dhaqankeennu miyaa?

 

 

Mid kalaa dhinc taal

Awrkeennii ina dhaayin

Intaan doomaha saarnno

miyaan dhaan u qalqaalnno

Inta u udhixi doono

Dhawr habeen iyo maalmo

Miyaan baadka dhirteenna

Dhanfaruurtiyo looska

Dheemaal maan jalanno

Qaalintii ina dhaaddan

Ayaan dhays ku ogaa oo

Curanaysa dhawaane

Miyaan dhiil culanno

Burcad ma ka dhitaynno.

Inta aan birta dhaabnno

Dhexda suunku qarqooro

Dhareerkeen xadhigoobo

Dhiddigga iyo labooda

Dhididkeenna an maalnno

Dharkeennaa wasakhoobay  

Maan dhaleecada maydhnno

Ilahay dininiicsa

Maan salaad u dhaqaaqnno

Dhmmaan aan xajka aadnno

Dhawaan soo noqodkeenna

Dalka oo dhan xoraynno

Ubadkaan dhali doonno

Dhaxal waara u reebnno

 

Mid kalaa dhinac taal

Sheekaday dhurayaan

Dhiidhaada ay dirayaan

Dhambbaalkay qorayaan

buuraha ay dhisayaan

Somaaliyeey wax dhegeyso

Dhabto maaha sidaas

Ilaahbaydinku dhaarshee

Dhaayihiin ha furmaan

Dhalanteed ha rumaysan

Dhado roob ha u qaadan

Dhaqaaq-joogsigu hawsha

Wax uun buu u dhimaaye

Dheef hadhaaya ma reebo

Dhiidhiya oo ishabyeeya 

Dhagaxa iyo cammuudda iyo

Dhoobadeenna madow

Ciidda soo dhombbala

Muruqiinna ku-dheefa

Dharaar yey kala joogsan

 Mid kalaa dhinac taal

 

Dhammaadkeediyo heestan

Dhextaal aan u sameeyo

Soo dhabaan-dhabo haanta

Dhallaanbbaynna sugaaya,

Aanu dhaan u maqannayn

Waxna meel u dhignnayn

Sidii ay u dhasheen

Dhibaato iyo sarseeran

Bahalo ay ka dherggeen oo

Waalidkii dhalay liito

Wax u dhuunyado daaye

Dhagaxii uu ku dul jiifay

Dhinaciisii waxyeelay oo

Dhakafaar iyo ciil

Labadaa dhaban haysta oo

Ilaa dhawr todobaadna

Dheri aan dabka saarin oo

Isba ruugaya dhoosha 

 

Maansadaydan dhambbaal

Haddii aad wax ka dheefi

Amma aad dhabandaadin ood

Dhegahaaga ka oodan

Halkaasay ku dhammaatay

Sannad waca 2015



 





Click here