Saturday December 12, 2015
By Ahmed Farah
Waa oraah uu ka yiri Ra’iisul Wasaare Cumar
Cabdirashiid kulan ka dhacay Galkacayo oo lagu dhex dhexaadinayey maamulada Gal-mudug
iyo Puntland oo dirir ku dhex martay horaanta bishaan, Xaqiiqdii hogaamiye
kasta oo caalamka jooga wuxuu ka tagaa weerr mahadho ah, oo jiilasha soo koraya
ay ku sheekaystaan, ama ka mid noqoto xikmadaha la galiyo diwaanada caalamka,
laguna qoro buugaagta taariikhda, laguna darsado khudbooyinka laga jeedinayo
fagaarayaasha. Oraah taariikhda gashay hada ka hor waxaa yiri Allaha ha u
Naxariistee Aabihii Madaxweyinihii hore ee Soomaaliya Cabdirashid Cali
Sharmarke 1964-tii, xiligaas oo dowladda Soomaaliya oo ciidan ahaan iyo
dhaqaalo ahaan aad u tabar yareyd ay dagaal kula jirtay Boqorteeyadii Ethiopia,
waxaana xiligaas qaban qaabo loogu jiray doorasho ka dhacda dalka, Madaxweyne Sharmarke
oo xiligaas ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waraysi uu siiyey BBC ku
yiri “Gacana waan ku codaynaynaa, Gacana
Dalkaan ku difaacaynaa”
Dagaalkii ka
dhacay Gaalkacyo wuxuu ahaa runtii mid aad looga argagaxay qaabka uu ku
bilowday, khasaaraha ka dhashay iyo sida dhaqsaha leh ee colaadu u saamaysay
dalka oo dhan, waxaa hal mar ka qaxay magalaada dadkii nabada ku wada noolaa
21-kii sano ee la soo dhaafay, waxaa magaalada noqotay nin iyo qori, waxaana
ciidamo laga soo daabulay degmooyin iyo tuulooyin aad uga fog magaalada, tola’ay
ayaa gees ka gees gobolka is qasatay, majarihii siyaasadeed ee dalka ayaa hal
mar is badalay, laba qof oo kasta oo sheekaysanaysa waxay hadal haysey dagaalka Galkacyo, waxaa ka
guuxay fadhi ku dirirada, telefoon ku ilaaq-tanka iyo baraha bulshadu ku
xiriito ereyo isugu jira nabadayn, colaad abuurid iyo ka qayb qaadasho dagaal,
waxaa saacad kasta warar ku tira kuteena ah lagu soo daabacayey Shabakadaha/website
siyaasad ahaan kala taageera labada maamul, waxaa Idaacadaha laysu marinayey
hanjabaadyo ka soo kala yeeray masuuliyiin xilal sar sare ka haysa labada maamul,
waxaa hal mar kala shaki soo galay saxiibadii wada shaqayntu ka dhaxaysay ee ku
kala abtirsanayey gobolka iyagoo xanta kala qarsanaya, waxaa dhamaan umadda
Soomaaliyeed isla qireen hadii arinka galkacyo ka soo cusboonaaday aan xal deg
deg ah laga gaarin iney suurta gal tahay in dib loogu noqdo dagaalkii Sokeeye.
Ra’iisul Wasaare
Cumar oo ka duulaya masuuliyadda ka saaran shacabka uu xilka u hayo ayaa u
duulay gobolka, wuxiu maalin gudaheed isu maray Cadaado iyo Garoowe, wuxuuna
kulamo la soo qaatay madaxda labada Maamul, waxaa u suurto gali weysay inuu ka
soo dago Galkacyo kadib markii lagu wargaliyey in dagaal uu ka bilowday magaalada,
wuxuuna dib u gu soo noqoday Muqdisho, subaxii ku xigtay ayuu u duulay isagoo
wata qaar ka tirsan wasiiradiisa iyo siyaasiyiin gobolka ka soo jeeda, wuxuuna
dhexda u xirtay isidii colaadaas u daamin lahaa, isagoo socod ku dhex marayey
ciidamo u caaboon dagaal oo qaarkood ay saaran yihiin dabaqyo dhaadheer, qaarna
luuqyada xaafadaha ay ka samaysteen difaacyo adag, halka qoryaha waaweyn u
cartamayeen iney iskood isu ridaan, hoobiyaashuna ku liishaaman yihiin
bartilmaameedkooda, Qoriga PM-kuna diyaar u ahaa inuu wax burburiyo, Kaaruhuna
gaaf wareegayey geesaha magaalada, waxaa xabado goos goos ah ka dhacayeen
xiliga Ra’iisul Wasaare Cumar u kala gudbayey khadka cagaaran ee magaalada
yaala qaybo ka mid difaacyada ciidamadu isugu jireen.
Hogaamiye waxaa
calaamadihiisa ka mid ah in marka xaalkaan oo kale jiro uu isugu geeyo
taladiisa, aqoontiisa, khibaradiisa iyo hogaanimadiisa sidii colaadaas loo
damin lahaa, waxaa kale oo ka mid ah inuu dhamaan qorshayaasha horyaal uu joojiyo,
qorshihiisa kowaadna ka dhigto daminta colaada iyo wax ka qabashada hadii dalka
ay ku habsato masiibo dabiiciya, hadii booqasho dibada ah ku maqan yahayna soo
gaabiyo, waxaa xusid mudan in Ra’iisul Wasaare Cumar ay u qorshaysnayd inuu ka
qayb galo shir ay ka soo qayb galeen in kabadan 70 hogaamiye oo looga hadlayey
Cimilada Aduunka kana dhacayey magaalada Paris ee dalka Faransiiska horaantii
bishaan, wuxuuna sii hormariyey qaar ka mid ah waftigiisa, balse isagoo
muujinaya xilka ka saran shacabkiisa ayuu ka baaqday kulankaas, wuxuna door
biday inuu geedaha hoostooda uu ugu kala dab qaado kooxaha ku dagaalamayey
Galkacayo, wuxu isu keenay Isimadii gobolka, Culumo udiinkii, Aqoonyahanadii
iyo Ganacsatadii si ay uga qayb qaataan daminta colaada, waxaa intaa dheer inuu
beesha caalamka isugu yeeray iney Galkacyo yimaadaan, waana markii ugu horaysay
ee ay Galkacyo seexdaan 7 habeen oo isku xigta wakiilada beesha caalamku, wuxuu
dareensiiyey caalmka hadii aan dhibkaan xal loo helin iney suurta gal tahay
inuu hakad galo tashiga 2016.
Heshiiskii
Ra’iisul Wasaare Cumar uu garwadeenka ka ahaa waxaa lagu guulaystay arintii
markaas taaganayd oo ahayd “DHIIG JOOJIN” waxaa lagama maarmaan ah in lahelo xal
waare oo intaas ka balaaran iyo dib u hesiisiin laga soo bilaabo heer tuulo,
xaafad, degmo, gobol, maamul goboleed laguna keeno heer Federaal, waana in dib
u heshiisiintaas aan loo daba fariisan siyaasiinta, waa iney ka qayb qaataan
dadka dantooda kowaad nabadu tahay, sida: Haweenka, Dhalinyarada, Culumo u
diinka, Odayaasha Dhaqanka iyo Ganacsatada, waxaa baryahaan xamar ka maqlayey
qolooyin abaabulayo shirar siyaasadeed oo looga hadlayo arinka Galkacayo, waa
arin soo dhaweyn leh, lakiin waa in nabada ay garwadeen ka noqdaan inta baahida
ugu badan u qabta in nabad la helo.
“Gacmo Geeljire hoos ayaa loo dhaqaa” Dadka reer
mudug si gooni ah ayaa laysugu xantaa ayadoo la eegayo dhaqanka, darisnimada,
xididnimada, dhalashada iyo isdhex galka ka dhaxeeya iyo sida ay isu jecel
yihiin marka ay joogaan meel ka baxsan gobolka. Dadkaa ku nool mudug waligood
ma arkin dib u heshiin dhab ah, Heshiiskii Galkacayo lagu wada dagay 21 sano ka
hor waxaa uu ahaa heshiiskii dadka yare e nabada jecel ay iskood u ilaalinayeen
dhamaan dowladihii soo maray dalka 15-kii sano ee la soo dhaafay ma ahayn kuwo
u tafa xaytay sidii Galkacyo nabad u heli lahayd dadka dagana u wada noolaan
lahaayeen iyagoo is jecel oo walaalo ah, xildhibaanada ka soo jeeda gobolka ayaa
iyagu ah kuwo aanba hoos u fiirin kaalinta uga aadan nabadaynta, taas oo
macnaheedu tahay ineyba kursiga ugu fadhiyaan sidii ay ku gaari lahaayeen
danahooda khaaska ah, qaar ka tirsan xildhibaanadaas waxay gabeen shaqadii Xildhibaanimo,
waxayana dalxiis ku yimaadan magaalada Muqdisho iyagoo ku nagaada mudo 10 casho
ah kadibna ku noqda Nairobi iyo meelo kale.
“Ruqo ninkii lahaa dabada hayo ma kacdo” meesha sartu ka quruntayna waa xildhibaanada
gobolka.
Ugu danbayntii
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku guulaystay in colaadaas la damiyo, waxaana si marxabo
iyo qalbi wanaag ku jiro loo heshiisiyey Madaxweyne Cabdiwali Gaas iyo
Madaxweyne Cabdikarin Guuleed, oo aan ku amaanayo iney yihiin geesiyaal, “geesi waa ninkii nabada qaata maalinta
colaada” waxayna soo wada raceen diyaarad kadib markii ay is dhaafsadeen
marti qaadyo ka kala dhacay labad dhinac ee magaalada, Isla markii ay ka soo
degeen Muqdiso Ra’iisul Wasaaraha iyo Waftigiisa waxay deg deg u galeen shir
horu-dhac ahaa oo looga tashanayey higsiga 2016, waxaana loo balasan yahay 12-ka
bishaan in go’aan laga gaaro nooca doorasho ee ka dhacaysa dalka. Waxaa xusid
mudan in daminta colaadaas ay kaalin weyn ka qaateen madaxweynaha Jubaland Axmed
Madoobe iyo madaxweynaha Koofur Galbeed Sharif Xasan, waxaase lagama maarmaan
ah in beesha caalamka, madaxda Federaalka, Madaxweynayaasha maamuladda
Goboleedyada ay mar labaad ku noqdaan Galkacyo si loo abaabulo dadka colaadu
saamaysay loona abuuro jawi nabad galyo ee ay ku wada noolaadaan dadka Galkacyo
wada dagan.