4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Maxaa La Gudboon Gobolka Banaadir ?

Qore: Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow),
Monday, October 20, 2014

Waxaa si xowli ah u socda dhaqangelinta nidaamka Federaalka ee Soomaaliya. Dowladda Federaalka ayaa go’aansatay in Jubbooyinka, Koofur-Galbeed iyo Gobolada Dhexe ay noqdaan Maamul Goboleedyo, halka la aaminsanyahay in Dowladda ay dooneyso in Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan inay iyagana is raacaan, walow ay dadka deegaanka qabaan fikrado kale, oo Hiiraan ay qabto inay gooni isu taagto, halka Shabeelaha Dhexe ay doonayaan inay Banadir ku darsamaan.

Haddaba, bacdamaa uu Dastuurku qorayo in howsha dib u eegista dastuurka ay ka mid tahay in maqaam gaar ah loo sameeyo caasimada Muqdisho (Chapter 1, Article 9) oo labada aqal ay ka soo saari doonaan sharuuc. Ma rabo inaan ka hordhaco arrinkan laakin waxaa la aaminsanyahay in sida waddamo fara badan ay caasimadu noqoneyso degmooyin kooban oo loo qoondeeyo Dowladda Federaalka. Haddaba qormadan waxey diirada saareysaa Gobolka Banadir iyo waxa la gudboon.

Gobolka Banadir oo ka mid ah 18kii gobol ee jirey oo Dastuurkana aqoonsanyahay maxuu xaalkiisa noqonayaa?. Markaad u fiirsato Guddoomiyaha Gobolka Banadir ayaa waxuu isku hayaa labo jago oo ah kan Guddoomiyaha Gobolka Banadir iyo kan Duqa Magaalada Muqdisho oo sidaas ayey Muqdisho iyo Banadir u kala baxsan yihiin.
Waxaa lama huraan ah in la bilaabo wadatashi la xiriira Gobolka Banadir bacdamaa Muqdisho ay yeelaneyso maqaam u gaar ah.

Bal Dastuurka maxuu qabaa? Chapter 5, ayaa isna ka hadlaya awoodaha Maamul Goboleedyada oo Article 48, qeybtiisa 1(b) waxuu qorayaa in Maamul Goboleedyada dhisma iyo maamulada gobolada (local government) ay ka mid yihiin Dowladda Federaalka, tanoo awood siineysa in gobol uu si gooni ah isu taagi karo, walow dhanka kale Article 48 (2) uu sheegayo in gobol gooni isu taagi kara inuusan jirin, oo gobolkii gooni isu taaga uu Dowlada Federaalka hoos imaanayo muddo 2 sano ah inta ay go’aan ka gaarayaan gobolkii ay raaci lahaayeen.

Sidaas daraadeed, Gobolka Banadir waxaa u furan fursadahan:

1.      Inuu raaco gobollada kale sida Shabeelaha Dhexe, bacdamaaa Sh/Hoose la raaciyey Bay iyo Bakol. Horey waxaa u jiri jirey Ex-Banadir oo ka koobnaa gobollada Banadir, Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe iyadoo isla markaasna Muqdisho ay caasimada dalka aheyd.

2.      Ama uu gooni isu taago mudo 2 sano ah oo uu hoos tago Dowladda Federaalka inta uu ka go’aansanayo gobolladii uu raaci lahaa;

3.      Bacdamaa Dastuurka lagu sameynayo dib u eegis, waxaa iyadana furan in wax laga bedelo qodobada qaarkood oo Gobolka Banadir bacdamaa ay dad fara badan ku nool yihiin lehna degmooyin fara badan inuu u qalmi karo inuu noqdo Dowlad Goboleed si shacabka Soomaaliyeed oo lagu qiyaaso 2milyan iyo bar ay u helaan matalaad dhanka labada gole ah, gaar ahaan Aqalka Sare oo laga soo xulayo Dowlad Goboleedyada Dhismaya.

Haddaba qormadan waa bilow dood oo aan is leeyahay inay muhiim tahay in la bilaabo si shacabka Soomaaliyeed ay uga qeybqaataan dooda oo loo helo xal macquul ah oo shacabka deegaanka ay ku heli karaan xaquuq la mid ah kuwa gobollada kale ee dalka.


Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow),
La-Taliyihii & Af-Hayeenkii hore ee Madaxweynaha Soomaaliya, horeyna u soo noqday Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Lacagta.  [email protected]



 





Click here