4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Dhulka Ciriiri Ma noqon, Laakin Quluubtii ayaa Ciriiriyowdey

by Bazi Bussuri Sheikh
Saturday, August 30, 2014

Dhalmo kasta foolo ayaa ka horaysa, dhulka hooyana foolada nabada waa ku dheeraatay, dhawr jeerna waa ka dhicisowdey. Laakin, balamada Ilaahay uu balan qaaday ayaa ka mid ah in “Dhibka Dheef uu ka Dambeeyo”.  Waxaa maalmahan walaac ku abuuray shacabka Soomaaliyeed khilaafaadka ka dhashay maamul goboleedyada laga sameeyay gobolada dhexe iyo gobollada Bakool, Bay iyo Shabeelada Hoose.  Khilaafkaas oo hadaan xal loo helin u horseedaayo dagaal beeleedyo hor leh oo dhiig badan ku baxa.  Shacabka maanta aad ayay u tabaalaysan yihiin, waxay ka harsan la’ yihiin dagaalka ka dhexeeya dawlada iyo Al Shabaab, haday dagaalo kaloo cusub u soo hergalaan, waxay u horseedaysaa in wadanku galo kooma aan laga kici Karin.  Taasoo u sahlaysa dalalka iyo shirkadaha shisheeyaha ee u hanqal taagaaya kheyraadka Soomaaliya in ay siday doonaan ka yeelaan. Tusaale ahaan, Shabeelada hoose waxaa indhaha ku haaya Shirkadaha Dole iyo Del Monte oo aad u rafaadiyay, kuna xad gudbey beeraleyda yar yar oo laf dhabar u ahaa wadamada saboolka ah ee ku yaala Latin America.

Dhibaatada ugu weyn waxay ka timid, anagoo aan quluubta meel dhexe isugu keenin oo aan qurac hoostiis fadhiisan, ayaan qorshaha nidaamka federaaliga ah faraha la galnay.   Taasoo sababtay in uu dhulkii nala ekaado mid aad u yar sida haraga sagaarada oo kale.  Haraga sagaaradana sida la og yahay iga kac mooyee iga durug ma leh. Run ahaantiina, dhulkii Soomaaliyeed, dhul yar ma aha oo nin dhintay iyo nin noolba waa deeqaa, laakin quluubtii ayaa ciriiriyowdey qabyaalad awgeed.  Sidoo kalo dadka ka dooda siyaasadda Soomaaliya ayaa waxay u kala baxeen kuwo taageera “Dawlad Dhexe” iyo kuwo taageera “Dawlad Federaali ah”.  Labada ra’yiba waa mid loo baahan yahay, laakin waxaan is leenahay armay ka fiican tahay fikrada ah “Let us Centralise our Heart and Federalise our Land”.  Quluubtayada aan meel dhexe isugu keenno, gobol walbana dheri gooni ah ha saarto iyo wadanka dibadiisana hal dheri oo loo dhan yahay aan wax ku karsanno.  Maxaa yeelay wadanka dibadiisa, Ololaha Caalamiyaynta (globalisation) awgeed, wuxuu noqday mid halis ah (sida jid cadde aan shuruucda jidka lahayn oo kale).  Sidaas darteed iskaashi iyo midnimo waa daruuri si looga nabad galo halistaas.

Marka waxaa haboon in Shacabka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan in ay ka hortagaan dagaal beeleedyo hor leh oo dhaca. Mustaqbalka caruurteena iyo kuwa ay sii dhaleen su’aasha ay na weydiin doonaan ma aha “Maxaad uga qayb geli weyday”, ee waa “Maxaad wax uga qaban weyday”.   Bal kaalaya walaalayaal aan lafa gurno sidii looga badbaadi lahaa dagaalo kale oo xididada u jaraysa jiritaanka qaranka Soomaaliyeed.

1.    In Carrabka Xumaanta Laga Dhowro:   

Waxaa maalmahan aad u soo badanaaya nabad doonadii, ugaasyadii iyo tacliinleyda madaxda ah ee qudwada u ahaa shacabka ee ku talax tagaya isticmaalka warbaahinta, ayagoo ku hadlaya hadalo ay caadifad iyo caro hogaaminayso.  Taasoo dabkii hore shidnaa dab kale ku sii holcinaysa soona xoq xoqaysa boogihii hore. Tusaale ahaan, khilaafaadka ka jira Shabeelada hoose, waxaad ka arkaysaa shabakada youtubeka iyo warbaahinta kale, oraahyo xassaasi ah oo ka imaanaya odeyaasha iyo tacliinleyda beelaha dirirsan.  Runtii waa adag tahay  markay khilaaf iyo colaad jiraan in warsan layska sheego.  Laakin waxaan shaki ku jirin in af xumadu nabada ay kaa kaxaynayso, colaadana ay wax kaaga taraynin.  Khilaafaadka ka jira Shabeelada hoose waa mid u baahan in si fiican loo gorfeeyo, waana xaajo Soomaaliweyn oo dhan u taalo, sidii si afgarad ah loogu dhameyn lahaa colaada jirta “ Xaajo war ku aado warmo looma doonto”

2.    Dhibaatada Aamusnaanta.

Waxaad arkaysaa dad badan oo Soomaali ah oo ku leh, aniga dhexdhexaad ayaan ka ahay ama neutrale, iyo mid ku leh siyaasadaydu waa Wait & See.  Tanina waa sababaha ugu waaweyn ee suura geliyay in dagaalka sokeeya uu aad u qoto dheeraado.  Dad badan ayaa jira oo ka aamusan marka dad tiradooda aad u yar magaca beeshooda dulmi ku galayaan.  Taaso sababaysa in beesha oo dhan khaladka la wada saaro.  Run ahaantiina beel walba qof xun iyo qof fiican, culumo iyo caamo waa leeyihiin oo tol waa hal la qalay, laakin dambiga waxaa iska leh inta fiicneyd oo xaqdarrada ka aamustay.  Diinteena waxay na amraysaa in walaalkaaga laba jeerba aad u hiiliso.  Markii laga gardaran yahay inaad difaacdo, markuu gardaran yahayna in aad khaladkiisa u sheegto.  Aamusnaanta waxay aad u dhiiri galisaa qofka dulmiilaha ah, taasna cawaaqib xumo ayay u horseedaa.

3.    Beelaha Yar Yar in ay Hormuud u noqdaan Nabadaynta.

Waxaa halqabsi laga dhigtaa in marka derbiga la dhisayo, si dhagxaanta waaweyn ay u qotonto waa in lugu celiyaa dhagxaan yar yar ah, taasoo suura gelinaysa in uu derbiga noqdo mid xoogan.  Somaaliyana waxay leedahay beelo yar yar oo xirfado kala duwan leh sida beeralayda, farsamoyaqaanada iyo farshaxanka noocyihiisa kala duwan.  Kuwaasoo door weyn ka cayaara fulinta adeegyada bulshada ee lagama maarmaanka ah.  Dabcan beelaha yar yarna waa u baahan yihiin kuwa waaweyn oo waa ay is kaamilaan, dhagxaanta yar yarna kaligood derbi xoogan ma sameyn karaan. Laakin waxaa lagama maarmaan ah in beelaha waaweyn ee awooda maanta ku leh wadanka, in ay la yimaadaan tawaaduc oo ayan isla weyni gelin.  Tawaaduca tolkii laga helaa waa ay weyneysaa oo dhulka ma dhigto.  Marka waxaan ku boorinaynaa beelaha yar yar ee ku dhaqan gobolada ay colaadu jirto in ay hormuud u noqdaan nabadaynta.  Maxaa yeelay, dawladda waxaa dhici karta in looga shakiyo eex, sidoo kalena qaramada midoobeyna indho reer galbeed ayay wax ku eegtaa oo xal ma keeni karto (Maaweelo ma bogsiiso meel bugta).

4.    In Lays Raali galiyo, Leysna cafiyo. 

Qofka ama reerka lugu xadgudbey, hadii xumaanta looga soo hoydo, wuu dul qaataa.  Raali gelinta wixii hore ma badasho, laakin waxay balaarisaa mustaqbalka.  Dabcan, waxaa jira gafaf ama xad gudub aan la cafiyi karin ilaa iyo in cadaalad la marsiyo maahane.  Runtiina waa adag tahay in loo adkeysto, marka qofka la dulmiyay uu arkayo qofkii dulmiga u geystay oo aan cadaalada la marsiin.  Si kastaba ha ahaatee, hadaan Soomaali nahay dulmiga ugu weyn ee aan galnay ee Ilaah noogu careysan yahay waa dulmiga heybsooca (Xaqiraada Walaalkaaga), ee loo geystay beelaha la liido.  Taasoo ka mid ah noocyada kibirka ilaahay ugu necebyahay, oo ah sababtii Ibliis loo lacnaday. Marka waxaan ku boorinaynaa Soomaalida in ay nafsadooda xakameeyaan, kuna dadaalaan sida ay uga nadiifiin lahaayeen wasakhda heybsooca qalbigooda, ugana talaali lahaayeen caruurta ama jiilka cusub ee soo koraya kibirkan dhalanteedka ah.

5.    Dhalinyarada Soomaaliyeed in ay galaan Halgan Nabadyn Bilaa Qori ah:

Dagaal waxaa la yiri odayaasha ayaa bilaaba, dhalinyaradaase ku dhamaata.  Sidoo kalena taariikhda waxay tusaysaa in dhalinyarada ay badanaaba sabab u noqdaan nabadaynta.   Waayeelka ayagaa uga dheereeya sidii loo tiigsan lahaa mustaqbal dhaama xaalada taagan. Taariikhda Dhalinyarada Soomaaliyeedna waa la ogyahay sida ay ugu horseedeen in wadanka gumeysi uu ka baxo.  Waxaa kaloo hubaal ah in dhalinyarada hada ku sugan wadanka gudahiisa iyo dibadaba awood u leeyihiin in ay la yimaadaan maskax cusub, sida inta ay is urursadaan, kuna dhaqaaqaan halgan bilaa qori ah.  Taasoo u sahlaysa mustaqbalka in ay kala wareegaan xilka facii iyo odayaasha dalka burburiyay.  Tusaale ahaan raggii nabadaynta dagaalka sokeeya ee Madiina u sabab ahaa ee hashiiska la sixiixday nabigeena ASC, da’dooda wuxuu u dhaxeeyay 24-30 sanadood.   Halganka bilaa qoriga waa ka adag tahay midka qoriga la adeegsanayo, waxay u baahan tahay geesinimo heer sare ah, laakin waa xalka ugu haboon maanta.

6.    Suuqyada wadanka in dib loo furo

Shacabka Soomaaliyed wuxuu baahi weyn u qabaa in suuqyada isku xiri jiray gobolada, tuulooyinka iyo magaalooyinka dib loo furo lana dayactiro. Suuqyada, dhaqaalaha laga helo ka sokoow, waxay door ka cayaaraan isku xirida iyo wada noolaanshaha mujtamaca kala duwan ee saameeyay dagaalada sokeeye. Tusaale waxaa noogu filan, Nabigeena CSW, markuu Madiina soo galay ayagoo ka soo kabsanayo dagaalkii sokeeyaha, waxyaabihi ugu horeeyay uu sameeyay waxaa ka mid ahaa aasaaska suuqa Madiina. Wuxuuna ku yiri Suuqiina waa kan, wax canshuur ahna ma laydinka rabo. Dawladaha hoose iyo Wasaaradda Maaliyada, waa in ay arinkan xikmad ka qaataan oo ay canshuur aan la awoodin iyo shuruudooyin aan daruuri ahayn ku curyaamin ganacsatada yar yar ee reer tabareedka ah. Tan waxay ka mid tahay sababaha ugu weyn ay dawladdu ugu guuleysan weyday in ay soo jiidato quluubta shacabkeeda. Reer galbeedka ayaa xitaa arinkan gareystay, markay arkeen malaayiin ganacsatadooda yar yarka ah oo sanad walba dhicisoobaya, ayay bilaabeen barnaamijyo lagu kobcinaayo ganacsatada yar yar. 

 Ugu dambeyntii Wadankii waran ay ku dhufteen Soomalida ayaa ku jirto, cadowga dibadana waa ku dhaqdhaqaajinayaa.  Xaaladan oo kale wax ka xanuun badan ma jirto sida hore looyiri   “Waranka kan kugu dhufta waxaa kaaga daran kan kugu dhaq-dhaqaajiya waranka kugu yaal ee hore kuugu dhacay”.  Anaga ayaa u sabab ah una sahalnay Cadowga dibada in ay danahooda gaarka fushadaan,  kuna guulaystaan (Gudiney ima aad goyseene, ee qayb iga mid ah baa kugu jirta).  Sidii xanuunkan ku taagan wadanka loo bogsiin lahaa waa su’aal da’weyn oo ay jawaabteeda Soomaaliweyn oo dhan u taal.  Laakin waxaan shaki ku jirin in ay jawaabtu qori ahayn, balse ay ku jirto geedka quraca hoostiisoo la fariisto, loona feydo xaajada jirta sida dabo ari oo kale (Xaajo hadaan sidii dabo ari loo feydin, ma fayoobaato).


Bazi Bussuri Sheikh
[email protected]



 





Click here