2014-09-18
Today from Hiiraan Online:  _
Nidaamka Federaalka Maka Hirgeli Karaa Soomaaliya?

READ IN ENGLISH

W/Q:Abdinur Mohamud, Ph.D.
Khamiis, May 02, 2013

Waxaa ka soo wareegatay in ka badan labaatan sanno tan iyo markii ay Soomaaliya ku fashishay dowlad ahaan inay si karti leh u dhowrto jiritaanka qaran awood leh. Taasina waxay sababtay in qaab dhismeedka dawladda iyo xitaa su’aasha astaanta qaranka Soomaaliya illaa iyo maanta ay noqoto mid lagu tartamo, lagu wareero ama aanan xal loo helin. Wax qarsoodi ah ma ahan in Soomaalidu kaligood ay baabi’iyeen qarankoodii, iyo weliba dhismihii astaamaha qaranka iyadoo aysan si toos ah u burburin awood shisheeye oo xoog ku maquuninaysa. In uu dalku u kala jajabay deegaano ay qabiillo u kala xir xiran waxay illaa maanta sii baabi’inaysaa awoodda qaranka, waxayna si ba’an u laalaysaa xuquuqda muwaaddinnimo ee aasaasiga ah, xoriyadda  dhaqdhaqaaqa iyo matalaada siyaasadeed oo loo siman yahay.

Ujeedada qoraalkan waa inuu baaro in uu munaasab noqon karo iyo weliba in uu ka suurageli karo qaab federaali oo dastuuri ah oo ay Soomaaliya yeelato, wuxuuna sidoo kale soo jeedinayaa talooyin lagu wanaajiyo qaabka dastuurka ee sida aadka looga doodo.

Dhowrida Astaanta Qaranka

Kadib markuu burburay qarankii midaynaayay dalka, kaasoo soo jiray in ka yar 30 sanadood, waxay Soomaalidu bilaabeen in dhamaan eedaha ay bulshadu  leeyihiin in ay dusha ka saaraan qaranka, taasi oo keentay inay diidaan inay masuuliyad isa saaraan, islamarkaana ay qabiiladooda ka leexiyaan dowrka ay ku lahaayeen burbuka qaranka. Waxaa nasiibdarro ah, in eedda burburka qaranka dusha laga saaro “kuwa kale”, tasso keentay shaki badan in uu sii jiro taasoo si ballarineysa xasilooni darada. Sidoo kale, aad bay u yar yihiin kuwa si sidaas si ka duwan wax u arka.

Iyagoo ka jawaabaya maqnaanshada maamul dhexe oo ilaaliya sharciga iyo kala dambeynta, dadka waxay si tartiib tartiib ah dib ugu siiqdeen qabiiladii ay asal ahaan ka soo jeedeen si ay isugu soo dhawaadaan islamarkaana ay u samaystaan qaaraan qabiileed oo awood leh iyo weliba deegaano qabiilkooda u oodan. Xataa gobolada ay nabada ka jirto sida Somaliland iyo Puntland iyo deegaanada aan si dhab ah u deign sida Banadir, Kismayo, Hiran and Khatumo iyo kuwa kaleba waxay dhamaantooda ku dhismeen awood sharciyeed oo ka soo jeedda awood qabiileed iyo fikir qabiili ah iyagoo badanaa ka leexanaaya, waaba haddii aanay aamusinin, rabitaanka qabiilada laga tiro badan yahay ee la nool. Taasi waxay keentay in qabiilada Soomaalida, guud ahaan dalka, uu midba kan kale barakicinayay, iyadoo at taasi ugu dambeyntii keentay inay meelo la wada deganaa ay haatan isu bedelaan meel uu qabiil kaliya ku soo ururay kuwaasoo tartan ku jira, isla markaana laqa qaaday wanaagii lagu yiqiin degaanka la wada degan yahay.

Iyadoo ay sii socoto maqnaanshada dowlad dhexe oo ka shaqeynaysa soo celinta kalsoonida dadka iyo astaanta dowladda, islamarkaana ogolaata isdhexgalka aanan xadidneyn oo dalkoo idil, ayaa inta badan Soomaalida ay da’dooda soddonka sano ka yar tahay waxay maanta astaantooda u qaateen, waaba haddii aanay ku faanaynin, gobolka ay ka soo jeedan ama sheegashada qabiilkooda, taasoo lid ku ah qiirada Soomaalinimo ee jirtay waagii dalka la xoreeyey gumaysiga.

Hadaba sidee loo soo celin karaa astaan qaranimo oo dadku ku mideysan yahay?

Ka hor intaanan la qaadin wadada dheer ee dhisidda qaran, waxay Soomaalida iyo taageerayaashooda beesha caalamka ah ku fashilmeen inay sameeyaan qaab heshiisiin sax ah, kaasoo xalinaaya cabashooyinkii iyo cadaalad daradii hore iyo tan manta jirtaba. Waa xaqiiqo aanan la inkiri Karin ah in ay dembiyo dad, oo aanan la koobi Karin, lagu galay Soomaaliya iyadoo la isticmaalayo magaca qaranka, magaca qabiil iyo weliba magaca dad gaar ah, kuwaaso aanan muddo badan la inkiri karin, haddii dib u soo celinta dal mideysan iyo weliba deganaanshaha qaranka uu yahay mid si daacad ah looga wadaa welwelayo.

Waxaa suurowda inuu qof ku doodo in dadaalka dib u heshiisinta saxda ah ay badanaa, waa haddii aanay mar walba aheyn, ka horeyso istiraatijiyadaha dastuur lagu quro, iyo weliba lagu sameeyo dowlad qaran oo loo wada dhan yahay. Dalalka Koonfurta Afrika iyo Rwanda waxay ka mid yihiin dalalka Afrika ee dagaalada ka soo kabsanaaya, iyagoo islamarkaana weli ka faa’idaya dib u heshiisinta meesha ugu hooseysa laga soo bilaabo, iyadoo ay Koofurta Afrika diirada ku saarayso runta waxa dhacay, si aanay mar dambe u dhicin.

Haddaba Soo celinta is aaminaada iyo isfahamka dadka uu khillaafka dhexmaray waa hawl adag oo aan sinnaba u fududeyn, waxayna taa u muuqataa in ay tahay sababta ay dowladaha caalamiga ee arrimaha Soomaaliya faraha kula jira in ay ka gaabiyaan in ay ku dhaqaaqaan did u heshiisiin dhab ah oo dhex mara beelaha Soomaliyeed si loo adkeeyo aasaaska qaran Soomaliyeed.  Nasiib wanaag, weli waxaa la haystaa waqti la meel mariyo dib u heshiisiin dhab ah oo hoos laga soo bilaabo, taas oo horseedi karta in qabaa’ilka Soomaaliyeed ay si dhab ah u heshiiyaan oo ka tanasulaan colaad joogta ah. Iyadoo aan si dhab ah looga fiirsan dibna loo baarin xanuunkii ba’anaa ee soo maray dalka, loo helin qirasho dambigii dhacay iyo ciddii ka dambeeysay, khilaafka u dhaxeeya beelaha walaalaha ah ee Soomaalida wuxuu noqon doonaa mid sii socda, xitaa hadduu ku eg yahay af ka hadal keliya, taas oo dib u dhac ku sameeyneeysa isu soo dhowaanshaha umadda Soomaiyeed iyo helidda dowlad deggan.  Sida uu u dhigay Professor Michael Weinstein oo wax kadhiga jaamicadda Purdue, dhisidda iyo kobcinta wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed ma aha mid u taal beesha caalamka ee waa mid u taal Soomaalida, Soomaalida oo keliya ayaa iska soo saari kara godkan ay hoos ugu sii dhacayaan.

Caam ahaan, Soomalidu way ku kala qeybsan tahay mudnaanta nidaamka federaaliga iyo sida uu macquul ugu noqon karo Soomaliya iyo habka kale ee ballarinta dowladda dhexe. Raisal Wasaarihii hore ee Soomaliya ahna muwaadin ruugcadaa ah ayaa wax ka qoray kana hadlay si qurxoon mudnaanta dowlad dhexe oo awoodeeda baahsan tahay iyo sida aysan macquul u ahayn in Soomaaliya ay noqoto dowlda federaali ah.  Mudanuhu wuxuu ku doodayaa in nidaamka feederaaliga ah uusan ka shaqeyn karin Somaliya maxaa yeelay dalku malahan bay’adda, dhaqaalaha, siyaasadda iyo bisayl shacbi oo muhiim u ah dhaqan gelinta nimaadyada federaliga ah ee aadka uga hirgalay dowladaha shisheeye. Wuxuu qabaa raisal wasaaruhu, nidaam federaali oo ku qotoma qabiil wuxuu u horseedaayaa Soomaliya burbur hor leh iyo baaba’ dal. Wuxuu wel wel ka qabaa sida ay hore u muujiyeen welwel la mid ah aqoonyahanada ay ka mid yihiin Cali Cabdirahman Hirsi, Axmed Samatar, Maxamed Mukhtar, Michael Weinstein iyo Cumar Salaad Eilmi iyo kuwa kale oo badan oo qaba in nidaamka federaaliga ee qabiilka ku dhisan uusan ahayn mid la jaan qaadi kara nidaam dowladeed oo casri ah, bal uu u horseedaayo in dalka uu u sii qeybsamo gobollo yar yar oo aan mideeysneeyn. Qaar aqoonyahanada ka mid ah ayaa qaba in dal aad u yar sida Soomaaliya uusan ka shaqyn karin nidaamka federaliga maxaa yeelay iyadoon lahayn awood dhaqaale ay ku maamusho programka federaaliga iyo iyadoo u sii horkaceeysa tartan qabiili iyo cadowtooyo sii socota oo u dhaxeeysa gobolada soomaaliya.

Markaad dhanka kale u kuur gasho, waxaad arkeeysaa siyaasiyiin iyo aqoon yahanno caan ah sida Maxamed Abshir Waldo iyo Dr. Yusuf Al-Azhari iyo kuwa kaleba oo ku doodaya in nidaamka federaaliga ah uu ku haboon yahay dalkeena isla markaana uu siinaayo deegaan walba oo dalka ka mid ah in ay si gooni ah isu maamusho. Maxamed Abshir Waldo wuxuu qabaa in nidaamka federaaliga oo siinaaya gobolada ismaamul gaar ah wuxuu yahay nidaamka ugu haboon oo ay shacabka soomaaliyeed marka la eego xaaladda uu dalku ku jiro in ay b) ka daaboobaan, ka baxaan baqdin joogta ah, nacayb iyo aamin darro uu abuuray dagaalkii sokeeye; t) in uu keeno xal dhexdhexaad ah oo u dhaxeeya nidaam diktatoori ah oo dowlad dhexe iyo mid gooni isu-taag oo laga baxo qaranka Soomaliyeed; iyo j) baahsanaanta awoodda dowladda waxay kor u qaadeeysaa dhismaha dowlad goboleedyada waxayna keeneysaa ama horseedeeysaa helidda fursado keena in si siman loo helo horumar dhaqaale oo shacabka oo dhan wada gaara.

Labada koox oo kala qaba fekeradhaasi kala duwan ayaa u soo bandhiga rayigooda si ay qiiro iyo dareen badan uu ku jiro, shacabkuna ay caam ahaan u arkaan fekradhaasi siyaabo kala duduwan, oo qaar ay u arkaan in ay yihiin fekrado saliim ah oo daacadnimo ay ku jirto, qaar kalena u arka in talooyinkaasi aysan feker beeleed aysan ka marneeyn iyo qaar kale oo qaba in fekradaha qaarkood aysan salka ku hayn xaaladaha dhabta ah ee dalka ka jira.  Waxaa muhiim ah in la xussuto in dowlad goboleedyada dalka hadda ka jira in guud ahaan guul ay ka gaareen sugidda amaanka iyo horumarinta awoodda dowlad goboleedka, hase yeeshee uusan jirin qorshe lawada ogsoon yahay iyo waxqabad muuqda oo ay ka geeysteen horumarinta nolosha shacabka iyo dhaqaalaha gobolkooda.

Waa maxay marka waxa ay ku kala duwan yihiin baahinta awoodda dowladda ee nidaamka dowlad dhexe iyo midka federaaliga ah?

Nidaamka federaaliga ah sideedaba micnihiisu waa nidaam ku saleysan dastuur kaaso keenaaya awood qeybsi u dhaxeeya dowlad dhexe iyo dowlad goboleedyo ismaamul hoose leh. Dhanka kale, nidaamka baahinta awoodda (decentralization) wuxxuu muujinaayaa nidaam awood qeybsi, xitaa dowlad dhexe oo dastuuri ah, kaas oo siinaaya awood baahsan oo ismaamul ah dowlad goboleedyo iyo dowlado kale oo hoos yimaada.  Dowladda Ingriiska markaad u soo qaadato tusaale ahaan waxay leedahay nidaam awood qeybsi baahsan oo dowlad dhexe. Inta badan hawlaha dowliga ahi waxay ka qabsoomaan dowladaha gobolada iyo kuwa ka hooseeyo oo loo kala bixiyey magacyada dowlad hoose, borough, iyo county. Hase ahaatee awoodda dhabta ah waxay ka timaadaa baarlamaanka dalka oo loo yaqaan Westminister, oo ka soo dhiraandhiriya awoodooda guud iyo maqaamka ay ku leeyihiin caalamka isu geynta dhaqaalahooda iyo midnaanta shucuubtooda. Dhanka kale, Dowladda Mareykanka waa dowlad federaali ah oo awoodeeda ay baahsan tahay lana qeybiyey, lehna gobolo iskood u jiri jiray inta aan la sameeyn dowlad guud, kuwaasoo ku kala duwan daqan iyo deegaanba. Awoodda dowladda federaaliga ee Marykanka waa ay xadidan tahay marka loo firiyo waxa ay ku sameyn karto gobollada, taasoo ay u dhaxeeyso maxkamad madax banaan. Hase yeeshee dowlad goboleedyada waxa ay xaq u leeyihiin in ay wax ka bedelaan dastuurkooda iyaga oo aanan kalsooni ka haysan baarlamanka dalka (Congress).

Markaan u soo laabano dhanka qaaradda Afrika waxaan arkaeeynaa dowladaha Nigeria iyo Ethiopia in ay yihiin laba dowladood oo dhaqan geliyey nidaamka federaaliga ah, sida ay Kenya u bilawday nidaam dowlad dhexe oo awoodiisu baahsan tahay. Labada dowladood ee Nigeria iyo Ethiopia-ba waa laba dal oo leh shucuub ku kala duwan, dhaqan, luqad, jinsi iyo diin taasoo keentay in ay ismaamul loo sameeyo qowmiyad walba. Nidaamka Federaaliga ah ee Ethiopia markaan fiirino waxaad arkeeysaa in dalka loo qeybiyey sagaal gobol oo qowmiyado kala duwan ay deggan yihiin iyo laba magaalo. Gobol walba waxaa loo qeybiyey (Zones, district, iyo Sub-districts). Dhanka Kale dowladda shucuubta badan ee Nigeria waxay leedahay soddon iyo lix gobol iyo Abuuja oo ah caasimaadda dalka oo iskeed u taagan ah dhul federaali ah (Federal Zone). Labada dal-ba awoodda federaliga ee qeybsan ee ku qotonta dastuurka dalka sidii loogu talo galay uma shaqeeyaan. Sababta ay tahay markaad fiiriso nidaamka federaaliga ah ee Ethiopia waxaad arkeeysaa dowladda dhexe oo awood xoog ah ku leh xulashada hoggaanka gobolka oo aan shacabku xor u ahayn sida ku qoran dastuurka, iyo dhanka Nigeria oo dowladda oo ay dowladaha hoose si ba’an ugu xiran yihiin dowladda dhexe oo ka taajirtay khayraadka dalkooda sida Patrol-ka oo ay dowlad gobolleedyadu aysan si dhab ah uga madax banaaneen dowladda dhexe.

Dowladda Kenya oo aan dersika nahay markaad fiiriso, waxay mar aan fogeyn qaateen nidaam lagu baahinaayo awoodda dowladda dhexe loona qeybiyey afartan iyo todoba mamul oo loo yaqaan (County governments), oo mid walba uu hoggaamiyo guddoomiye gobol oo shacbigu soo doorteen, ayna u dirsadaan baarlamaanka dalka xubno iyaga metela. Nidaamkaan lagu baahiyey awoodda dowladda dhexe ee Kenya weli waa uu dhaqan gelayaa, wuxuuna u baahan yahay waqti si loo arko waxa uu ka beddelay awood qeybsiga dhabta ah ee dalkaasi.

Runtii waxa ay tahay nidaamyada federaaliga iyo kuwa baahsan ee dowladaha dhexe ee aan ka soo sheekeynay ayna ku jiraan kuwa aan weli cagtooda ku istaagin, waxay wada leeyihiin dowlad dhexe oo guud oo metesha islamarkaasna muujisa cududda, kartida iyo midnimada umadeeda ama hal dowlad ha ahaaden ama dowlado isu tagayba ha noqdeen. Si ka duwan nidaamka ay Soomalida manta ku socdaan, shucuubta dowladahaasi oo dhan waxay ka mideeysan yihiin u hoggansanka iyo kor yeelka hal dowlad oo ka wada dhexeeysa oo aanan marnaba la siineyn mudnaan la mid ah dowlad goboleed ama mid kale oo ka sii hooseeysa.

Su’aasha Federaalnimada Soomaaliya

Marka la qeexo, dadyowga dagaalama ee aan si dhab ah uga heshiin waxyaabihii ay kala tabanayeen lagama filan karo in ay dhistaan nidaam dowladeed oo shaqeeya kaasoo aan qabyo ahayn, xasilloon, oo waari kara. Taasaana u sabab ah in iyadoo uu baarlamaanku dastuur qaran ansixiyay ay Soomaalidu weli si ba’an ugu kala qaybsan tahay dheefta uu yeelan karo nidaamka federaalka. Jamashada Federaalka oo qabyaalad ku salaysan waa arrin soo billaabatay oo lagu khasaaray isla markii Soomaaliya xorriyadda heshay 1960kii iyadoo ay wadeen dad yar oo doonayay in ay kordhiyaan fursadaha qabiilka ama gobolka ee awood qaybsi ama hanti ay ku helayeen.

Waxaa intaa dheer, iyada oo qof walba loo eegayo halka uu ka soo askunmay, inta badan Soomaalidu waxay guud ahaan ka arkaan arrinta dastuurka ay Soomaaliya yeelanayso mustaqbalka qaab ku salaysan qabiil ama gobol, taasoo ka dhalatay tartan adag oo hantida yar ee qaranka ah iyo matalaadda siyaasiga ee heer qaran, marka in yar laga reebo ma’ ahee. Waxaa taas raaca, hab maangaabnimo ah oo feker kooxaysi ah ayay u kala qaybsan yihiin Soomaalida xilligan nool iyo weliba aqoonyahanka oo midba la safan yahay sheekada ay kooxi waddo iyadoo dhammaantoodba ay ka shaqaynayaan inay sii socdaan is jiidjiidka aan micnaha lahayn ee la isugu sheeganayo awood, sharaf, ama hanti badsi.

Guud ahaan, nidaamka federaaliga waxay qaybo badan oo mujtamaca Soomaaliyeed ka tirsani xaqiiqdii u arkaan inuu yahay habka ugu habboon ee lagu xakamayn karo saansaanka keli-talisnimo ee ay caanka ku ahaayeen dowladihii hore kuwaas oo isugu geeyay awoodda iyo hantidaba caasimaddii Soomaaliya halkaasna toos uga maamulay danaha bulsho, dhaqaale, iyo siyaasadeed ee dadweynaha. Caqli ahaan, waxay badanaa Soomaalidu isku waafaqsan yihiin in iyadoo xumaantii la soo dhaafay ay ugu wacan tahay, awoodda iyo hantida waa in hadda la baahiyaa oo loo qaybsado heerarka maamul ee qaranka, gobolka iyo degaanka. Hase yeeshee, si weyn ayaa la isugu diiddan yahay qaabka loo hirgelinayo.

Waxaa aad muhiim u ah in la xasuusnaado dedaalladii durba baaba’ay ee Soomaaliya horay u soo martay xilligii dowladdii shibilka ee ugu horreysay. Hawshaas intii lagu jiray, dowladda dhexe waxay amartay in la abuuro qaybo maamul iyo in la doorto dowlado hoose oo toos u maamula awoodaha nidaamka dowladda hoose. Halkase ay sartu ka quruntay waxay ahayd guddoomiyeyaasha gobollada iyo kuwa degmooyinka dadka degaanku toos uma soo dooran jirin ee waxaa soo magacaabi jirtay dowladda dhexe. Xilka dowladaha hoose wuxuu ugu horreyn ahaa uruurinta canshuuraha iyo qabashada adeegyada aasaasiga ah sida dayac tirka waddooyinka, nalalka jidadka, qaadista qashinka, iwm, iyadoo dowladda dhexe ay maamulaysay dakhliga dekadaha iyo garoomada diyaaradaha si loogu bixiyo kharashka qaranka. Markii ay ururin waayeen canshuur ku filan hawshooda ayay in badan oo dowladihii hoose ahaa waxay door bideen inay dowladda dhexe ku wareejiyaan canshuur ururinta iyo bixinta kharashka adeegyadaba. Kaaga darane, dowladaha hoose ee labo magaalo oo waaweyn oo keliya ayaa awood u yeeshay inay is bixiyaan dhanka dakhliga iyo maamulka waxayna labadaasi ahaayeen magaalooyinka waaweyn ee Muqdisho iyo Hargeysa. Caqabadahii horjoogsaday in la sameeyo maamullo hoose oo is bixin kara 1960kii weli way taagan yihiin illaa maanta waana tan ay walaalaha ilma Samatar si wacan ugu macneeyeen “dad aqoon leh oo degaanka ah kuwaas oo karti u leh inay ka dabbaashaan qaxarka xilliyada adag iyo garasho midaysan oo lagu tilmaamo laguna hirgeliyo hay’ado maamul.” Tan la’aanteed, waxay ku doodeen “bulsho walba waxay ku jiraysaa meel hoose oo aan laga soo kabsan karin.”

Marka taas dib loo eego, waxa dadka u doodaya nidaamka federaaliga ee dastuurka farayo aysan sheegayn waa baahida aadka loogu qabo xirfadlayaal awood aqooneed u leh inay dhaqaajiyaan nidaamka dowlad hoose iyo dowlad goboleedyo waxtar leh isla markaasna abuura ilo canshuureed oo la isku hallayn karo si dhaqaaluhu u kobco. Haddii kale, mas’uuliyadda in dalka oo dhan laga qabto adeegyo dowladeed oo asaasi ah ayaa waxay dib ugu soo noqonaysa dowladda dhexe.

Dowlad goboleedyo iyo dowlado hoose oo is bixiya oo shaqayn kara laguma dhisi karo kibir beenaad iyo xamaasad meel aan meel fog jirin; ee waxay u baahan tahay in la isu dheelli tiro waxyaabo badan sida is dhex galka beelaha, aqoonta dadka, iyo koboca dhaqaalaha.

Waxaa dheer intaas, gobollada hadda ee qabiilka ku salaysani ma dammaanad qaadi karaan in si sax ah ay dhul iyo hanti ugu yeeshaan muwaaddiniinta kale ee gobolka ku nool, iyadoo dadka beeshaas ah ee ka soo qaxaya meelo kale oo dalka ka mid ah ama dibedda ka soo noqonaya ay durba sheegan karaan halkay asalkoodii ka soo jeedeen oo si sahlan uga faa’iidaysan karaan xubinnimada beesha ay ka dhasheen.

Taas waxa dheer, taageerayaasha nidaamka dhexe ee dowliga ah waxay ka cabsi qabaan in dowladda dhexe awoodda laga wada qaado sida federaalnimada Soomaalida caadada u ah in ay meesha ka saarto dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay oo si habsami ah u shaqaysa. Dad badan baa u arka federaalka qabiilka ku salaysan uu yahay tacab khasaare iyadoo awoodda ay gobolladu heleen ay keenayso qabaa’il xoog badan oo dowladda dhexe sharafteeda iyo maqaamkeeda guudba qiime hoos u dhigo. Waxay ku doodaan in haddii aad loo eego maamul goboleedyada hadda ka jira la arkayo inay yihiin maammullo dhexe oo awood badan leh oo aan aad uga duwanayn dhanka habaynta, ujeedka, iyo muuqaalkaba dowlad dhexe (qaran) oo awood badan oo ah tan ay sida weyn uga biyo diiddan yihiin.

Dowlad hagaagsan oo Soomaaliyeed, waxay aamminsan yihiin, sida keliya ee ay ugu badbaadi karto gobolka qalalaasaha badan ee Geeska Afrika, ay tahay haddii ay haysato rabitaanka shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban oo ay la saanqaadi karto si la baaxad ah dowladaha xoogga badan ee ka dhisan Nayroobi iyo Addis Ababa.

Marka laga fiiriyo tabar darrada kor ku xusan ee gobollada la soo bandhigay ka haysata inay soo jiitaan dad leh xirfadaha ay u baahan yihiin oo ay gaaraan koboc dhaqaale, ma shaqayn karto, haddayba suurto gal tahay in laga dhiso dowlad federaal ama mid dhexe oo baahsan dalka Soomaaliya xilligan iyadoo ay maqan yihiin qodobbada soo socda:

Tirakoob sax ah oo dadweynaha Soomaaliyeed ah;

In la sameeyo qaybo maammul (gobol, degaan, tuulo, magaalo, iwm, iyadoo lagu salaynayo tirada dadweynaha lagana fogaanayo in hab qabiil wax lagu saleeyo;

In si is la’eg ay muwaaddiniintu u helaan matalaad heer gobol iyo baarlamaanka qaranka iyadoo dalka laga daynayo nidaam ceebeedka 4.5;

In la sameeyo axsaab tiro yar oo heer qaran ah si loo yareeyo tartan iyo siyaasadeed oo qabiil ku salaysan;

In la sameeyo tiro yar oo gobollo federaal ah—ka dhig ugu badnaan afar illaa shan gobollo waaweyn ah, oo leh xudduudo si cad loo qeexay, beelo isku dhafan, koboc dhaqaale, galaangal u leh badda iyo biyaha iyo in ay si dhab ah dadweynaha degaanka oo dhan ay ka qayb qaataan; iyo

Qorshe wanaagsan oo awoodda iyo hantida looga baahinayo caasimadaha gobollada iyadoo la gaarsiinayo dowladaha hoose iyo degaanada yaryar.

Maaddaama dastuurka Soomaaliya uu qorayo in ay tahay Jamhuuriyad Federaal ah, in kastoo aanay tani sinnaba u ahayn hawl dhammays tiran inta aan la helin afti qaran, iyo maaddaama in la soo celiyo dowlad dhexe xilligaan aysan dhacayn in kastoo ay ka suurtagalsan tahay kuna habboon tahay dalka, waxaan soo bandhigayaa talo bixinta soo socota ee tanaasulka ah si loogu baddelo federaalka qabiilka ku salaysan si dhinacyada oo dhan ay u tixgeliyaan arrin ah in la sameeyo gobollo waaweyn iyadoo la raacayo habka federaalka. In la sameeyo gobollo waaweyn halkii laga samayn lahaa gobollo qabiil ku salaysan waxay soo celinaysaa isku xirka dadweynaha, wada noolaanshada iyo wax wada qabsi si dib loogu dhiso gobollo hagaagsan oo xasilloon iyo dowladba. Gobollo waaweyn waxay caadiyan ka koobnaanayaan xudduud dhuleed baaxad leh oo ay deggan yihiin bulshooyin kala duwan oo toos ugu xiran badda iyo biyahaba waana sidan:

Koonfur : Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Gedo, Baay iyo Bakool;

Bartamaha: Shabeellada Hoose, Shabeellada Dhexe, iyo Hiiraan;

Waqooyiga Soke: Galgaduud, Mudug, Bari, iyo Nugaal;

Waqooyi:  Waqooyi Galbeed, Awdal, Togdheer, Sool iyo Sanaag;

Muqdisho: Federaalka ayey hoos imaanaysaa (federal Zone).

In la aqbalo talada noocaan ah waxay u baahan tahay dib u heshiisiin qaran oo dhab ah iyo in dadaal loo galo si waddada loogu xaaro rabitaan midaysan iyo diyaar garow iyo in la dhayo dhaawacyadii hore laguna tillaabsado heshiis dadweyne oo xaq ah una sima caddaalad dadka oo dhan.

Iyadoo la raacayo Qodobka 49aad ee dastuurka qabyo qoraalka ah, waxaa baarlamaanka Soomaaliya loo xilsaaray inuu galo hawsha dejinta shuruudaha noocaas ah. Haddii baarlamaanku durba si habsami leh u fuliyo xilkaas dastuuriga ah waxaa kordhaysa fursadda ah in la isugu yimaado meel dhexe lana sameeyo gobollo isku filan oo si hagaagsan u shaqeeya kana soo bixi kara rabitaanka shacabka Soomaaliyeed oo dhan.


Abdinur Mohamud, Ph.D.
abdulnuur@hotmail.com

Tixraac:

Elmi, O. (2013) Somalia: Implementation of Federalism Now is Premature

Farah, I (2012) Somalia Federalism: Achievements, Challenges and Opportunities. Somalitalk.com

Hussein, A. (2012). The Future of a Constitutional Structure of the Somali Republic: Federal or Decentralized Unitary State?

IRABOR P. (2011) A Critical Assessment on Nigerian Federalism: Path to True Federalism, Paper presented at the Fourth Annual National Conference. Nigeria.

Mohamud, A. (2012). The State of Somali Union, Foreign Policy in Focus.

Mukhtar H. (2013), Somali Reconciliation Conferences: the Unbeaten Track. African Renaissance, UK.

Samatar, A. (2005) International Crisis Group Report on Somaliland: An Alternative Somali Response, Bildhaan Vol. 5.

Weisntein M. (2013). Somalia: The Show-Down in Jubbaland Begins, Jubbaland Voice

Yahye, M. Somalia’s new Federal System: Can it Work?





Post your comments