2014-08-29
Today from Hiiraan Online:  _
Horumari Tayada Guurkaada, Si aad u horumariso Tayada Ummaddaada

by Bazi Bussuri Sheikh
Tuesday, August 27, 2013

Waxaa halqabsi laga dhigtaa in Dhaymanka uu yahay macdan hilaaciisa uu soo baxo markii in mudo ah lugu hayo cadaadis xoog leh oo dab ah. Markii dibada loo soo bixiyana, quruxdeeda awgii loo bandhigo. Sidoo kale, ummada Soomaaliyeed mudo dhowr iyo labaatan sanadood ayay dab ku jirtay. Haddana waxaa soo dhowaaday waqtigii nuurkeeda uu soo bixi lahaa, ayna soo degi degi doonto hadii qof walboo Soomaali ah iska bedelo fikradaha qaldan ee aan aaminsanahay uu ka mid yahay hab dhaqameedka guurka. Hantida ugu wayn uu wadanka leeyahay waa dadkiisa, dadkuna waxay ku barbaaran guriga, iskuulka iyo misaajidka. Ka dibna waxay ka qayb noqdaan suuqa wadanka iyo hay’adaha dowlada. Haduu sedexdaa midkood xumaado, tayada dadka ka soo baxana wuu xumaadaa. Guriga oo ah alifka barbaarinta haduu xumaado, Albaqraha (horumarka bulshada Soomaaliyeed meel walboo aduunka ay joogaan) ayay nugu dhibaysaa.

Dabcan qof walba himiladiisu waxay tahay inuu guurkiisa noqdo mid waara oo tayo leh. Laakin talaabooyinka iyo asbaabta lugu gaari lahaa himiladaa ayaan aad ugu gaabinaa. Sababtuna waxay noqon kartaa, aqoonta aadaabta iyo macaamilka guurka oo aad yar iyo kuwii lahaana oo aan dhaqan gelinayn. Tusaalooyin badan ayaa jira oo cadaynaya inay jirto meelo badan oo aan aad uga gaabino, sida Gabayadii ay tiriyeen Abwaan Aw Yuusuf-barre iyo Cabdulqaadir Xirsi Siyaad oo lamagac baxay (Guur aan ka La’aado) iyo gabaygii Abwaanad Xalwo Bulxan Cali (Ragga qaar guur aan ka la'aado) ayadoo ka jawaab celinaysa gabayada labada abwaanood. Sidoo kale gabayga Xadraawi ‘Rag siyaasi wada noqoy’ iyo barnaanijyada Arimaha bulshada ee ka baxa Universal TV. Runtii xalka kuma jiro in qofba qofka kale uu cambaareeyo ama eedda saaro. Waxaa waajib ah inaan si qalbi furan aan u waajahno dhibaatooyinka jira, siday Soomaalidu tiraa (Mindi calool gashay maxay u gashay lama yiraahdo, sideen u daaweynaa baa la yiraahdaa). Walaalayaal kaalaya aan qodobo dhowr oo agaanshaheedu muhiim yihiin isla fiirino, kuwaasoo ah:

 

1.    Isku Dhaca Lamaanaha Waa Wax Dabiici ah: Mashaakilaadka qoyska waa wax dhacaya oo guri walba taabanayaa oo xitaa Nabigeena suubanaa ayay taabatay markii xaaskiisa Caa’isha (Umul Mu’miniin) lugu been abuurtay. Mararka qaarkiisna waa lama huraan, oo iligta iyo carabku way is gaaraan. Dadka ku taqasusa cilmu-nafsiga lamaanaha waxay leeyihiin, Waa sida kaliya labada isqabtaa ay isku bartaan ayna ku ogaadaan qofka kale dabeecadiisa. Waxay kaloo sheegaan in faa’idooyin dhowr ah laga helo sida:

·       Akhlaaqda fiican ayaa lugu kasbadaa sida dulqaadka, cafinta iyo naxriista. Waxaanoo dhan laguma kasban karo akhris kaliya, qofka waa inuu si dhab ah u arkaa. Hadalada Mahatma Gandhi ayaa ka mid ah inuu yiri “I first learned the concepts of non- violence in my marriage) Waxaan marka hore ka bartay fikrada dagaalka iyo halganka bilaa rabshada ah guurkeyga.

·       Waxay ogaanayaan dabeecadaha reerka labada is qaba ay ka dhasheen sida soomaalida ku maahmaahdo Tol waa hal la qalay (Tol qof fiican iyo xunba waa leedahay). Dadkana waxay galaan ama gudaan waxaa lugu bartaa markuu dhib jiro.

·       Kalgacaylka labada isqabtaa waa kordhayaa. Markuu heshiis dhaco waxaa dhalanayo xiiso dheeraad oo qadarin ku dheehan oo ka dhadhan mac tii hore oo aad moodid inaad hada kaliya aad is guursateen. Qof waliba wuxuu dareemayaa nicmaduu ku jiray iyo in aan lakala deeqtooneen.

2. Haweenka Jeceylkay Doorbidaan, Raggana Ixtiraamka: In qofba qofka kale uu ixtiraamo waa lagama maarmaan nolosha guurka, nabigeenuna aad ayuu ugu celceliyay asagoo marna u jeedinayo haweenka marna ragga. Laakiin waxaad moodaa dhinaca ixtiraamka in uu haweenka aad ugu booriyay oo uu faray in nimankooda ay xalaasha ku guursadeen aad u ixtiraamaan una ciseeyaan. Dabcan Nabigeena AWC hadafkiisa ma ahayn inuu dumarka liido, balse xikmad weyn ayaa ku jirta amarkiisa. Maxaa yeelay sida dabiiciga ah, ninka ragga ah markuu ixtiraam ka helo haweenaydiisa, wuxuu ku jawaabaa inuu jeceylkiisa uu tuso, wuxuu kaloo helaa xamaasad dheeraad ah iyo firfircooni u sahalysa tacab maalmeedka. Sidoo kale haweenka markay ogaadaan jeceylka ninkooda uu u qabo, farxad iyo kalsooni dheeraad ah ayaa soo galaya taasoo u sahlaysa howsha guriga , tacabka caruurta.

·       Cilmi baaris ay sameeyeen dadka ku taqasusa cilmu-nafsiga lamaanaha ayaa waxaa u soo baxay in raggu ixtiraamka sida hawada aan neefsano ay ugu baahan yihiin, Haweenkana jeceylka ninkooda sidoo kale ay ugu baahan yahiin. Dhibaatada waxay imaan markay raggu ka gaabiyaan in ay tusaan jeceylkooda badanaaba haweenku waxay ku jawaabaan dhaleeceyn, calaacal iyo ixtiraam la’aan. Raggana sidoo kale markay ixtiraam ka waayaan haweenaydooda, qaar waa ismoogeysiinayaan, qaarna muran ayay ku jawaabaan oo dabkii shidnaa ayaa dab kale ku sii darma. Markay xaaladani jirto, gurigoo dhan ayaa ciriiri noqda sida Soomaalidu tiraa (Ijiid aan ku jiidee waa gacmo daalis). Sida kaliya looga baxsan karo ciriirigan waa in labada qofood mid ka mid ah hurdada ka koco uu rogo dabeecadiisa, sida ninkii inuu bilaabo tusida kalgaceylka uu u qabo xaaskiisa. Ilaahayna qawm ma bedelo ilaa ayaga nafsadoodi ay isbedelaan. 

3.                   Daruurada ogeysiinta Jeceylkaaga: Hadiyada ugu weyn aad caruurtaada siin karto waa inay ogaadaan in aad hooyadoodu jeceshahay. Sidoo kalena hooyo inay tusto caruurteeda in ay aabahooda jeceshahay. Dhibaatada ugu weyn waxay tahay ragii qaar oo aaminsan in xaaska la ogeysiinayo jeceylkooda uusan daruuri ahayn, qaarna waa iskala weyn yihiin iyo qaarna waaba ka xishoodaan. Raggu xitaa qaar baa aaminsan kulana taliya asxaabtooda inayan ogeysiin jacaylka naagahooda ay u qabaan. Waxay ku andacoonayaan in hadii la ogeysiiyo xaaska ay kuugu kor soconayso ama buur isa saarayso. Rag qaarkii oo waxaa jira aad ugu fiican in ay ogeysiiyaan jeceylka ay xaaskooda u qabaan, laakiin dadka arkaya in ninkeeda u jajaban yahay waxay ku xamanayaan in ay sixirtay oo aanay caadi ahayn. Runtii xaaskaaga haday kugu faraxsanayn dhibkeeda ayay leedahay (“Naagi nimay legdaan, kama kacaan”). Waxaa naga waano ah in aad ku dadaasho mar walba sidaad u farax geliso xaaskaaga hadaad rabtid in ay kuu hagar baxdo Rag naagaa is dhaafshay”.

4.                  Muhimada Ismaalka Lamaanaha: Is maqalka wanaagsan waa tiirarka ugu weyn ee xoojiya xiriirka lamaanaha. Waaba talaal ka hortaga isku dhaca lamaanaha inuu noqdo mid faraha ka baxa. Laakinse aad ayaan uga gaabinaa, oo shaqo xoog leh ayay u baahan tahay sidaan u horumarin lahayn xirfada dhagaysashada iyo ismaqalka. Gaar ahaan ragga ayaa aad ugu baahan. Walaalayaal kaalaya aanu barano aadaabta maqalka qaybihiisa ugu muhiimsan oo ay ka mid yihiin:

·       Wejigaada usoo jeedi qofka hadlaya oo dareenkaaga sii: TVga, wargeyska, radiyaha iyo wax alla wixii ku mashquulinayo iska dhig, oo qofka kula hadlaayo u soo jeeso oo dareenkaagoo buuxa ku maqal hadalka. Qofka markuu hadlaayo afka kaliya kama hadlo, qeybaha jirka intiisa kalena wuu isticmaalaa sida indhaha, gacmaha iyo habkuu u fadhiyo iwm.

·       U ogoloow qofka inuu dhamaysto Hadalkiisa: Markuu qofka kale hadlaayo, waa inaad samir la imaadaa oo aad nafsadaada xakamaysaa mar alla markaad damacdo inaad hadalka soo dhexgasho. Maxaa yeelay markaad qofka ka dhexgalaysid hadalka waa adigoo ku leh qofka; Aniga ayaa kaa muhiimsan, hadalka aan dhihi doono ayaa kaa xiiso badan iyo tani sheeko ma aha waa tartan, anigaana kaa guuleysan.

 

·       Ogow kala duwanaashaha habka ragga iyo dumarka wax u maqlaan: Ilaahay ragga iyo dumarka abuurtooda waa kala duwey si ay isku dhameystiraan uu qof walba doorkiisa cayaaro. Bani’aadankana rag iyo dumarba sida ugu fiican ayuu ilaahay u abuurey. Hadii qof walbo uu garaysto kala duwanaashaha dhinaca jirka, dareenka iyo fikirka, waxaa sahlanaanaya wada hadalka iyo ismaqalka. Maxaa yeelay haduu ninkii xaaskiisa sida nin oo kale ula dhaqmo, naagtana ninkeeda sida naagaha kale ula dhaqanto waxay sababee in fawdo iyo isfaham la’aani dhacdo.

 

3.                  Muhimada Wada Hadalka Hufan (Bilaa Cambaareyn and Magac iskuYeeris): Waqtiga la wada hadlayo waxaa haboon inuu ahaado waqti qof walba degan yahay oo uu nastay oo aan caraysnayn. Gaar ahaan raggu waxay u baahan yihiin waqti intay ka dagayaan si uu uga soo kabsado tacabka maalinta markuu guriga soo galo. Markaad la hadlaysid ninkaada, ereyadaadi ha ahaato mid maqalka u roon. Iska ilaali ereyada sida “Adiga mar walba sidaan baad sameysaa”, Adiga waligaa IWM. Waxaa haboon inaad dareenkaaga ka hadasho. “Aniga markaad sidaa fasho waxaan dareemaa sidan” Tusaale ahaan isku barbar dhig labada jumladood oo hoos ku qoran:

“Walaalow markaad khaadka cunto, Ninkii aniga iyo caruurtayda aan garanayn ma tihid, Caradaada waa badan tahay, Shaqadaada waa ku seegtay. Iska jooji walaalow, anagana waa kugu garab galaynaa sidaad u joojin lahayd”

 

iyo

 

“War naga tag aan ku leeyahay, waxyahow Khaad cunka ah, Oo aan caruurtiisa ogayn, oo aan shaqaysanayn” 

Markaad fiiriso labada jumladood kor ku xusan, midda hore mushkilada ayaa ka hadlaysaa oo asaga ma weeraraysid. Waxaa dhici karta in rag badan ay ereyadaan oo kale ay mafrashka khaadka ka soo saartay oo ayan dib ugu noqon. Laakin jumlada labaad, asaga ayaa si toos u weeraraysaa oo dareenkaaga kama hadlin. Waaba kasii xun tahay, hadii aad ku tiraahdo hadaladaan adigoo dhexjooga dad dhexdii. Raggana dad hortooda lugu ceebeeyo, aad ayay uga dhintaan sida Soomaalidu tiraa “Rag ciil cadaab ka doora”’. Dabcan, Asagana haduu qof suuban yahay,waa inuu qadariyaa sidaa dareemaysid oo uu kuu cudurdaarta kuna raali galiyaa. Raaligelinta iyo cudurdaarashadana aad ayay u caawisaa in ay qaboojiso carada.

6. Ka dhig ninkaada Hogaamiyaha guriga, Si aad asaga u Hogaamiso: Dawrka hogaamiyanimada ilaah baah ninkaaga qur’aanka ku siiyay mana ahan mas’uuliyad sahlan. Laakiin ogalaanshahaaga iyo taageeriista hogaanka ninkaaga waxay u dhigantaa adoo tiri ilaahow waan ku maqlay waana ku adheecay. Raggana waxay si fiican u hogaamiyaan markay xaaskooda u ogalaadaan una sahlaan inuu hogaamiyo. Soomaalina waxay tiraa “Dooni laba naakhuude leh way jabtaa”. Marka aan ninka fursad la siin, qaarkii waxay ku jawaabaan in ay isaga dhex baxaan maamulka, qaarna muran ayay galaan oo u sii horseedaya iska hor imaad burburinaya guriga, saameyn weyn ku yeelanaya korsiimada caruurta arkaysa iska hor imaadkaas gaar ahaan dhinaca waxbarashada iyo akhlaaqdooda.

Tan micnaheeda ma aha in haweenka yiraahdaan mishaakilkaana jira, adiga kaligaa xali. Waxaa haboon inaad dhahdo, arintaana jirto sideey kula tahay, oo maxaa damacsan tahay. Adiga ra’yigaaga ka dhiibo kuna dheh adiga wixii kula haboon sameey waana kugu garab galayaa (Laakin arintu waa inay diinta aan ka baxsnayn). Hadaladaan oo kale ninka aad ayay u dhaqaajisaa oo u farax gelisaa, jacayl dheeraadna way ku abuurtaa, taladaadana si qalbi furan ayuu ku qaadanaa (uma baahnidba inaad qasabto). Ninka ragga ahina waa inuu mas’uuliyada hogaanka ka soo baxaa, hogaankana ma aha intaad kursiga guriga fariisato oo aad amar kaliya bixiso. Hogaamiyaha dhabta ah, waa kii u adeega danaha reerkiisa, dulqaad badan, tashada oo naxriis badan. Tusaalooyin badan ayaa jira oo rag ku faana, markay guriga soo galaan in qof walba (caruurta iyo xaaska) ay baqaan uu guriga shib uu noqdo. Waa astaan hogaan xumo ah oo mustaqbalka dhibaato abuuraysa.

Ugu danbeyntii, waxaan ku baraarujinaynaa bulshada Soomaaliyeed meel walboo aduunyada ay joogaan inay ku dadaalaan horumarinta tayada guurkooda. Gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed oo ah hantida ugu weyn uu wadanka leeyay, inay ku dadaalaan kordhinta aqoontooda ku aadan guurka, kuna camal falaan, kana qibrad qaataan qaladaadkii ay galeen jiilkii hore. Taasoo dhalin doonto in jiilka cusub ee soo bixi doono noqdo kuwii soo celin lahaa sharafta bulshada Soomaaliyeed.


Qore: Bazi Bussuri Sheikh. E-mail: bazisomali@hotmail.co.uk

(Qoraha wuxuu ka mid yahay qurbajoogta ku nool magaalada London. Waa walaalkii dhale, guursaday asagoo aad u da' yar, Awoowe ku noqday asagoo da' yar, Jecelna inuu u gudbiyo wuxuu ka bartay guurka walaalihiisa Soomaaliyeed).





Post your comments