
Caawa oo ay taariikhda miilaaddigu tahay 23kii oktoobar 2007, tan hijriyaduna tahay 12kii shawaal 1428, Waa habeen xusuus gaar ah oo xanuun badan u leh umadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah meel ay joogaanba. Waa habeen ay 300 oo habeen ka soo wareegtay habeenkii ay ciidamada gaashaanbuurta dulmiga oo ay hoggaaminayaan maamuladda Itoobiya iyo Mareykanku ay gudaha u galeen caasimadda Soomaali weyn ee Muqdisho, ayagoo u dabbaaldegaya qorshe dhagareed waqti dheer laga soo shaqeynayay oo howl iyo hanti fara badanba lagu bixiyay.
Sidaan la wada soconno cadowyadaas isi soo bahaystay oo adeegsanaya mujrimiin mannaxeyaal ah oo magac nala sheegtaa, waxay xasuuq baahsan, burburin iyo barakacin ka geysteen caasimadda, ayagoo ay ujeeddadoodu tahay ; Mas madaxaa laga dilaa, rajeynayana haddii ay gacanta ku dhigaan Muqdisho in dalka intiisa kalena ay toos ula wareegi doonaan oo Soomaalidu si sahlan oo dhibyar ay isku wada dhiibi doonto.
Cadowga gumaadka u soo bareeray waxay ku talogaleen in ay tirtiraan shacbiga caasimadda ku nool, talo waa tii Allee. Waxaa la adeegsaday hub adduunyada ka mamnuuc ah oo ay fosfarka cadi ka mid tahay. Waxaa baadkii iyo biyihii loo diiday maatidii degaannadoodii laga qixiyay. Waxaa si ula kac ah loo gubay suuqyadii, masaajidyadii, dugsiyadii, isbitaalladii iyo meel kasta oo loogu adeegayay bulshada. Laakiin nasiibdarro dhacdooyinkaas aan qarsoomeynin oo muuqda, adduunyadu waxay uga jawaabtay aamus iyo in la abaalmariyo kuwii tacaddiyada dhacay ka mas’uulka ahaa oo deeq iyo darajaba lagu taageero.
Waxaa nasiibwanaag iyo wax Alle weyne lagu mahadiyo ah - walow aan la dhaliilo yareyn - in guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed, gaar ahaanna kuwa Muqdisho ay beeneeyeen riyadii cadowga, ayna u diideen in uu dalkooda si raaxo leh ugu dakeeyo. Waxaa amaan, duco iyo dhiirrigeliba mudan halyeeyada harsiga iyo hoyaadka u diiday cadowga damaca waalan, kuna khasbay in ay habeen iyo maalin ay waqtigooda gabaabsiga sii ah gabasho ku dhameystaan, gabbalkoodu ha dumee!!.
Anigoo haddaba umadda Soomaaliyeed u rajeyna guul degdeg ah, kulana dardaarmaya midnimo, dadaal iyo dulqaad, ayaan jeclahay inaan soo gudbiyo gabay cusub oo aan ku magacaabay Muqdisho. Gabaygu wuxuu ka hadlayaa marxaladihii ay soo martay magaaladu, maanta halka ay ku sugantahay iyo mustaqbalka loo rajeynayo hadduu Rabbi idmo.

Gabayga Muqdisho, wuxuu ku bilaabmayaa:
MUQDISHO: Gabay Cusub
Mudaney magaaladaan jeclee maanku uu tabayo
Ilaa miyi misbaax ifinayoo mugdi ka dhowraaya
Muraayadda nalaga daawadiyo masraxii Soomaali
Mahuraankii geyigeenna iyo maskaxdii baad tahaye
Miliilicaada xiisaha leh iyo bilicda muuqaalka
Munaasabadihii ciidihiyo ku dhex-mushaaxaada
Markaan soo xusuustaan saqdhexe soo mirkacayaaye
Maqsuud taan ku noqon laa inaan mar uun ku noolaado
Muxibbadana igu reebtayeen muhanayey hee dheh.
Anigoo aan marinkii san iyo garan midkii leexsan
Malcaamadda haddii aanan tagin alifna ley meerin
Oon murabbi kaaga ah i barin miinka iyo wowga
Dugsi maamul wacan iyo haddaan Maajo la i geynin
Mas’alooyin haddaan ley furfurin maangal iyo maangad
Muftaaxii aqooneed haddaan la i mihiibsiinnin
Cilmigana aan ley miisi layn mala-awaalkeyga
Martabadda aan joogaa malaha maba niyaysteene
Maax aan gureyn abidkeed iyo miid ayaad tahaye
Madrasadii i soo ababisiyo macalliney hee dheh.
Inkastoon masaafaan dhoweyn meel fog kaa joogo
Inkastoo maqaarkiyo lafuhu Yurub ku meereysan
Miyirkeygu aduu kula jiraa maalin iyo layle
Mixnad baas intaad ku sugantoy mashaqo kuu taallo
Intey marrasta taada ah jiqaha meehannaabeyso
Muluq hooyo laga dilay intey marwo ilmeyneyso.
Maxajabad daboolneyd intuu maraxu haabhaaban
Mooryaan habaarani intey kugu marqaameyso
Madiidinkuna kaa talinayiyo doqonka maangaab ah
Maxbuusiin intey kugu yihiin tiro malaayiin ah
Inaan ducada kuu mariyo iyo mintidid mooyaane
Anigana macaan iima laha manfac la quutaaye
Makaankii aan u hiloobay iyo minankayey hee dheh.
Hawadaada meeldhaxaadkaa iyo cimilo miisaaman
Mowjadaha badweyntii Hindiya maanyo ku dalxiiska
Mirihiyo khudaar noocba nooc mooska iyo liinta
Mafafaayga beertiisa iyo wabiga kuu muuqda
Xoolaha la soo maalayee manno laguu siiyay
Macaamilada ganacsiga batiyo moodka la isdhaafsho
Meheradaha kala jaad ahee laga mushaar qaato
Oy waliba mug shidaal leh iyo macdani kuu dheertay
Waa wax aanan maab laga heleyn sidan maleeyaaye
Macduunkaan nasiibka u hellneen mahadinney hee dheh.
Minnaaradaha kuu astaana iyo mowlacyada diinta
Maqaamkaaga hodankiyo Ilaah magacu kuu yeelay
Mannaxaanka ka masuugayee dabinka kuu miiqi
Oo uu muraadkoodu yahay macsi tallaalkeeda
Masjidkoo musqulo laga dhigtiyo majliska xaaraanta
Kuwii kacbada ka maseyrayee maagay duminteeda
Qoomkii maroodiga wataa lagu misaalaaye
Ismaqiiqa ismiidaaminta ah iyo majnuunnimada
Mayacadoodse wey eedayaan malaxdey dhuuqaane
Meydadkooda iyagoo ka baqan iyo maxaabiista
Oo sii mirqaayaadna arag muddo aan dheereyne
Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin.
Marxaladba wixii kuu qaddaran waa maktuub qorane
Maalmahan dhibka ku gaaray iyo mahadhadaan taagan
Mashriq iyo maqribba xulufadaa miig ka soo kicisay
Moortarka shacabka dabarjariyo madfac daryaamaaya
Madaariista ololeysa iyo musxafka deeboobay
Mooraduugga muslinkaa la dhacay een mid lagu reebin
Agoomaha milicdu shiilatee marin cidlaa daadsan.
Mashaa’iikhda Macbadyada dhexdood dhiiggu mulucleeyay
Maqaawiirta la ugaarsadiyo Mu’addimiin dooxa
Magantaada la xasuuqayee layska marinaayo
Haddaad saaka u madluunsantood la musaraareyso
Maka iyo hortaa waxa la gubay Muxamed (scw) hoygiise
Baqdaad wuxuu Mangoolkii ku dhigay maqashay waagiiye
Maantana saqiirrada Maqdis maafiyaa dubannoo
Miijinta cunaha leys hayaa maaha kaligaaye
Macbuud meeshii lagu caabudaba waa la mirayaaye
Miinshaar afbadan iyo haddey maqas ku googoyso
Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin.
Markuu qooqo aadmigu durbuu marinhabaabaaye
Mad-habtiisa intii diidda oo maya tiraa beenta
Macaash wuxuu ka raadraadiyaa maxasta laynteede
Mu’minnimadan leysku diiddanyee laba mamnuucaayo
Mareykanku xadgudubkuu wadiyo macangaggaa Bush ah
Mashaariicda Abasiinya iyo mucatab sheegsheegga
Munaafaqyada la adeegsadee malafsan laaluushka
Oo murux iney kaa dhigaan lagu masruufaayo
Mu’aamaradda lama mooga iyo waxay maleegaane
Malaa’iga diyaaraa jiroon minit wax seegeyne
Marar badan Quraankiyo siduu Sunnuhu noo muujin
Ama ay maahmaahdeennu tiri murtida suugaantu
Ma guuleysto mujrimkii gardaran moolna wuu liqiye
Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin.
Waa meerto waayaha adduun midiba ceyn tahaye
Muslinnimo waxaad daafacdood madal ka taageertay
Wixii carabtan iska maahsan aad maslaxaddeed doontay
Afrikada midee waxaad is tiri kalama maarmaane
Waxaad dulmiga maareystay iyo midabtakoor diidday
Mucaawino waxaad diri jirtiyo meseggo kuu keydsan.
Masaafurka ku soo magansadiyo waxaad miskiin kaashay
Martisoorka sharafta leh waxaad ku marxabbeyneysay
Mashaakilku maruu kugu dhaceed yara madoobaatay
Muran iyo hadduu maloba galay mansabka aad joogto
Meelkadhac haddaad la kulantood maacaleesh noqotay
Iney kuu miciinaan kuwaad midig ka dhowreysay
Dummintaada haddey kaba mushtari maalna lagu siiyo
Munaaqishada socotaana tahay masixiddaadiiba
Taariikhda waxaad muujisaa kuu marqaati ahe
Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin.
Mag qof aad ka filaneysay iyo mahad uu soo celiyo
Manjaxaabo inuu kula damcaa waa mushkilad weyne
Muufadaada kuwii lagu korshiyo maraqa kuu gaar ah
Sidaad maamadood tahay kuwaad moxogga soo saartay
Kuwii dhiiggey kaa muudsadeen macashu xeyrowday
Mijihii yaraa iyo markuu muruqu kuuskuusmay
Adna muunaddaad beri laheyd cadowgu kaa meyray
Muuqdisha haddey kugu dheheen maanla’aantooda
Maqalkaagu hadduu cudur ku yahay oy mantagayaanba
Oo inba lagugu maadsadiyo masabbid xaal joogo
Maamuus anaa kuu hayood ii muhiim tahaye
Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin.
Maaligga Raxmaankeenna ahi waxa uu maareeyo
Sida kownkan loo maamuliyo malagyadow heellan
Oo makhluuqa loo kala dabaro mucsjiso weeyaane
Jiilaal musiibo ah abaar duunyadii maratay
Macaluulna loo la’anayoo maafish yahay baadku
Mahiigaan haddii uu curtoo carriga maansheeyo
Geedihii mudhta ahaa durbey wada magoolaane
Nafleydana waxaan mawdku helin malabsadaan quude
Adna marti-u-rooneey haddaad ciil la murugootay
Maalin baa insha-Allaahu iman aad mashxaraddaaye
Mustacmarku suntuu kugu mudiyo miinaduu dhigayo
Mariidkaa laguu qooshayee makastu fuuqeyso
Musuqmaasuqiyo maalin buu maradku kaa tagiye
Qabyaaladda marbaa midey tahaba leyska maaniciye
Oo macangag lagu diimi iyo kaan mabda’ laheyne
Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin.
Waxa bi’in mujtamacaagu waa mufsid shirqoolkiise
Haddii aad makriga nacabka iyo macnaha aad fahamto
Oo samaha aad maaggantahay Qaadir meelmariyo
Haddii muqaddaskii lagugu dhaqo lagu midoobaayay
Maxkamado caddaalada haddii muddaca loo aado
Oo uu mas’uul daacadoo miiggan kaa taliyo
Haddii uu muwaadinka dulmani helo mudnaantiisa
Masaamaxuna faafoo macruuf leysku wada sheego
Dadkaadii la kala moosi jiroo wada mataanoobay
Oo maqasha edeggeeda iyo mooro ka xoroobay
Waa guul mustaqbalkaagu iyo midnimo saafi ahe
Maashaa- Allaahuye adoo mulkigaa weynaaday
Maaliyad adoo qani ahoo masnac waxsoosaar leh
Maraakiibta adigoo dirsida qalab cirkaas meera
Oo ciidan laga maago oo magag leh kuu joogo
Mudullada Tigreygaa kibree Melles ka soo jeedo
Maqalle iyo adigaa xukumi mandaqaddoo idile
Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin.
Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin.
Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin.
Muqdishaay Mowlaad leedahaye samir ha moogaannin.
DHAMAAD
Inj. Maxamed C. Cibaar
mohamed_ebar@hotmail.com
soomaali60@yahoo.com