fiogf49gjkf0d
By H.E. Dr. Mohamed Mohamoud Handule
Friday, March 21, 2008
Horudhac
Dawladda
Federalka KMG ee Jamhuriyadda Somaliyeed waxay rumeysantahay in
dib-u-heshiisiintu saldhig u tahay xal ka gaaridda khilaafka siyaasadeed ee
Somaliya, taabagelinta nabad waarta iyo habsami u hawlgelin hanaankii
dawladnimo ee Somaliya. Dawladda FKMG waxay kaloo aaminsantahay in dadka
Somaliyeed ay dhamaantood door ku leeyihiin hirgelinta heshiisiin buuxda ee
dhexmarta bulshada Somaliyeed, loona baahan yahay in qof kasta guto waajibaadka
ka saran Dalka, helana xuquuqda uu ku leeyahay.
Iyadoo la raacayo axdiga KMG ah DFKMG ee
Jamhuuriyadda Soomaliyeed, lana sii ambaqaadayo go'aamadii ka soo baxay
shirkii D/heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ee Muqdishu 2007, Dawladda FKMG
Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waxay soo bandhigeysaa aragtideeda geedi socodka
dib-u-heshiisiinta Somaliya, si loogu dhameeyo khilaafka iyo colaada Somalida
dhexdeeda qaab nabadeed, loo wada dhan yahay, oo dhaliya xal waara.
Qaabka
Dib-u-Heshiisiinta
Dawladda FKMG Jamhuuriyadda
Soomaaliyeed waxay
u aragtaa in dib-u-heshiisiintu ay ka koobnaato laba qaybood oo isu adeegaya,
kalana ah: Dib-u-heshiisiinta bulsho/degaan iyo Dib-u-heshiisinta Dawladda iyo
Mucaaradka.
I. Dib-U-Heshiisiinta Bulsho/ Degaan
Community Engagement
/ local level reconciliation
Wajigan
dib-u-heshiisiinta ujeedadiisu waa in lagu demiyo xiisadaha colaadeed ee
degaanada qaarkood, lagu xalliyo khilaafaadka bulshada dhexdeeda, loogana wada
qaybgalo dhismaha maamul loo wada dhan yahay heer degmo ilaa heer gobol.
Dib-u-Heshiisiintan
Bulsho/Degaan waxaa fulinteeda ka hawgelaya Dawladda KMG iyadoo, si kalsooni ku
jirto, ugala kaashaneysa qaybaha bulshada ee degaanada sida; Odoyaasha
Dhaqanka, Culuma’udiinka, Ganacsatada, Bulshada Rayidka, Haweenka iyo
Siyaasiyiinta Degaanka.
Dib-U-Heshiisiinta
Bulshada / Degaanka waxaa loo kala qaadi karaa laba waji oo is kaabaya, kalana
ah:
1.
Abuuris
Jawi Nabadeed - Peace promotion
Ujeedada
wajigan dib-u-heshiisiineyd waa in lagu demiyo ama la qaboojiyo xiisadaha
colaadeed iyo dagaalada ka socda degaanka si loo abuuro jawi lagu wada tashan
karo laguna shaqeyn karo. Wajigan hore ee Dib-u-heshiisiinta Bulshada saldhig waxaa
u ah in dawladdu abuurto kalsooni ay Bulshada degaanku si dhab ah uga qeybgalaan,
talona ugu yeeshaan hawsha wacyigelinta bulshada, deminta xiisadda colaadeed
iyo adkeynta xabadjoojinta la gaaro.
Goobaha
Dawladdu u qorsheysay in laga fuliyo wajigan dib-u-heshiisiinta waxaa ka mid degaanda
xiisaduhu weli ka jiraan “trouble spots”.
2.
Nabadeyn iyo Dhisidda Maamul Degaan
Dib-u-heshiisiintan
wajigeeda 2aad waxaa lagu dhameeynayaa khilaafaadka iyo aamin darrada bulshada ka
dhex jira, iyadoo wada xaajoodkooda la gaarsiinayo heer ay dib u soo laabato
kalsoonida iyo iskaashiga dhexdooda.
Wajigan
dib-u-heshiisiinta waxaa loogu talo galay in la gaarsiiyo heer bulshada
degaanku si buuxda uga qaybqaadato habka Maamul sameynta heer degmo ilaa heer
gobol, kuna dhistaan maamul ay ku kalsoon yihiin degaankooda.
Dawladdu
waxay hore uga bilowday nabadeyn, kana dhistay gobollada qaarkood maamulo heer
degmo iyo gobol, waxaana u qorsheysan in laga hirgeliyo dib-u-heshiisiin dhamaan
gobolada iyo degmooyinka dalka ee aan weli laga sameyn.
ü Fiiro Gaar ah
Dawladda FKMG Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waxay
rumeysantahay in dhisidda maamullo wanaagsan oo wakiil ka ah bulshada, dib u
soo celinta adeegyada bulshada, habsami u hawlgelinta hayadaha sharciga iyo
amniga, iyo dib u soo nooleynta kaabayaasha dhaqaale ay udub dhexaad u yihiin
taabogelinta dib u heshiisiinta bulshada iyo degaanadooda.
II. Dib-U- Heshiisiinta Dawladda iyo
Mucaaradka
1.
Dawladda FKMG ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waxay
diyaar u tahay in ay wadahadal la gasho, lana heshiiso cid kasta oo Somali ah
oo ka soo horjeeda.
2.
Dawladda FKMG waxay oggoshahay in
lagu qabto kulanka wada xaajoodka goob kasta oo Dawladda iyo Mucaaradka isku
afgartaan.
3.
Dawladda FKMG waxay soo jeedinaysaa
in hal marin loo qaado wadahadalka siyaasadeed, si loo gaaro dib-u-heshiisiinta
siyaasadeed, kuna talineysaa in dhexdhexaadinta ay sameeyaan xubnaha beesha
caalamka ee ku firfircoon arrimaha Somaliya oo uu hoggaminayo Wakiilka Gaarka
ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Somaliya.
4.
Dawladda FKMG waxay u soo jeedinaysaa
dhexdhexaadiyaasha beesha caalamka in uu soo bandhigo qaabka wada hadalka iyo
waqtiga kullanka Dawladda iyo Mucaaradka.
5.
Dawladda FKMG waxay ku boorineysaa
beesha caalamka in ay gacan ku siiso dawladda, mucaaradka iyo dhexdheaadiyahaba
sidii uu u guuleysan lahaa wadahadalku. Sidaas darted, Dawladda FKMG waxay ka
codsaneysaa xubnaha beesha caalamka ee u heelan Somaliya, gaar ahaan Wakiilka
Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM Somaliya in ay siiyaan taageero dhaqaale.
6.
Xukuumada FKMG ee Jamhuriyadda Somaliyeed
waxay u magacaabeysaa guddi la xaajooda mucaaradka, talooyinna soo siiya
Dawladda.
H.E. Dr. Mohamed Mohamoud Handule
Ambassador extraordinay and plenipotentiary
The Embassy of the Somali Republic
Moscow, 117556
Simferopolsky Bulvar. Dom 7a, Kv. 145
Somali Embassy in Russia
Russia
[email protected]