W.T: Maxamed Cali Cibaar
Qiimaha ay aqoontu leedahay waa mid aan la qiyaasi karin oo la wada qirsanyahay, wuxuuna Quraankeenna Kariimka ahi noo sheegay in aysan sinneyn midka wax yaqaanna ( aqoonyahanka) iyo midka aan wax aqoonnin ( Jaahilka). Sidoo kale sida ay Soomaalidu murti ugu tilmaantay: “ Aqoon la’aani waa iftiin la’ aan” ayay ummadaha kale ee duniduna wada leeyihiin xikmado ku tilmaamaya cilmiga iftiin dadka ku haga waddada horumarka iyo liibaanta, Jahligana mugdi dadka u horseeda luggooyo iyo halaag.
Inkastoo la isku wada raacsanyahay in uu cilmigu yahay harumar, Jahliguna halaag, haddana waxaa muuqata in uu culeys ka jiro sidii la isugu waafaqi lahaa: Waa maxay aqooni, qofkeese lagu tilmaami karaa aqoonyahan?
Waxay ila tahay in qeexidda rasmiga ah ee aqoonta iyo aqoonyahanka sharraxaadda diinteenna ka sokow lagala soo dhexbixi karo murtiyada ay ka simanyihiin dadyowga adduunku kuwaasoo dhammaan tilmaamaya in ay aqoontu tahay iftiin iyo badbaado, Jahliguna mugdi iyo halaag.
Waxaa la dhihi karaa aqoonyahanku waa qofka ugu horreyn bartay wax naftiisa waxtar u leh ( aakhiro iyo adduunba), intaa ka dibna waxtar u leh ummaddiisa. Way dhici kartaa in waxa waxtar u leh ummad ay dhibaato u yihiin ummad kale maaddaama aysan ummaduhu isku dan ahayn, sida ummad xaq-u-dirikeedba uu u yahay ummad kale argagixisadeed.
Haddii qofku intii uu doonaba wax ha soo bartee wixii uu baranayay ay iftiin yeelan waayaan, cid kalena iska daaye ay xitaa naftiisa wax tari waayaan, qofkaasi wuxuu noqonayaa mid mugdi hullaabanaya oo jahli-barasho ku habsaamay, lagumana tilmaami karo aqoonyahan. Ha qaato shaahaado sare Dr., Inj., Brof., wixii la doonana ha lagu magacaabee.
Maxaa lagu tilmaami karaa shaqsi aqoon ku faanaya oo ay howshiisu yahay inuu ummaddiisa u garbaduubo cadow aan naxariis la hayn? Maxaa lagu tilmaami karaa midka naf ka raadinaya burburinta iyo kala qaybinta ummaddiisa isagoo dano shaqsi ka dhex baarbaaraya is-nacaybka iyo kala fogaanta dadkiisa? Iyadoo la marayo qarnigii 21aad sow la yaab ma aha shaqsi aqoonyahan sheeganaya oo ku xiiqsan afar dhibic shan iyo annaga reerkeenna oo daba habhable qabqable uu aqriska alifku ku adagyahay?! Maxaa lagu tilmaami karaa shaqsi uu takhasuskiisu yahay dabadhilifnimo oo dufan afka loo mariyay uu ku xambaaray inuu la dagaallamo diinta uu sheeganayo inuu rumeysanyahay? Diktoor aan naftiisa iyo dadkiisa waxba tarayn oo dullinnimo iyo wax dumin la soo indhacadi miyuusan istaahilin in lagu magacaabo Dr. Jaahil?!
Haddaan Soomaali nahay waxaa muddooyinkan dambe aad noogu soo badanaya qolooyinkan Dr. Jaahillada ah oo aad mooddo in loo soo carbiyay hagardaameynta ummaddooda. Waxay wax ku soo barteen, ku dallaceen, darajooyin sarena ay ku gaareen canshuur laga soo faramaroojiyay danyar aad u taagdaran. Laakiin nasiibdarro daryeel waa halkiisee waxay Dr.Jaahilladu dan moodeeen dibindaabyeynta dadkooda iyo duminta qarankooda taasoo aan la garan karin waxa ku dirqinaya.
Maansada Dr. Jaahil oo soo baxday 25kii May 2006, waxay tilmaameysaa dhaqamada foosha xun ee wax-ma-garatada shaarka aqoonyahan loo geliyay, waxayna weyndiineysaa weydiimo looga fadhiyo in ay ka warceliyaan. Weydiimahani waxay xambaarsanyihiin dareenka shacabka dandarreysan ee deyntii laga qabay lagu dulmiyay.
Waxaa duco iyo amaanba mudan aqoonyahannada Soomaaliyeed ee xalaasha ah kuwaas oo naftooda iyo aqoontoodaba u huray badbaadinta ummaddooda oo maanta ku jirta marxalad adag.
Ninba wuxuu muteystaa wey ka muuqan doonta !!
Maansaddu waxay ku billaabanaysaa:
Diktoor Jaahilow jaahil
Cadow jarabaryow jaahil
Nuur jaah leh iyo jaahil
Cilmi laga jiryow jaahil
Xume lagu jafyow jaahil
Xishood laga jaryow jaahil
Jihowareersanow jaahil
Runta ku jirradow jaahil
Been jiibiyow hee dheh!
Diktoor jaahilow Jaahil
Jihaad uma kacow Jaahil
Fulay lagu jaboo jaahil
Jabaqdii hawada jaahil
Ka jaraynayow Jaahil
Naf jacayl u qabe jaahil
Sidu jirayo abid jaahil
Malaggana u jari jaahil
Meel jaquura iyo jaahil
Joodari dhexdiis jaahil
Jalxadaha la gale jaahil
Misna jaranjariyo jaahil
Meelo lagu jajabo jaahil
Jaballada ka dhace hee dheh!
Diktoor Jaahilow Jaahil
Jiko qoom kaliyo jaahil
Jasiirado qalaad jaahil
Qurbe jiifsadow jaahil
Jabad reer hurdow jaahil
Jafjafkooda hara jaahil
Lagu jeediyow jaahil
Jugta lagu hayiyo jaahil
Ku joogsiga ficiis jaahil
Jurxayntiyo yasmada jaahil
Gumeysigu ku jiro jaahil
U jadboonayow hee dheh !
Diktoor Jaahilow Jaahil
Ilbaxnimo an jirin jaahil
Iyo dhaqamo jaan jaahil
Jakson lagu daydiyo jaahil
Jiinisyo karkaran jaahil
La jaqaafayow jaahil
Jaas kama korow jaahil
Asoo cimri ku jira jaahil
Sidii inan shan jira jaahil
Jibis shiilan iyo jaahil
Jallaatada qabow Jaahil
Jid ku dhuuqayow hee dheh !
Diktoor jaahilow jaahil
Joon baa qabiyo jaahil
Filosoof jirriya jaahil
Adoon la jaqjaqlayn jaahil
Joorje ku wardiyin jaahil
Ha jeesjeesannine jaahil
Jimlo qaan ah iyo jaahil
Dayn baad jib tee jaahil
Su’ aalahan jiroo jaahil
Maati jilicsan iyo jaahil
Masaakiintu jerin jaahil
Jawaabtooda keen Jaahil:
1.Diktoor Jaahilow Jaahil
Jiritaanki ruuxdaada
Uurkii aad soo jiiftay
Nafaqadii aad jiidaysay
Jugjugtiyo ciyaartaadii
Joogjoogsigii foosha
Jiirashiyo xanuunkeedii
Jirro iyo kadeedkeedii
Dhagba taan u jalaq siinin
Marna yuu jaqiiq oranin
Horaad kuu jaqsiinaysay
Jab rootiya inaad waayin
Jeeg caano lagu kaydsho
Dhar jadiida oo xirato
Aabbahii jarmaadaayay
Jactadaayay soo jeedka
Jirrab wixi u mudanaayay
Wuxu halis jibaaxaayay
Juhdigiyo dadaalkoodu
Waa jasaan la goyn karine
Jasaarnimo halkaad gaartay
Markaad jeego weynaatay
Waalidkina da’ aad joogo
Tallaabada la jiisaayo
Jiimbaar ka kici waayay
Jeerkaa inaad hayso
Janno qaadir uga tuugto
Jiirnaxoodu waa meele
Inaad jiirto gabigoodba
Jaguugnimo la soo toosto
Waa adiga jeebkaaye
Jaamacadahee dhigaya?
2. Diktoor Jaahilow jaahil
Miskiin tacab jibaal haystay
Oday kaawo jebinaayay
Ayey xoolo daba joogtay
Danyar biraha jeexaayay
Ama kabaha jeebaayay
Mid kalluun jillaabaayay
Jiingadaha cashuurtoodii
Aad ku jaqallo buurnaatay
Kuwii laga jujuubaayay
Qaar loo jukeynaayay
Subax waliba waa jaade
Cadowgood hadduu jebiyay
Waxa jugug sawaariikh leh
Jibaadkiyo baroortooda
Juuciyo rafaadkooda
Jilaalku naafeeyay
Jadeecada dhashii laysay
Jixiixiida waayeelka
U go’aya jariir laanta
Wuxu tabiyay Joornaalku
Aadanuhu ka wada jeestay
Jiil u kaca inaad noqoto
Jeedaalin naxariis leh
Jiirnaxoodu waa meele
Adoo jeer la miisaana
Juuq inaad gabtaba ceebta
Jiho kale u sii dhoofto
Meel aadan uga jeedin
Ood jaaw tiraa maanta
Jeesteyn ku kaalmayso
Nabsigana la jaar noqoto
Waa adiga jeebkaaye
Jaamacadahee dhigaya?
3.Diktoor jaahilow jaahil
Nin ibleyku jiidaayo
Shaydaan la jaanqaaday
Wuxuu kibir is jaakeeyo
Wuxu xume jideeyaaba
Wuxu same jikaaraaba
Wuxu eex janjeeraaba
Dadku maaha jaajuuroo
Maalinbey xisaab jiriyo
Isna laga jaraayaaye
Jinsiyada fadeexoobay
Iyo xumaha loo jeestay
Jilitaanka soconaaya
Adoo jaanis moodaaya
Haddaad waalli dabajoogto
Jacda maalin baad arage
Jaajaadan aad hayso
Dhaqankaad ku jeesjeesi
Jus Quraan inaad cayso
Jaamaca cambaarayso
Jaa’ifeyso diinteenna
Culimada jillaafeyso
Ood jalow ku doondoonto
Jarjar kumi laguu laabo
Wax jufeeya haantaada
Juuniyaduna deeqeynin
Waa adiga jeebkaaye
Jaamacadahee dhigaya?
4. Diktoor Jaahilow jaahil
Jabuutida marsada weyn leh
Jigjigiyo illaa Adari
Jiiraha Togdheer howdka
Jowhar wabiga sii dhaafa
Jubba dacalladiisoo dhan
Illaa jiidda Mooyaale
Haddey garasho soo jeeddo
Juhaladuna talinaynin
Waxay jamasho kuu hayso
Jago adiga kuu qalanta
Quud jaadba jaadkiis ah
Guri joogle oo fooq ah
Gaari jiidan ood wadato
Jooharado nuuraaya
Ubax midabka jeegaan leh
Jardiin lagama waayeeno
Juquraafigaa marag ah
Balse jirac gumeedkiiyow
Inaad tahay waxaan jirino
Jug ka gaartay iimaanka
Damiirkiina jeexjeexay
Adigoo jadiin raadin
Jaajuus inaad noqoto
Jirjirroole yaahuu ah
Marba jaakad soo qaata
Dullinnimo u jannaraala
Ummaddiisa jebinteeda
Jaritaanka ubadkiisa
Waa adiga jeebkaaye
Jaamacadahee dhigaya?
5.Diktoor Jaahilow jaahil
Adigoo rag jaalkaa ah
Heli kara dad kuu jeellan
Jeysh Qaran difaacaaya
Bulsho jecel samaanteeda
Jawi nabada oo waara
Intaad luuq ku jiireyso
Junki wada daroogeysan
Jookar tuug qamaaraaya
Mid islaama jeebsiibi
Balwad oday la jaamjaamay
Jilib weyn afmiishaar ah
Jelbisyadana soo xulato
Jixinjixu ka wada suulay
Oo Jeermiskaba beera
Jah ka siiyay shacabkeenna
Inaad fitnada joogteyso
Jeesba jees ku naafeeyso
Waa adiga jeebkaaye
Jaamacadahee dhigaya?
6.Diktoor Jaahilow Jaahil
Jabhad daallimoo liita
Jiim khayrna soo barannin
Oon buug xaq jaadkiisa
Jaldigiisa garaneynin
Jiib iyo baroon qaado
Jig ku sii waxaad aragto
Jar naf tahay aqoontiisu
Jacaylkiisu waa yaabe
Yahay duudka inu jeedsho
Lagu raro jawaan ciida
Iyo weliba laba jaaya
Isagoo ku jaqanjooqa
Oo jafaalin dacaygiisa
Jac yiraahdo qayrkiisu
Sii raba waliba jeedal
Dhabarkiis in lagu jiido
Oo jiirku kala daato
Jimicsada markaa dhiigo
Jiriricadu wada saaqdo
Jixjix qosol macaanaa leh
Laafyana ka jagac siiya
Jirroolahaa xiskii beelay
Jinka sheekh Quraan saara
Dhaqtar jarini waa meele
Inaad tahay waxaan jirinba
Laan jaada ood ruugto
Jeeg lacaga oo beena
Jago baas adoo raadin
Hoostiis inaad jiifto
Aabbow jiroo joogta
Jaallowda ugu heesto
Jalbeebada u xaarxaarto
joogga ay wasakhi gaarto
Jamballada masixiddooda
Jalmadaha shushubiddooda
Juxuud noqoto howshaadu
Jadwalkana lagaa qariyo
Jiheeyaha tilmaantiisa
Shisheeyuhu jartuu dagayo
Ood sidii Jirow yaabban
Gudcurrada ka jiileyso
Waa adiga jeebkaaye
Jaamacadahee dhigaya?
7.Diktoor Jaahilow Jaahil
Jakaarta iyo Sao Paulo
Inta khalqi Mumbay joogta
Sida Juuj-Wamaa-Juujkii
Jaynahan bilyuun dhaafay
Midnimana u sii jeellan
Yurub iney Jameecowday
Jallaad kaliya loo yeelay
Adoo garan dhan loo jeedo
Jeel samada loo fayday
Iyagoo ku jeebbeysan
Jirdil wali u sii raaco
Jisyo aan dhamaanaynin
Dhalanteed u jeedsiinta
Afar jannadi moodaysa
Oo badi wax jira moog ah
Sunta jifida loo mariyay
Jiiraanka gaadaaya
Jalfisada gondaha taalla
Jidhaamaha u qodan dhiigga
Jafka waxa dugaag buuxa
Bahal jalabuteynaaya
Jiir iyo baruur subag leh
Midba Jeeni rabo qaybta
Jundi soo badbaadshiyo
Jalas diga inaad noqoto
Jiirnaxoodu waa meele
Juudaan dhallaanruugow
Halkaad jimic la’aan gaartay
Jar inaad ka sii tuurto
Jahannama adduun iyo
Qabyaaladda jecleysiiso
Shan jab dhiman ku jaangoyso
Reer reer u kala jiiddo
Jilib jilib u miineyso
Jufo waliba meel aaddo
Jaamuus noqdaan yaaci
Cadowgoodu jaabeysto
Marba qaar u juruq siiyo
Adna jinow dhanaan iyo
Laqanyada wax joojinaya
jeex babaaya aad noqoto
Waa adiga jeebkaaye
Jaamacadahee dhigaya?
Dr. Jaahilow jaahil
Waa adiga jeebkaaye
Jaamicadahee dhigaya?
---------------------------
Dhammaad
Inj. Maxamed Cali Cibaar
[email protected]
Waxaan soo dhaweyneynaa Fikradaha kala duwan ee dadweynaha. Hiiraan Online mas'uul kama ah fikradaha halkaan lagu soo bandhigo - Waad mahadsantihiin |