4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Maxay Soomaaliya Xeerka Isgaarsiinta Ugu Baahantahay

Somaaliya waxay ka mid tahay dalalka ugu dambeya Caalamka meel marinta Sharciga Isgaarsiinta, ama shuruc kale oo ku saabsan isgaarsiinta. Taasi ma ah in ee yaan rabin. Sanadkii 2012, Golaha Wasiirada ee Dawladda Federaliga Ku Meelgarka waxu ogolaaday sharic hordhac ama qabya ah, lakin lama meel marin. Wakhtiga ka dib cadad Wasiiro Boostada iyo Isgarsiinta, aya yemi oo tegay, shariciga waxa lagu sameeyey bedelo dhaor ah. Shaciga ku meelgarka ah oo Golaha Wasiirado ogolaadeen 2014 kii, waxa Parliamanka u dib-u-eegay laba gorood, aakhirkii 2014 iyo dexdii 2015, hadda na waxu ku daahay eegisti ugu dambeysay ee Parliamanka. Shir aqoon isweedarsi (workshop), oo waqti dhowa ee qabteen Bankiga Aduunka iyo Wisaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ee ku saabsana maalgelinta isgaarsiinta, oo lagu qabtay Moqdishu 5-6 Abril 2015 kii, ka qeebgalayaasha oo dhan oo ee ka mid yihiin mamulyaasha telefonka gacanta, waxay ayideen sharciga qabyada ah. hase yeeshe Parliamanku weli waxa muuqata in ee yan goaaka ka gaarikarin. Waqtigu na waa deg dega ya iyada ee tahay in Sharciga la ogolaado inta ka horeesa dorashada dhaci doonta August 2016.

Hadaba maxay ee muhim u tahay meelmarinta ama ogolaanshaha Xeerka Isgarsiinta Soomaaliya? Ka dib oo dhan, isgaarsiinta telefonka gacanta ee Soomaaliya wuxu sii wada ka hormarkiidi dalalka jiiraanka la ah oo ee haya'ado Dowladu leedahay ee maamulaan isgaarsiinta, sida Djibouti, Eriterea iyo Ethiopia marka la eego xubinimada telefonka gacanta. Hubaal, bixinta lacagta khidmada oo laga bixiyo Soomaaliya waa ka saraysa tan Kenya ( Jaantuska 1).

Faa'iidooyinka Maamulayaasha Isgaarsiinta

Waxaa jirta aragti guud in maamulayaasha telefoonka gacanta ee ka soo horjeedaan meelmarinta Xeerka, iyad oo lo maleenayo in ee ka baqayaan in ee bixiya cashuur badan iyo lacagta laysanka. ama ee ka baqayaan in Dawladu ee u ogolaato shariikado ajnabi ha gelitaanka suuqa. Runtu se waxay tahay in maamulayaasha jira ee yihiin ku faa'iidada ugu badan ka heli kara jawi sharci oo degan, kas xaqiijinaaya xaaladooda oo rasminayniisa xaqa jirtaan kooda in ee adeeg bixiyaan. Waxaa jirta shariikad ka diiwaangashan Konfur Afrika, oo marka la eego, sheegata in la siiye liisaka gaarka ah in isticmaalaan mawjadaha 4G ee Soomaaliya, oo u bixiyey Wasiiri hore. Liisanada rasmiga ee maamulayasha, oo ee bixiso ha'ayada madax banaan oo aqoonsi caalimi ah leh oo ku salaysan Xeerka Isgaarsiinta, waxay gacan ka siinaysa maamulayaasha liisanka haysta sheegashadaas beenta ah, waxay na isticmaali karan habka shaciga ah ee Xeerka, si xal loogu helo khilaafyada, oo ee ka mid tahay isku xiridda shebekadaha. Marka ee maamulayashu yeeshan liisanada, waxay awood u yeelanyaan in ee ka xaajoodaan heshis wareega telefonka gacanta, iyo in a malgelin u helaan si ee u horumariyaan adeegooda xiriirin, ku waas oo iminka adag. Heshiis adeega wareega oo hadda maqan wuxu sababa khasaro xagga dakhliga shariikadaha isgaarsiinta.

Faa'iidooyinka Isticmaalayaasha

Waxa kale oo jiridoona faa'iidooyin macaamisha isgarsiinta ee ka helaan meelmarinta Xeerka Isgaarsiinta. Sababta ee u badanyihiin xubinimada waa macaamisha oo leh kaararka SIM ka ah si ee ugu fududayso isku xirka kharaj ee awoodaan, Jaangooyaha madaxbanaan wuxu samaynkara xiriirin leh kharj macquul ah iyo hergelin isku xir, sida ku bixinta telefonka gacanta ama ee surgeliyaan in bixinta telefonka gacanta loo bedelo lacag bixin, haddi laga baqo khayaano. Kalsooni weyne waxay dhalinaysa isticmaalka ku bixinta telefonka gacanta iyo adeega banki. Xeeka Isgaarsiinta wuxu macaamisha siinya ilaalinta xogta iyo macluumadka gaarka ah. Ugu dambaynti isticmaalayaashu waxay ka faa'iidanaysanyan adeeg horumaray, oo u ka mid yahay mojadaha balaaran ee telefonka gacanta, kaso ku imanaaya sirasmi ah mawjadaha 4G. Isticmaalka internetka wuxu ka mid yahay kuwa ugu yar Afrika, taas oo ee sabab u tahay marareenta spectrumka oo hoosaya, taas oo isticmaalka hoos u dhigta, isla markaas marar yaraya xawaaraha xiriirka.

Faa'iidooyinka Dawladda

Dawladda Soomaaliya na waa ka faa'iidanaysa Xeerka Soomaaliya ee Isgaarsiinta, iyada oo tan ugu yar ee tahay in ee la sinmaan Dawladaha aduunka ka jira. Xeerka hadda qabyada ah wuxu masuulid saaraya maamulayasha in ee ka warbixiyaan datada dakhliga, oo ka midyihiin telefonada dalka debediisa ka imanaaya oo aan hadda la cashuurin, xawaaladaha debeda lagu soo diro ama loo diro iyad oo la adeegsanaay telefon aan sharicyaysnayn. In kasto hadda shariikaduhu ee Dawladda Federaalka ah ee siiyaan 5 maluun oo dolarka USA sannadkii, waxay ahayd in ee inta ka badan bixiyaan, qiyaas ahaan 20 jibaar inta ee hadda bixiyaan. Dalka Afghanistan oo Xeer Isgaarsiin meel mariyey 2005, cashuurta iyo feega ruqsadaha, dakhliga oo ka dalku ka helo maamulayaasha isgaarsiinta iyo internetka wuxu gaara 12 boqolkii dakhliga Dawladda, wuxu na abuura 110,000 shaqo. Faa'iidooyinka kale oo ee Dawladda Soomaaliyeed ka heli karto waa helitaanka ictiraaf caalami ah. Waxaa kale oo muhim ah in la fiiriyo dhibaatada iyo culayska, wakiilada xawaladaha Soomaaliya ka haysta culayska caalamku saaray oo ee sabad u tahay maqnanshaha xeerer lugu kormeero buunkiyada dalka. Sida daraadeed waxay bixiyaan kharaj adeeg (fee) ka badan kan caalmka. Xeer Isgaarsiin cusub wuxu awood siinaya Dawladda Federaliga ah in ee maamusho hantida qaranka, sida numberka dalka ee caalamiga ah ee +252 iyo .so ee ah dominka ugu saraya internetka. Waxaay kale oo Xeerku sura gelin kara diiwaangelinta kararka SIM, taas oo tageerikarta nabad dalka.

Sharciga an Kamil Ahayn waa ka Wanaagsan yahay Sharci an Jirin

Hubaal waxa ah in xeerka Qabyada ah la wanaag lagu kordhin karo, Parliamanku na wax badan bu ka dooday iyo la tashigi daneeyayaasha. Lakiin dib u dhaca kale oo meel marinta xeerka, dhibka ka dhasha dakhliga ee waayaan maamulayashu, baaqashada cashuurta Dawladda iyo dhib ku imaankara macaamiisha - aya ka badan faa'iidooyin kasta oo ka imaan kara wax ka bedelka xeerka. Sharci aan kamil ahayn mar kasta wax ba laga bedelkara, lakin maqnaasho xeer, isgaarsiintu waxay ku dagnaanaysa dhul aan deganayn. Qaybta isgaarsiintu waa tan ugu weyne, ugu na guul badan qeebaha dhaqaalaha Soomaaliya. Laakin waxayaan xeer iyo heshiis la wadagin Dawladda and dadka dalka. Arintaas na waa in la toosiya.



 





Click here