4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
XISBIGA CADAALADDA WAA XISBIGA MUWAADIN KASTA OO XOR KA AH QABIIL

Waxaa dhawaan lagu soo bandhigay magaalooyin badan oo ay degenyihiin Soomaalida Xisbiga Cadaalda oo ah xisbi ay  hogaaminayaan siyaasiyiin Soomaaliyeed oo aqoon sare oo caalami ah leh. Waxaa ka mida aqoon yahanno bartay cilmiga dhaqaalaha,  wax-barashada, caafimaadka, siyaasadda, arrimaha bulshada iwm, waayo aragnimo durugsan oo dhismaha golayaasha dawliga ahna leh.

Soomaaliya waa waddan burbursanaa 25 sano, waddankaas oo kale in uu soo kabto waxay ay ku xirantahay in uu helo hoggaan sare oo aqoon durugsan iyo waayo aragnimo u leh shaqada ay qabanayaan. Soomaaliya hadda waxaa taladeeda ku jira beesha caalamka oo ay qasab ku noqotay inay hagaamiyaan waddanka kadib markii  hogaamiyayaashii waddanka laga waayey hanaan iyo waayo aragnimo dhismo qaran. Talada dalka  waxa ay gacanta Soomaalida ku soo noqon kartaa marka Madaxweyne, wasiir ilaa agaasime-guud ay noqdaan khuburo aqoon durugsan iyo waayo aragnimo u leh dhismaha iyo maamulka hay’adda ay ka shaqeeyaan. Waddamada adduunka waa caadi In qofka wasiirka ama madaxweynaha noqonayaa inuusan aqoon sare lahayn. Balse waddan burburay, oo gacmo badani ku dhex jiraan, waxa qasab ah in la helo maamul dhamaystiran oo leh aqoon, tayo iyo waayo aragnimo baahsan oo caalami ah.    Xisbiga caddaaladu waxa uu midaynayaa Soomaalida badan ee aqoonta iyo waayo aragnimada u leh dhismaha waaxyaha kala duwan ee dawladda, si loo gaarsiiyo waddanka soo kabasho degdega, iyo maamul Soomali leedahay bilow ilaa dhamaad. Xisbiga caadaaladda waxaa maamula khuburo aaminsan soomaalinimo, daacadnimadooda xisbigana ay ka weyntahay midda qaranka.

Waxa uu xisbiga balanqaadayaa inuu soo celin doono sumcadda iyo sharafta muwaadinka Soomaaliga ah, iyo sharafta dalka.   Xisbiga caddaaladu waxa uu Soomaliya ku hogaamin doonaa   in ay noqoto meelaha caalamka ugu fiican ee hooyo ku noolaato, ilmana ku korsato.  Ilmo kasta oo Soomaaliyeed waxa uu heli doonaa waxbarasho u qalanta, waalid walibana wuxuu awood u yeelan doonaa inuu ilmihiisa geeyo school. In horumarkaas la gaaro waxaa laf-dhabar u ah in haweenku ay si baahsan uga qayb qaataan maamulka iyo horumarka waddanka, taasina waa qorshaha xisbiga.  Waxaa la yarayn doonaa   ciidamaynta xad dhaafka ah iyo hubka ku soo qulqulaya waddanka, taasina waxa ay yarayn doontaa dhimashada dhalinyarada Soomaaliyeed.   Waxa   ay dawladdu dhiirri gelin doontaa beeraha, kalluumaysiga, iyo dhaqashada xoolaha si loo gaaro isku filaasho lugu kalsoonaan karo iyo kuboc dhaqaale.

Shaqaalaha dawladda iyo kuwa hay’adaha gaarka loo leeyahayba, waxaa lagu soo xuli doonaa karti iyo aqoon, waxaana la mamnuuci doonaa in qof lagu shaqaaleeyo qabiil iyo laaluush, kuwaasi oo ah waxyaabaha dalka ka hortaagan horumar in la gaaro. Waxa uu xisbigu aaminsanyahay in dhaqaalaha yar ee soomaaliya heli karto, haddii laga ilaaliyo musuqmaasuq, si cadaalad ahna loo maamulo in dalka laga saari karo dhibka. Tusaale, halka diyaarad ee lagu kareeyey 30,000$ maalintii ee uu safar gaaban ugu boxo masuul dawladeed, meeqa ilmood ayay school ka bixisaa, meeqa umuliso ayay tababari kartaa, meeqa qof oo aan heli Karin qado ayay ka caawisaa in ganacsi yar loo sameeyo oo ay lugohooda ku istaagaan? Isbedel soomaaliya ka hanaqaada waxa uu ku xiranyahay maamul caddaalad,aqoon iyo daacdnimo ku dhisan in la helo.

Waddan walba oo dunida ka tirsan waxaan kula xisaabtami doonnaa inta uu noo geeysto wanaag iyo xumaan, annaga oo wax walba ka hor marinayna  danta dalka iyo muwaadinka Soomaliga ah.  Xubnaha xisbiga cadaaladdu waxay ku shaqayn doonaan   siyaasad ku dhisan waddaninimo iyo caddaalad waxayna meel iska dhigi doonaan dan shaqsi, mid kooxeed iyo mid qabiil.   Halkaan ka baro maamulka ku meel gaarka ah ee xisbiga cadaaladda iyo siyaasadda xisbiga; www.justiceparty.net

Abdi Gele waa 43 jir, waana guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee xisbiga. Waxbarasho ahaan waa scientist ku taqasusay cilmiga caafimaadka dadweynaha iyo epidemiology-ga, wuxuuna haystaa shahadooyinka  Bachelor of science (BSc) in biomedicine, Master of Science in medical parasitology, Master of Philosophy in international health iyo PhD in public health and epidemiology. Shaqo ahaan, Abdi Gele waa cilmi-baare (senior researcher) u shaqeeya kuliyadda caafimaadka iyo nafaqaynta ee Kuliyad-jaamacdeedka Oslo iyo Senter-ka cilmi-baarista caafimaadka ee dadka laga tirada badan-yahay ee Norway. Waxa kale oo uu wax ka dhigaa kuliyadda caafimaadka ee jaamacad Oslo. Dr. Gele waxa uu la taliye (main supervisor) u yahay khuburo ka kala timid waddamo kala duwan oo adduunkaa, oo ka diyaariya shahaadoonka master iyo PhD Kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Oslo. Waxa uuna ka mid yahay aqoonyahanka tirada yar ee ka soo jeeda qaaradda Africa ee wax ka dhiga jaamacadaha dalka Norway.

Abdi Gele waxa uu ka soo shaqeeyey hay’adda bisha cas ee adduunka iyo ururka bisha cas ee Norway waxa kale oo uu muddo kooban la soo shaqeeyey hayadda qaramada midoobey u qaabilsan caruurta ee UNICEF. Waxa uu muddo 6 sano ah ka ahaa maareeye-guud hay’ad lagu magacaabo African Health oo ka shaqaysa waddamo badan oo  Europe iyo Africa ku yaal, sida   Norway, UK , Sweden, Kenya iyo Tanzania.  Dr. Gele waxa ay hay’ado badan oo dawli ahi u wakiisheen in uu qiimayn ku sameeyo (evaluation) mashaaric badan oo horumarnineed oo laga fuliyey waddamo kala duwan oo Africa ah, waana xeeldheere aqoon baahsan u leh siyaasadaha caafimaadka iyo huromarinta ee waddamada soo koraya.



 





Click here