Wxaa bishan December 19keedii ka dacay magaalada Portland ee Gobolka Oregon, ciyaartii kama dambeysta ee Finalka ayna isaga horyimaadeen kooxda Somali Stars iyo Kooxda Espanol FC. Cayaar aad u qurux badan ayay labada kooxood soo bandhigeen qaybtii hore oo ahayd werar iyo weerar celis waxaa u suurta gashay kooxda Somai Stars inay dhashadaan halfkii hore goal aad u qurux badan oo u dhashay cayaartoyga uga cayaara xaga hore Omar Hassan. Waxayna cayaarta qaybtii hore ku dhammaatay Somali Stars oo ku hogaaminaya hal gool iyo eber (1:0). Cayaarta qaybteedi danbe ayaa dadaal dheer ooy sameeyan labada kooxood u hir gelisay dhowr jeer oy sigeen goal lakiin midna kuma guulaysan inay goal dhashadaan cayaartuna ku dhamaatay 1-0 oo guushu ku raacday kooxda somaliyeed ee Somali Stars kuna qaaday koobka loo yaqaan Premier league. Kooxda Somali Star waxay noqotay kooxdii somaliyeed ee u horaysay ee gobolka Oregon ka qayb gasha Premier League tasoo ay ku guulaysatay Koobkii Waxaa cayaarta kadib la godoonsiiyey Coachka kooxda Somali Stars Guleed Cali Jarik Best Coach of the League waxa kaloo la gudoonsiiyey Cayaartoyga dhexda uga cayaara Somali Stars Best Midfielder of the League. Waa farxad usoo hoyatay somalida gobolka Oregon tasoo ay kasoo qayb galeen bulsha waynta somaliyeed iyagoo farxad iyo rayn rayn ku damashaday garoonka cayaarta ka bacdi