4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 23, 2012
Qaar ka mid ah ergadii ka qaybgashay shirkii wadatashiga ee ka dhacay Garoowe oo jir-dil loo gaystay (SAWIRRO)
Khamiis, February 23, 2012(HOL) Nairobi ,Kenya - Waxaa todobaadkii hore ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland shirkii wadatashiga ee madaxda Soomaalidu ay kaga arrinsanayeen u diyaar-garowga sidii dalku u yeelan lahaa dawlad dhexe oo ka gudubta nidaamka KMG ah ee haatan ay ku dhisantahay xukuumada jirta.
ERGO2.jpg
Cabdi Xayi Garaad oo gacanta bidixda ahi ay jabtay


Waxaana shirkaas ka qaybgalayay wufuud Soomaaliyeed oo ka kala timid gobollada dalka, kuwaasoo Garoowe u tagay inay ka qaybgalaan shirkaas muhiimka ahaa ee looga baaraan dagayay mustaqbalka Soomaaliya.

Waxaase markii ay ergooyinkii dib ugu soo noqdeen goobihii ay ka kala yimaadeen, dib ugu soo laabtay magaalada Nairobi qaar kamid ah ergadii ka qaybgashay shirkii Garoowe oo qaarkood ay soo gaareen dhaawacyo halis ah  oo ay u gaysteen ciidamada ammaanka ee Puntland.

Cabdi Xayi Garaad oo horay u ahaan jiray madaxa maaliyada ee hay'ada CRD, hadana la shaqeeya wasaarada dastuurka ee Soomaaliya ayaa dhaawac culus uu kasoo gaaray jirdilkii ay ciidamada ammaanka Puntland u gaysteen qaar kamid ah ergadii ka qaybgalaysay shirka.

C/salaan Axmed Caato oo ah saxafi, ahna madaxa wakaalada filimada ee Soomaaliya ayaa isna kamid ah dadka lagu jirdilay magaalada Garoowe, kadib markii gaarigii ay wateen oo dhex marayay bartamaha magaalada Garoowe ay joojiyeen askar ku labisan dareeska ciidanka ammaanka, oo ku bilaabay inay ku garaacaan baadka qoryihii ay wateen sida ay Hiiraan Online u xaqiijisay Najmo Axmed Cabdi oo iyaduna kamid ahayd dadkii lagu jirdilay magaalada Garoowe.

"Waxaa madaxa la iga saaray qoriga oo ammaankiisu furanyahay, waxaana la iigu hanjabay in la i dilo doono hadii aan gaariga kasoo dagto, markaas ayay la dageen wiilashii oo ay ku bilaabeen inay u garaacaan si naxariis darro ah". Ayay tiri Najmo.

"Ma filaynin in sidan naloogu galayo dhul Soomaaliyeed oo aan u tagnay inaan shir kaga qaybgalno". Ayay sii raacisay.

Markii uu falkani dhacay ayaa wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland uu ballanqaaday inay soo qaban doonaan askartii ka dambaysay falkan, balse ma jirto cid ilaa iyo haatan loo xiray.

Weerarka ay ciidamada ammaanka ee Puntland ku qaadeen qaar kamid ah ergadii ka qaybgalaysay shirkii wadatashiga ee Garoowe ayaan la garanayn sababta ka dambaysa, balse arrintan ayaa mugdi galinaysa kalsoonida lagu qabi karo ammaanka Puntland, maadaama ay ciidamadii ammaanka sugayay ay ku xadgudbeen marti ka qaybgalaysay shir ay Soomaali isugu timid.

ERGO.jpg

Axmed Cabdisamad,Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi ,Kenya