4/8/2025
Today from Hiiraan Online: Somalia certifies five political associations for June local...
Wararka Maanta- Sabti, Sept 17, 2011
Machadka SIGMA ee magaalada Beledweyne oo Ardey shahaaddooyin gudoonsiiyay


Sabti, September `7, 2011 (HOL) – Munaasabad ay ka soo qeyb-galeen bahda waxbarashada, ganacsato, aqoonyahanno, waalidiin, ardey, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu soo qaban qaabiyay Machadka SIGMA ayaa lagu qabtay magaalada Beledweyne.
 
Ka qeyb-galayaasha munaasabada oo hadalo kooban halkaa ka jeediyay ayaa diirada saaray faa’idada waxbarashada iyaga oo dhinaca kalana ku amaanay Machadka SIGMA aqoonta uu guud ahaanba ku soo kordhiyay goballka, waxaana ay ku booriyeen maamulka iyo macalimiinta Machadka in ay sii wadaan howlaha waxbarasho oo ay bulshada u hayaan.
 
Ustaad C/naasir Macalin Max’ed oo ah maamulaha Machadka SIGMA ee magaalada Beledweyne oo qudbadaha ka qeyb-galayaasha kadib munaasabada ka hadllay ayaa uga mahad celiyay martisharafta ka soo qeybgalkooda munaasabada, isaga oo dhinaca kalana ka warbixiyay marxaladiihii kala duwanaa ee uu Machadku soo maray, gaar ahaan waxaa uu ka dhawaajiyay qodob siweyn u soo jiitay qeybihii jooga munaasabada, in qorshahoodu yahay cid kasta in ay gurigeeda waxbarsho ku hesho.
 
‘’Marka laga soo tago waxbarashada ka socta xarunta Machadka, anaga waxaa higsaneynaa yoolkeenu yahay in cid kasta waxbarashada gurigeeda ku hesho, waa haddii aad gacan nagu siisaan ayuu yiri,’’ Ustaad C/naasir Macalin Max’ed.
 
Waxaa uu intaa ku darray maamulaha Machadka SIGMA in ardeyda ay Shaahadada la siinayo loo baahan yahay in aysan u qaadan in ay yihiin kuwo si buuxda u dhameystey maadooyinka ay hadda ka qalin jabiyeen, laakiin laga doonayo in ay u fahmaan oo kaliya in ay dhameysteen intii ay uu ugu talagalay Machadka, sidaa daraadeed looga fadhiyo in ay horay u sii wataan waxbarashada.
 
Intaa kadib waxaa la bilaabay bixinta Sahaado la gudoonsiiyay 60 ardey oo 34 ka mid ah ay ka qalan jibiyeen koorso ay ku baranayeen ‘’Statistics’’ halka  26 ka kalana ay ka qalin jabiyeen maadoonyinka kale ee cilmiga.
 

34 ardey ee ka qalin jabsiya madada Statistics ayaa ah dufcadii labaad ee ka baxda Machadka  waana ardeydii ugu badneyd ee qeybtaa ka qalin jabisay mudadii uu Machadku furnaa.
 
Machadka SIGMA waxaa la furay  3/9/2010 waxaana ka baxa madooyinka kala ah Xisbaata, Physics, Chemsitry, halka sidoo kale Machadku uu bixiyo koorsooyin gaar ah sida Accounting, Statistics, iyo Businss.
 
Sidoo kale waxaa xusid mudan in Machadku bilaabay koorsooyin lagu diyaarinayo dadka waaweyn ee dib uga dhacay waxbarashada, kuwaasoo laga dhisayo Luuqadaha sida Engalish-ka, Carabiga, Sciens-ka, iyo waliba qurxinta farta ‘’ Hand Writing.





C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyne, Soomaaliya