12/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 25, 2011
Maamul-Goboleedka Gal-Mudug oo bilaabay Dhismaha Xarumaha Madaxtooyada iyo Baarlamaanka (SAWIRRO)


Talaado, January 25, 2011(HOL): Waxaa magaalada Gaalkacyo maanta ka dhacday xaflad lagu maamuusayay dhismayaasha xarumaha madaxtooyada iyo baarlamaanka, waxaana ka soo qaybgalay munaasabaddaasi mas'uuliyiin sar sare oo ka tirsan maamulka Galmudug oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Galmudug Maxemed Axmed Caalin, madaxweyna kuxigeenka  Cabdisamad Nuur Guuleed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Xasan Maxamud Hayl, Gen Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, Xubno ka tirsan labada Gole Ee xukuumada iyo baarlamaanka, Ururada haweenka, ardayda dugsiyada H/dhexe iyo sare, Xubno ka Socda jaaliyadaha dibada ee Galmudug iyo marti sharaf kale oo faro badan.

Qurba-joogta waqooyiga Ameerika oo ku dhiirigeliyay guddomiyaha baarlamanka Galmudug in uu horseed u noqdo fulinta dhisidda xarumahaasi, ayaa ugu horrayntii halkaasi ka hadlay wuxuuna sheegay in qarashka dhismayaashaasi ku baxaayo ay bixinayaan jaaliyadaha Galmudug ee debadda ku nool. Wuxuu kaloo hadalkiisa ku daray in loo baahanyahay in ay qeeb muuqato ka qaataan qeebaha kala duwan ee bulshada deegaanka, sida Ganacsatada, ardayda jaamacadaha iyo dugsiyada


Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Gen Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, wuxuuna ugu horrayntt ammaan balaaran u soo jeediyay bulshada reer Galmudug sida wanaagsan ay u garab taagan yihiin Maamulkooda. Wuxuuna Gen Cabdi Qaybdiid xusay in ay sidoo kale haboon tahay  in waddooyinka la hagaajiyo si xaafadaha Magaalada Gaalkacyo bilicda iyo quruxdooda loo muujiyo. Waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in Goor dhaw la soo afjari doono dhismaha xarumaha hadda la dhagax dhigay, iyo kuwo kale oo ku xigi doona sida kuwo uu yeelan doono taliska booliska Galmudugna.

Ugu dambeyntii waxaa halkaasi qudbad kooban ka jeediayay Madaxweynaha Galmudug Maxemed Axmed Caalin oo xusay in dhagaxdhigga dhismaha xarunta madaxtooyada iyo baarlamaanka Galmudug ka kooban tahay illaa labo dabaq oo ah dhismayaal aad u ballaaran. Wuxuuna dhagaxdhigay halka laga dhisayo xarunta cusub ee madaxtooyada iyo baarlamaanka.

Dhismayaasha waxay ka koobnaan doonaan laba dabaq oo leh jardiimo waa weyn iyadoona uu dhismaha baarlamaanka uu ka kooban yahay hal dabaq oo shub ah, lehna hoolal waaweyn oo lagu shiri karo.








Mohamed Ali Aden
[email protected]