10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 2 , 2011
Maamulkii hore ee degmada Baardheere oo la badalay iyo maamul cusub oo maanta loo magacaabay

Axad, January 02, 2011(HOL): Maamulka wilaayada islaamiga ah eegobbalka gedo ee xarakada Mujaahidiinta Al-shabbab ayaa manata maamul cusub u magacawday degmada baardheere ee gobbaklka gedo,ayadoona gabi ahaanba labadalay maamulkii hore ee halkaasi ka dhisnaa.

 

Gudaha degmada baardheere ayaa waxaa maalmahan dambe ka soconayay kulamo ay lahaayeen madaxda al-shabbab ee gobbalka gedo kuwaasoo looga arinsanayay sidii dib u shaandheyn loogu samayn lahaa maamulka degmada baardheere.

 

Wareegtada magacaabista xubnaha maamulka cusub oo ka koobnaa ku dhowaad ilaa iyo 5 xubnood ayaa waxa saxaafadda u aqriyay gudoomiyaha gobbalka gedo Sheeq Bishaar Aadan Xasan' waxa uuna sheegay in magacaabista maamulka cusub ay u dhacday sidan:-

 

1-Gudoomiyaha degmada Baardheere ayaa waxaa loo magacaabay,Shiikh Saciid Yuusuf Axmed.

 

2-Taliyaha aminiga guud ahaa waxaa loo magacaabay'Cabdulaahi Cusmaan Axmed

 

3-Faarax Maxamed Jaamac ayaa waxaa loo magacaabay madaxa maaliyadda mamaulka degmada baardheere.

 

4-Qaadiga maxkamadda ayaa insa loo magacaabay 'Sheeq Ibraahim Cabdi Maxammed.

 

5-Madaxa dacwada maamulka degmada ayaa  waxaa loo magacaabay 'Shiikh Aadan Maxamed Bare.

 

Ugu dambayntii gudoomiyaha Xarakada Al-shabbab ee gobbalka gedo ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada baardheere ugu baaqay inay la shaqeeyaan raga odayaasha ah ee uu u magacaabay maamulka degmada baardheere.

 

Ugu dambayntii ma,ahan markii ugu horaysay oo gobbalada ay ka dhisanyihiin maamulka islaamiga ah ee hoostaga xarakada mujaahidiinta Al-shabbab badal lagu sameeyo maamuladaasi,dhowr jeer oo hore ayaa isku shaandheen lagus ameeyay maamulka degmada baardheere.

 

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online

[email protected]

Kismaayo, Soomaaliya