10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 2 , 2011
Hay'adda CDHR oo ku qabtay Muqdisho siminnaar looga hadlayay xad-gudubyada lagula kaco bani'aadamka (SAWIRRO)


Axad, 02 Jannaayo, 2011 (HOL) − Hayadda Xuquuqda Aadanaha ee (CDHR) ayaa maanta kusoo gabgabeysay Hotelka Ambbasador ee Muqdisho tababar looga hadlayay mabaadi’da aasaasiga ah ee cadaaladda, dambiyada iyo ku-takri falka awoodaha.

Siminaarkaan, oo ay ka qaybagleen 30-xubnood oo ka kala socday qaybaha bulshada iyo saxaafadda, ayaa waxaa casharro ka bixinayay Faadumo Aadan Cosoble iyo Cabdullaahi Yuusuf Siyaasi, iyagoo si aad ah ugu dheeraaday ka hadalka waxyaabaha keena inay xad-gudubyo dhacaan iyo sida looga bixi karo xad-gudubyadaas.

Faadumo Aadan, ayaa waxay tafaasiil ka bxixisay noocyada kala duwan ee xad-gudubyada bani'aadamka loo geysto, iyadoo sheegtay in dalka Soomaaliya ay ka dhaceen xad-gudubyo aad u fara badan muddadii 20-ka sano ahayd ee ay dagaalladu jireen, illaa iyo haddana ay weli aysan muuqan sidii looga bixi lahaa dhibaatadaas.

Sidoo kale, Faadumo waxay sheegtay in xad-guduyada looga bixi karo iyadoo si sax ah loogu dhaqmo diinta Islaamka, sidoo kalena shacabka Soomaaliyeed ay si guud isku cafiyaan, iyadoo su'aalo ku saabsan siyaabihii looga bixi lahaa dhiaatada dalka ka jirta mararka qaarkood la weydiinayay ka qaybgalayaasha siminnaarka.


C/llaahi Siyaasi oo ka mid ahaa macallimiinta, ayaa isaguna ka hadlay saameynta ama raadka ay reebi karaan tacadiyada qaarkood sida kufsiga, dilka, madaafiicda dagaalada iska socda, barakaca, tahriibka iyo IWM, wuxuuna sheegay in dhibkii dalkeena ka dhacay ay dhaliyeen argagax ama shoog, kuwaasoo sababay inay dad badan maskaxdoodu roganto.

Gabagabadii siminnaarka, waxaa ka hadlay Dahabo Sheekh Maxamed oo ka socotay ururka Hanad, iyadoo u mahacelisay haya'dda CDHR oo tababarka fulisay iyo NED oo bixisay kharashka siminnaarkaas lagu qabtay.

Dahabo, ayaa soo jeedisay tixo gabay ah oo ay ku cabiraysay dhibaatada dalka Soomaaliya ka jirta, iyadoo sidoo kalena ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan sidii uu dalka uga bixi lahaa dhibaatada mudada dheer soo socotay.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya