10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 2 , 2011
Burcadbadeed Soomaaliyeed oo afduub ku qabsaday markab xamuul iyo mid kale oo dirqi uga baxsaday

Axad, 02 Jannaayo, 2011 (HOL) − Burcadbadeed Soomaaliyeed, ayaa afduub ku qabsaday gallinkii dambe ee Sabtida markab laga leeyahay dalka Al-jeeriya iyo 27-shaqaale ah oo la socday, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidammada Midowga Yurub ee ku sugan biyaha Soomaaliya. Sidoo kalena waxaa burcadbadeedda ka fakaday markab laga leeyahay dalka Israa'iil.

"Markabka MV Blida, oo dhuxul-dhagax, ayaa kooxaha burcadda ah ee qabsaday waxay ku qabsadeen masaafo Koonfur-bari 150-km uga beegan magaalada dekedda leh ee Salalah ee dalka Cummaan," ayuu yiri afhayeenka ciidanka Midowga Yurub Paddy O'Kennedy.

Xamuulka markabka saaran oo culeyskiisu yahay 20,586 tan, ayaa wuxuu ka furtay dekedda Salalah ee dalka Cummaan, wuxuuna ku socday dalka Tanzania, waxaana shaqaalaha la socda ay u kala dhaseen dalalka Filllibiin, Al-Jeeriya iyo Ukrain.

Dhanka kale, burcadbadeed Soomaaliyeed ayaa waxay weerar ku qaadee markab laga leeyahay dalka Israa'iil oo lagu magacaabo Africa Star, kaasoo marayay biyaha badweynta Hindiya, waxaana uu kaga baxsday si dirqi ah, waana markii labaad oo uu markabkan ka baxsado koox burcadbadeed Soomaaliyeed.

Shirkadda markabka iska leh oo lagu magacaabo Zim, ayaa sheegtay in markabka la weeraray isagoo ku socda dalka Israa'iil ayna ku raran yihiin qalabka elektarooniga ah, ayna baxsashadiisu sahashay iyadoo xawaaraha markabka la kordhiyay.

"Markabka waxaa laug weeraray meel ay burcadbadeeddu aad ugu xooggan yihiin oo ku taalla badweynta Hindiya," ayuu yiri afhayeen u hadlay wasaaradda gaadiidka Yuhuudda oo lagu magacaabo Avner Ovadia.

Bishii Maarso sannadkii hore, ayuu markabkan ka baxsaday koox burcadbadeed ah oo weerar ku qaaday xilli uu marayay meel ku dhow magaalada Mombassa ee dalka Kenya, isagoo ku socday dalka Jabuuti.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya