10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 2 , 2011
Qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta lagu weeraray ciidammo ka tirsan Ahlusunna Waljamaaca

Axad, 02 Jannaayo, 2011 (HOL) − Mid ka mid ah xoogagga Ahlusunna ee gobolka Banaadir ayaa ku dhintay qaraxyo maanta ka dhacay inta u dhexeysa isgoyska Ex-koontarool Afgooye iyo xaafadda Xoosh, iyadoo ay ku dhaawacmeen laba kale.

"Qaraxyadan, waxay ahaayeen miinooyin jidka dhinciisa la geliyay, lagana hagayay meel fog, waxaana nooga dhintay hal askari, laba kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray," ayuu yiri afhayeenka ahlusunna ee koonfurta Soomaaliya Sheekh Cismaan Axmed Abuu-Xamza oo saxaafadda la hadlay.

Afhayeenku, wuxuu sheegay in qaraxdan ay dhaceen xilli ay ciidammadoodu ku jireen howlo baaritaanno ah oo ay ku sameynayeen gaadiidka dadweynaha, ayna u qabteen weerarkaas dhowr qof oo ay uga shakiyeen inay ka dambeeyeen.

"Markii ay qaraxyadan dhacayeen, goobta kuma sugnayn ciidammo dowladda, balse waxay noo yimaadeen markii ay qaraxyadu dhaceen," ayuu yiri Sheekh Abuu-Xamza, isagoo intaas ku daray inuusan ahayn markii ugu horreeyay oo weerar noocaan kale ah ciidammadooda laga beegsado, balse uu yahay kii ugu khasaaraha badnaa.

Ugu dambeyn, afhayeenku wuxuu sheegay in saraakiishoodu ay ka fiirsan doonaan maritaanka jidka ay maanta qaraxyadu ka dhaceen, wuxuuna xusay in jidkaas ay si joogto ah u maraan saraakiishooda iyo gaadiidkooda dagaalka.

Ururka Ahlusunna Waljamaaca, oo ka mid ah xoogagga ka dagaalama Soomaaliya, ayaa xiriir wanaagsan la leh dowladda KMG ah, waxayna xarumo ku leeyihiin gobolka Galguduud, gobolka Banaadir iyo degmada Doolow ee gobollada Gedo oo ku tallaa koonfurta Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya