10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 2 , 2011
Afhayeenka AMISOM oo ka hadlay dagaalladii ay sannadkii hore la galeen Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin

Axad, 02 Jannaayo, 2011 (HOL) − Afhayeenka ciidammada AMISOM Maj. Barigye Ba-huko, ayaa guulo ka sheegtay dagaalladii ay Xarrakatul Shabaab la galeen sannadkii lasoo dhaafay, isagoo sheegay inay deegaanno badan kula wareegeen.

"Dagaalladii, ka dhacay Muqdisho sannadkii lasoo dhaafay ee 2010, waxaan kula wareegnay degmooyin ay horay ugu sugnaayeen Xarrakatul Shabaab oo ku yaalla waqooyiga iyo koonfurta Muqdisho," ayuu yiri afhayeenka AMISOM oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabeell oo ka mid ah idaacadaha Muqdisho ka howlgala.

Maj. Ba-huko, wuxuu sheegay in xaafado ka tirsan degmooyinka Shibbis, C/casiis iyo Boondheere oo waqooyiga Muqdisho ku yaalla iyo xaafado ka tirsan degmada Hodan oo koonfurta ku taalla ay kala wareegeen Xarrakatul Shabaab.

Degmooyinkan, ayaa ah kuwa ay ka dhacaan dagaallada ugu culus ee Muqdisho ka dhaca, waxaana dagaalladaas badankood ay dhexmaraan ciidammada AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab oo ballan ku qaaday inay burburinayso dowladda Soomaaliya.

"Dagalladii ugu xoogganaa ee Muqdisho ka dhaca, waxay dhaceen bishii Ramadaan, kaasoo ahaa mid ay Al-shabaab ku sheegtay inay ku qabsanayso Muqdisho, balse ma aysan suurogelin, waxaana ku dilnay tiro dagaalyahannadooda ka mid ah" ayuu yiri Maj. Ba-huko.

Boqolaal qof ayaa ku dhintay kumanaan kalena way ku dhaawcmeen dagaalladii ka dhacay Muqdisho sannadkii lasoo dhaafay ee 2010, iyadoo waxyeelladu ugu badan ay ka dhasheen madaafiic la sheegay inay ciidammada AMISOM ku gaaraacaan inta ay socdaan dagaallada degmooyinka gobolka Banaadir.

Xarrakatul Shabaab, ayaa shalay oo Sabti ahayd sheegay inay dagaallo culus oo dhacay ku dileen 15-askari oo ka tirsan ciidammada AMISOM, iyadoo afhayeenka AMSIOM uusan soo hadal qaadin askartaas looga dilay dagaalladii ugu dambeeyay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya