10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 2 , 2011
Madaxweynaha Soomaaliya oo guddiga dastuurka u sameynta dalka ka codsady inay bil ku qoraan dastuurka

Axad, 02 Jannaayo, 2011 (HOL) − Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo kulan la yeeshay guddiga dastuur u sameysta dalka Soomaaliya, ayaa ka codsaday inay muddo bil ah ku dhameystiraan qoraalka dastuurka.

"Shaqo la qabto, waxaa ugu weyn shaqo lagaa dhaxlayo wax wanaagsan, waana mida aad qabanaysaan," ayuu yiri madaxweyne Sheekh Shariif oo shalya oo Sabti ahayd kula hadlay guddiga xarunta madaxtooyada oo uu qado ugu sameeyay.

Sheekh Shariif, wuxuu sheegay in guddiga ay hortaallo howl adag, loogana baahan yahay inay u dhabar adaygaan, isagoo xusay in dastuurka loo baahan yahay in la dhameystiro inta aanu xilliga dowladda KMG ah dhammaan.

"Qoraalka dastuurka, waa howl aad u dhib badan, waxaana loo baahan in oo dhabar-adaygo, maadaama isabadal dalka ka dhaca uu ku xiran yahay dastuurka oo la dhemstiro," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu guddiga u sheegay in markii hore loo dhexeyn jiray balse ay hadda wixii ka dambeeya wadashaqeyn doonaan, isagoo xusay in la horgeyn doono dastuurka marka ay dhameystiraan qoraalkiisa baarlmaanka si codka kalsoonida loogu qaado.

"Waxaan diidannahay waa in la yiraahdo dowladdu waxba kala socoto dastuurka sida loo sameynayo, taas awgeed waxaan go'aansanay inaan si toos u wada shaqeyno," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, oo isaguna goobjoog ka ahaa kulanka, ayaa ka codsaday guddiga dastuur sameynta, inay ka fikiraan dastuurka ay sameynayaan, ayna ogaadaan inuu yahay mid gaaraya jiilalka soo socda, ayna ka fikiraan saameynta uu yeelan karo.

Dastuurka uu madaxweynuhu ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu dhameystiro, ayaa ahaa midkii uu ka dhashay khilaafkii sababay inuu xilkiisa iska casilo ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid, kaddib markii uu khilaaf ku saabsan dastuurka uu soo dhexgalay isaga iyo madaxweyne Sheekh Shariif.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya