10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 2 , 2011
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo kooxda gobolka Banaadir ugu hambalyeeyay guushii koobka Gobollada

Axad, 02 Jannaayo, 2011 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed, ayaa ugu hambalyeeyay kooxda gobolka Banaadir hanashada koobka gobollada Soomaaliya, kaddib markii ay gool iyo waxba uga adkaadeen kooxdii ka socotay gobolka Bari oo ay isaga horyimaadeen ciyaartii ugu dambeysay ee tartanka kubadda cagta ee gobollada Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ammaanay kooxihii kale ee ka qaybgalay tartankaas.

Illaa 15 gobol, oo ka mid ah 18-ka gobol ee ay Soomaaliya ka kooban tahay, ayaa ka qeybgalay tartankaas, oo lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, isla markaana ah caasimadda maamulka Puntland.

Ra'iisul wasaare Farmaajo ayaa yiri: "Iyadoo uu yahay tartankii ugu horreeyay ee la qabto muddo 20 sano ah, waxaan aad ugu faraxsannahay waa waxa uu tartankaas u taray dhallinyaradeena iyo shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu horseeday is-dhex-gal bulsho... sida adkeynta nabadda iyo is-fahamka dhallinyarada iyo horumarinta xirfadda kubadda cagta, maadaama tartankaas uu naga saacidayo sidii loo xulan lahaa ciyaartoyda heerka Qaran."

"Tartankii ciyaaraha gobollada ee 2010, wuxuu guul u ahaa Soomaaliya. Waxaan u hambalyeynaynaa, una mahad-naqeynaa madaxda iyo shacabka Puntland, oo si sharaf leh u mar-tigeliyay koobkan qiimaha badan. Waxaan sidoo kale mahad u celinayaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta oo soo qabanqaabiyay tartankaas.

Intii uu tartanku socday, ayaanay jirin wax rabshado ah oo dhacay, waxaana ka qaybgalayay tartankaas maalin walba boqlaal qof oo isugu jira qaybaha bulshada si ay u arkaan ciyaaraha gobollada Soomaaliya oo mar kale laga ciyaarayo Soomaaliya kaddib 20-sano oo aan la qaban.

"Xukuumaddaydu, waxay u aragtaa cayaaraha iyo tartannada noocan oo kale ah hab dhallinyarada looga dhigi karo kuwo waxtar leh. Qaban-qaabiyeyaashu waa inay ku xisaabtamaan taageeradeena buuxda marka mustaqbalka la qabanayo tartannadan noocan oo kale ah oo sannadkiiba mar dhaca," ayuu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya kusoo gabgabeeyay hadalkisa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya