3/13/2025
Today from Hiiraan Online: Somaliland expands taxation to mobile transactions to boost ...
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 8 , 2011
Diyaarado duqeeyay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo

Khamiis, December 08, 2011 (HOL) − Diyaarado nooca dagaalka ah ayaa duqeymo ka geysteen degmada Baardheeere ee gobolka Gedo, iyadoona lagu soo waramayo in diyaaraduhu ay weli dulheehaabayaan magaaladaas.

Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan gudaha degmada Baardheere ayaa HOL u xaqiijiyay duqeynta, iyagoona sheegay in diyaaraduhu illaa afar gantaan ku dhufteen halka lagu magacaabo ADC oo ku taalla duleedka degmada Baardheere.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in hal nin oo shacab uu ku dhintay duqeynta, iyadoo haweeney lahayd guri ku dhaggan xarunta ADC u dhaawac kasoo gaaray gantaallada ay diyaaraduhu ku duqeeyeen degmada Baardheere.

Xaaladda Baardheere ayaa haatan kacsan, iyadoo dadka deegaanka la sheegay in ay argagaxsan yihiin, halka qaar badan ay bilaabeen in ay bannaanka uga baxaan magaalada.

"Diyaarado ayaa duqeeyay degmada, dadkuna aad ayay u naxsan yihiin, waayo waa markii ugu horreysay oo degmada la duqeeyo" ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool degmada Baardheere oo codsaday inaan sababo ammaan awgood u qarinno magaciisa.

Weli waxaan ku mashquulsan sidii aan warbixinno faahfaahsan uga heli lahayn duqeynta ka dhacday degmada Baardheere, xog faahfaahsan iyo qasaaraha ka dhashay dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa Insha’allah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya