Munaasab lagu maamuusayey Maalinta Dhalinyarada oo ka dhacday magaalada Nairobi

Axad, May 16 (HOL) - Xaflad ay soo abaabuleen dhallinyarada Waayaha Cusub laguna maamuusayey maalinta dhallinyada Soomaaliyeed oo ku beegneyd 15 May ayaa lagu qabtay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi. Xafladdaaan oo ka dhacday Hotelka AL-BARAKAT ayaa waxaa lagu soo bandhiga heeso iyo suugaan ka hadlayaa dhallinyada Soomaaliyeed oo ku beegneyd aadaaskii ururkii SYL.
Dhallinyaradii halkaas ka hadashay ayaa waxaa ka mid ahaa Abwaan Axmed Maxamed Xasan (Aflibaax) oo halkaas ka soo jeediyey tix gabay ah oo isugu jirtay guubaabo iyo dhiirigalin ka hadlaysay dowrka dhallinyarada ay ku leedahay dhismaha wadanka Soomaaliyeed. Abwaan Aflibaax ayaa sidoo kale wuxuu halkaas ka qaaday hees wadani oo ay aad u jecleysteen dadweynihii ka soo qaybgalay xafladda.

Waxaa xusid mudan khudbad uu halkaas ka soo jeediyry Cabdirashid Cumar Axmed ee ku cannaantay in dhallinyarada maanta joogta aysan ka soo bixin kaalintii loogu baahnaa in ay buuxiyaan. "Dhibaatada maanta ka taagan Soomaaliya , ilaaheey ka sokow, waxaa ka saari kara dhallinyarada Soomaaliyeed" ayuu yiri Cabdirashid.
Dhallinyaradii fannaaniita ahayd ayaa waxay halkaas ka qaadeen heestii caanka ahayd ee "SOOMAALIYEEY TOOSOO - TOOSO ISKU TIIRSADA'. Heestaas oo ay dadweynihii halka joogay si weyn ay ugu qashuuceen.

Ugu dambeyntii waxaa halkaas khubad aad u wanaagsan ka soo jeediyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Amerika. Wuxuuna uga mahadceliyey sida wanaagsan ee loo soo qabanqaabiyey xafladdan gaar ahaan Shino Akhyaar oo ka mid ahaa dhallinyaradii soo qabanqaabsay xafladdan. Danjire Maxamed Cali Ameerika ayaa isaga oo ka hadlaayo dowrka dhallinyarada ay ka qaadan karto halgan dalkooda ayuu wuxuu mitaal u soo qaatay dalka Rwanda. Wuxuuna sheegay in dhallinyarada dalka Rwanda iyo hogaanka u taliyaba ay waddankaasi gaarsiiyeen heer ay ku iloobaan dhibaatadii ka dhacday dalkaas muddo hadda laga joogo 16 sanno. Xafladdaas ayaa waxaa goobjoog ka ahaa qaybaha kala duwan ee warbaahinta sida TV Universal, Idaacadah VOA, Bar-Kulan iyo qaar kale.
67 sanno ayaa ka soo wareegtay markii la aasaasay ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL.