Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo maanta magacyadii ka badalay dhowr tuulo oo ku yaalla Gobolka Shabeelaha Hoose
Talaado, June 15, 2010 (HOL) − Maamulka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ee Gobolka Shabeellada hoose ayaa maanta magacyadii ka badalay sagaal tuulo oo hoostaga degmada Buulomareer ee Gobolkaas.
Tuuulooyinka laga badalay magacyada ayaa waxaa ka mid ah: Baqara-miil oo loo bixiyay Daarul-birri, Faari oo loo bixiyay Furqaan, Gabayle oo loo bixiyay Xuneyn, Jeebeey oo loo bixiyay Daa'if iyo kuwo kale oo magacyada laga badalay.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose ee Xarrakatul Shabaab Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla ayaa sheegay in sababta ay magacyadan uga badleen tuulooyinka ay tahay iyagoo lahaa magacyo gaalo.
"Waxaan doonaynaa inaan badalno magacyadii ay u bixiyeen gaalada tuulooyinka iyo deegaannada dalka Soomaaliya oo muddo dheer ay gumeysi ku haysteen, waana siiwadaynaa howshan" ayuu yiri Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla.
Shacabka ku nool tuulooyinka magacyada laga badalay maanta ayaa soo dhaweeyay iyagoo ku tilmamaay inay tahay mid lagu faraxo, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo maamulkan uu magacyada ka badalo tuulooyin ku yaalla Gobolka Shabeellada hoose.
Dhawaan ayay Maamulka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ee Gobolka Shabeellada hoose wuxuu magacyada ka badalay 22-tuulo iyo 9-kannaal, iyagoo u bixiyay magacyo kale oo Islaami ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya