5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 15, 2010
Maamulka Xarrakatul Shabaab ee Gobolka Shabeellada dhexe oo soo saaray amar ku wajahan inaan la dhigi karin Tacsi
Khamiis, July 15, 2010 (HOL) − Maamulka Xarakatul Shabaab ee Gobolka Shabellada dhexe ayaa soo saaray amar ay ku mamnuucayaan in qoyska laga dhigto aysan dhigi karin Tacsiyo isla markaana aysan qali karin xoolo.
Madaxa Dacwadda ee Maamulka Xarrakatul Shabaab ee Gobolkaas Sheekh Abuu-Xamza oo saxaafadda kula hadlay degmada Jowhar ayaa sheegay in qoysaska ay dadka ka dhintaan aysan dhigi karin tacsi, isagoo sheegay in qoyskii lagu helo laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

"Shacabka ku nool Gobolka Shabeellada dhexe waa inay ka digtoonaadaan inay dhigaan tacsi markii uu qof ka dhigto, ciddii lagu helana waxaa la horgeyn doonaa sharciga Islaamka" ayuu yiri Sheekh Abuu-Xamza.
Mas'uulkan wuxuu amarkaan ku sheegay mid lagu doonayo in dadka looga digo inay ku dhacaan dambi, isla markaana lagu noolayno dhaqankii suubanaa ee Asxaabada, waana amarkii ugu horreeyay oo amar noocan ah ay soo saartay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Dadweynaha ku nool Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellada dhexe ayaa qaabak kala duwan uga hadlay amarkan, waxaana qaarkood ay sheegeen inay raacayaan halka kuwo kale ay sheegeen inuu yahay amar ka baxsan dhaqankooda.

Gobolka Shabeellada dhexe oo ka mid ah Gobollada dhinaca waqooyiga kaga beegan Muqdisho ayaa waxay Xarrakatul Shabaab gacan ku hayntiisa la wareegeen bishii May ee sannadkii hore, kaddib markii ay kula dagaalameen maamulkii Dowladda Soomaaliya ee gacanta ku hayay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya