4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 4 , 2010
Dowladda Kenya oo ka shakisan in weerarro ka dhacay Nairobi ay lug ku leedahay Xarrakatul Shabaab

Sabti, 04 December, 2010 (HOL) − Saraakiil dowladda Kenya ka tirsan, ayaa xusay in weerarro lagu dilay saddex sarkaal oo ka tirsan Booliiska dalkeeda oo ka dhacay Nairobi shalay Jimcihii ay ka dambeysay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

"Dilalkii loo geystay ciidamada Booliiska Kenya, waa mid ay fulintooda gacan ka geysatay Xarrakatul Shabaab oo xiriir dhow la leh Al-Qaacida," ayuu yiri taliyaha booliiska Kenya Mathew Iteere oo maanta oo Sabti ah shir jaraa'id qabtay.

Weeraradan, oo ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa kii hore oo gallinkii hore dhacay wuxuu ahaa bam lagu tuuray gaari ay booliisku wateen, oo marayay jid aad u ciriir badan, kaasoo dilay hal sarkaal, iyadoo gallinkii dambe ay laba nin oo hubeysana ay dileen laba sarkaal oo ka tirsan booliiska wadooyinka, kuwaasoo ku baxsaday mooto ay wateen.

"Wax walba oo ay nagu qaadato, waa inaan ka gungaarno halka laga soo aabulay qaraxyada iyo cidda soo abaabushay. Waxaana ku martiqaadnay inay baaritaanka ay gacan naga siiso FBI-da Mareykanka," ayuu yiri Iteere.

Afhayeenka booliiska Kenya Eric Kitaithe, oo isaguna saaxafadda la hadlay ayaa sheegay in baaritaannada ay sameynayaan aysan ka marnayn kooxaha hubeysan ee ka dagaalama Soomaaliya, inagoo raadinayna qaab kasta oo ay lug ugu yeelan karaan weerarradan.

"Si dhab ah, ayaan u rumeysannahay in kooxihii dilay ciidanka wadooyinka, aysan ka madaxbanaaneyn Xarrakatul Shabaab, falkii ay sameeyeenna waa mid khatar weyn ku ah dalkeena," ayuu yiri Kiraithe.

Xarrakatul Shabaab, ayaa horay u sheegtay inay ka dambeyso weerarro ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda oo lagu dilay 79-qof, kuwaasoo ahaa kuwii ugu horreeyay ee ay ka geystaan meel ka baxsan Soomaaliya.

Booliiska Kenya, ayaa la sheegay inay maanta ka qabqabteen xaafadda Islii 20-qof oo Soomaali ah, kuwaasoo ay uga shakisan yahay inay gacan ku lahaayeen qaraxii iyo weerarkii tooska ahaa ee lagu dilay saraakiil ciidan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya