10/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 19, 2010
CIYAARAHA GOBOLLADA:Hiiraan Vs Sh/Hoose iyo Banaadir Vs Sool

Axad, 19 December, 2010 (HOL) − Ciyaarihii maanta dhacay ayaa ahaa kuwa aad u xiisa badan ,waxaana wada kulmay afar kooxood oo la oran karo waxa ay soo bandhigeen ciyaar wanaag intii garoonka lagu jiray.
Waxaa kooxaha kulmay ay kala ahaayeen Shabeellada Hoose Vs Hiiraan iyo Banaadir Vs Sool,waxaana ciyaartii ugu horaysay ay dhaxmartay xulalka Hiiraan iyo Shabeellada Hoose


Xulka Kooxda Gobolka Benadir

Xulka gobolka Hiiraan ayey u ahayd kulankii ugu horeeyay tan iyo intii uu furmay koobka gobollada dalka Soomaaliya ,waxaana ciyaartaasi ka soo qayb galay dad aad u fara badan oo jeclaa in ay arkaan awoodda labada kooxood.

Goolasha ciyaarta ayaa la kala dhaliyay qaybtii hore iyo qaybtii danbe ,iyadoo ciyaar yahanada labad dhinac ay muujiyeen ciyaar wanagsan, hadana gobolka shabeeladda Hoose uma suurtagalin in ay guul la yimaadaan oo waxa ay ku soo idlaatay Hiiraan 3-2 Shabeellaha Hoose



Ciyaartii danbe ayaa dhexmartay xulalka Sool iyo Banaadir oo ahayd mid si wayn loo sugayay ,inkastoo labada dhinac la oran karay waa ay dadaaleen, hadana ma jirto cid sedex dhibcood garoonka kala baxday oo waxa ay ciyaartaasi ku soo gaba gabawday bar bar dhac Banaadir 1-1Sool

Kooxaha maanta kulmay ayaa isugu jiray koox ay u tahay ciyaartii ugu horaysay ,koox bareejo horay u soo gashay iyo koox laga soo badiyay,waxaana garsoorihii ciyaarta hayay uu bixiyay dhowr kaar oo digniin ah.

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Soomaaliya