10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 11, 2010
Wasiirka A/Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya oo ka warbixyay heshiisyo ay Gaalkacyo ku gaareen dhinacyadii dagaallamay

Sabti, December 11, 2010(HOL):- Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka dowlada KMG ah ee Somaliya C/shakuur Sheekh Xasan ayaa maanta sheegay in heshiisyo hor dhac ah ay wada gaareen dhinacyadii ku dagaalamay gobolka Mudug.

"Heshiisyada la gaaray waxaa ka mid ah in xabad joojin la sameeyo inta laga dhamaystirayo qodobada ka harsan iyo in kulumada labada dhinac ay joogto noqdaan " ayuu yiri wasiirka oo maanta duhurkii la hadlay BBC-da

Waxaa kaloo uu sheegay C/shakuur in heshiisyada la gaaray ay meesha ka saari doonaan dilalkii macna darada ahaa ee labada dhinac dhex mari jiray,kuwaasi oo khasaarooyin badan gaystay intii ay socdeen.

"Labada dhinac waxey naga ogaaladeen howsha aan wadno ,waxaana marka hore si gaar gaar ah isu arki doona odayaasha nabadaynta ee labada qolo ka tirsan si loo heshiiyo " ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka.

Masuuliyiinta ka socda dowlada KMG ah ee ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa ku amaanay maamulada Puntland iyo Gal-Mudug dadaalada ay ugu jiraan xal u helida colaadaha ka jira gobolka.

Ugu danbayntii Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/shakuur Sheekh Xasan ayaa ugu baaqay dhamaan waxgaradka labada dhinac in ay xil iska saaraan arintan oo markii hore ka soo bilaabatay dhul daaqsin ku yaala gobolka Mudug

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso,Soomaaliya