10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 11, 2010
Maamulka Gobolka Gedo oo soo Gabagabeeyay Howlo lagu Dayactirayay Buundada Degmada Buurdhuubo

Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Maamulka xarakada Alshabaab ee degmada buurdhuubo ayaa maanta soo gababeeyay howlo dayactir ah oo lagu sameynayay buundo ku taallay degmada Buurdhuubo oo ay mudo ka badan 10 maalmood ka socdeen howlo dayactir ah kadib markii uu buundadaasi saameeyay burbur xoogan oo soo gaaray islamarkaasina ay ku adkeyd in ay isticmaalaan gaadiidka waaweyn ee qaada xamuulka culus.

Xaflad loo qabtay gunaanudka howshii dhismaha buundada ee mudada dheer soo socotay islamarkaasina ay kasoo qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan maamulka xarakada Alshabaab ee gobolka Gedo ayaa waxa ay ka dhacday xarunta degmada Buurdhuubo ee gobolka gedo.

Goobtii ay xaflada ka dhaceysay ayaa waxa ku sugnaa masuuliyiin katirsan maamullada xarakada Alshabaab ee degmooyinka gobolka Gedo, Odoyaal dhaqameed iyo ganacsato, waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay kusimaha gudoomiyaha degmada Buurdhuubo Sheekh Max'ed Muxumed Ismaaciil isagoona sheegay in ay aad iyo aad ugu faraxsanyihiin islamarkaasina ay Allaah uga mahadcelinayaan howshii dayactirka buundada ee sida nabadgelyada leh ugu soo dhamaatay, waxaana uu sheegay in howsha dhismaha buundada ay qeyb ka ahayd qorsheyaal lagu hormarinayo adeegyada bulshada ee uu wado maamulka Xarakada Alshabaab ee gobolka Gedo.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay ganacsato iyo odoyaal dhaqameedyo ka kala yimid degmooyinka gobolka Gedo, waxaana ay u mahadceliyeen maamulka xarakada Alshabaab ee gobolka Gedo ee xilka iska saaray sidii loo dayactiri lahaa buundada degmada Buurdhuubo oo iyadu lafdhabar u ah ganacsiga gobolka Gedo.

Buundada degmada Buurdhuubo ayaa iyadu ahayd mid burbursan, iyadoo ay adkeyd in ay isticmaalaan gaadiidka sida xamuulka, waxaana dhamaaday birihii ay ku taagnayd buunadada, mana jirto cid isu xilqaantay in ay dayactir ku sameyso tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya, waxaana dayactirka buundada siweyn usoo dhaweeyay qeybaha bulshada ku dhaqan gobolka Gedo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya