10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 11, 2010
Abaaro ba'an oo ku habsaday deegaanno ka tirsan G/Sanaag

Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Abaaro khasaarooyin kala duwan gaystay ayaa lagu soo waramayaa in ay ka jiraan deegaano ka tirsan gobolka Sanaag,xilli halkaasi uusan qaban wax roob ah mudo billo ah.

"Cabasho badan ayaa naga soo gaartay qaar ka mid ah dadka meelaha fog fog degan ee gobolka " ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Sanaag ee Puntland oo warbaahinta la hadlay.

Meelaha uga badan ee ay abaaruhu ka jiraan waxaa ka mid ah tuulooyin hoostaga degmada Laasqorey iyo Badhan,waxaana dadka xoolo dhaqatada ah ay ka cabanayaan saamaynta  abaarahaasi

"Waxaa kaloo naloo sheegay dad gaaray Ceergaabo oo ka cararay biyo la,aanta  jirta oo aad u badan " ayuu hadalkiisa ku daray Maxamud Siciid Nuur.

Sidoo gudoomiyaha ayaa sheegay in cabashada arintan ay u gudbiyeen dowlada si wax looga qabto ,waxaana uu tilmaamay in aysan jirin ilaa iyo hada cid arimaha wax ka qabatay.

Dhinaca kale gudoomiyaha ayaa codsaday in wax laga qabto amni xumo ka jirta degmada Laasqorey,isla markaana kaalmo dag dag ah lala soo gaaro dadka ay abuuruhu saameyeen.

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya