10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 11, 2010
Danjire Augustine P. Mahiga oo dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay dhowrto Xuquuqda Aadanaha

Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya danjire Augustine P. Mahiga, ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay meel sare ka geliso ajandaheeda dhowrista xuquuqda aadanaha.

Isagoo ka hadlaaya maalinta caalamiga ee xuquuqal aadanaha, oo ku beegan 10-ka Decmber, oo la isla go'aansaday 1948, ayuu ergaygu ugu baaqay dowladda KMG ah inay aad u weynayso dhowrista xuquuqul insaanka, kuna darto howlaha horyaalla muddada u harsan oo ku eg August 2011.

"Nolosha dad badan oo Soomaliyeed, ayaa gabi ahaanba is-bedeshay ama la dayacay, taasoo ugu wacan qalalaasaha ka socda dalka iyo iyadoo gabi-ahaanba layska indha-tiray dhowritaanka mabadi’da baaqa xuquuqul-insaanka. Haddii aan la tixgelin xuquuqul-insaanka, nabad iyo xasillooni waarta lama helayo waxaana sii socon doona waxyeeleynta dad hor leh ee Soomaaliyeed," ayuu yiri danjire Mahiga.

Ergaygu, wuxuu intaas ku daray: "Maadaama dowladda Soomaaliya ay xoogga saareyso meel-marinta hawlaha muhimadda u leh, oo ay ugu horeyso qoritaanka dastuurka cusub kasoo noqon doona asaaskii soo celinta nabadda iyo xasilloonida, hadda waxaa muhiim ila ah in lagu muujiyo dastuurka arrimaha xuquuqal insaanka oo laf-dhabarka u ah arrimaha siyaasadda, sharciga, garsoorka iyo arrimaha bulshada."

Danjire Mahiga, wuxuu sheegay inuu ka sheegay shirkii looga hadlayay arrimaha dalka Soomaaliya ee bishii September ka dhacay magaalada Geneva, in tababarka la siiyo ciidammada booliiska, milateriga iyo garsoorka aanay ku filnayn dhowridda xuquuqda aadanahan, balse loo baahan yahay in arrimaha xuquuqul insaanka ay aad uga muuqdaan madaxda hay’adaha dowladda dhexdooda, siyaasadda la dejinayo iyo wax qabadkoodaba.

"Qaraarkii uu qaatay golaha xuquuqul insaanka 1-dii October 2010, ayaa ugu baaqay madaxda Soomaliyeed, iyagoo la kaashanaya UNPOS, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo baraamijyada kale ee ku lug leh hawlahan xuquuqal insaanka, inay dedejiyaan qorsha hawleed la joogtayn karo oo leh hab lagu qiimeeyo si Soomaaliya loogu hagi lahaa waddadii lagu gaari lahaa nabad waarta isla markaana loogu abuuri lahaa jawi ku haboon oo lagu hormariyo laguna badbaadiyo xuquuqul insaanka," ayuu danjire Mahinga mar kale yiri.

Wakiilku, wuxuu sidoo kale ku yiri warbixinta uu soo saaray: "Waxaan ogahay, in Soomaaliya ay leedahay geesiyaal difaaca xuquuqal insaanka. Maanta, waxaan jecelahay inaan xuso geesinnimada dadka Soomaliyeed oo hor is-taagaya kuwa wax u dhimaya dadka aadka u jilicsan ama xukun ciqaab ah marinaya dadkaasi iyagoon la marinin nidaam garsoor. Geesiyaasha aan soo shegaay qaarkood waxay la kulmeen handadaad, jirdil, xabsi iyo weliba dil."

Ugu dambeyn, danjire Mahinga, wuxuu codsaday in la qadariyo difacayaasha xuquuqal insaanka lana badbaadiyaa madaama ay wax tar wayn u leeyahiin ummadda waana inay kaalin muhim ah ka cayaraan qorsha hawleedka ummadda.

"Maadaama, aan fooda la galayno sannadka 2011, si wadajir ah aan u wada shaqayno si aan uga guulaysano caqabadaha hor-taagan soo celinta nabadda iyo xasilloonida. Tallaabo kasta oo aan qaadayno waa in ay ku qotontaa mabaadi’da waaweyn ee baniaadanimada oo ku cad baaqa caalamiga ah ee xuquuqul insaanka," ayuu Augustine Mahiga hadalkiisa kusoo gabgabeeyay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya