10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 11, 2010
Xarrakada Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo maanta mar kale ku dagaallamay degmada Buur-Hakaba

Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Inta la ogyahay shan qof oo xoogaggii dagaalku u dhexeeyay ka tirsan ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badanna dhaawacyo ayaa kasoo gaaray dagaal culus oo maanta ku dhexmaray degmada Buurhakaba ee gobolka Bay xoogagga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururka Xisbul Islaam.

Dagaalka, ayaa ka dhacay buundo dhinac galbeed kaga talla degmada Buurhakaba, wuxuuna qarxay markii xoogag taabacsan Xisbul Islaam ay weerar ku qaadeen degmadaas oo toddobaadkii hore awood ciidan looga qabsaday.

"Xaaladdu waa mid kacsan, waxaana dagaalka labada dhinac uu soo galay gudaha degmada Buurhakaba, dadku baqdin ayay qabaan mana jirto cid bixi karta," ayay tiri haweenay ka mid ah dadka ku nool degmadaas oo la hadshay saaxafadda, balse ka gaabsatay magaceeda.

Saraakiil ka tisran ururka Xisbul Islaam, oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay inay degmada Buurhakaba kala wareegeen Xarrakatul Shabaab, uuna dagaalku ka socdo daafaha degmadaas.

"Dagaalkii maanta, waxaan ku qabsannay gaari nooca dagaalka ah iyo lix qof oo ka tirsan Xarrakatul Shabaab, degmadana innaga ayaa gacanta ku hayna," ayuu sarkaal u hadlay Xisbul Islaam oo magaciisa ka qariyay saxaafadda.

Xarrakatul Shabaab, oo gacan ku haynta degmadaas si awood ah kula wareegtay toddobaadkii hore, ayaan weli ka hadlin dagaalka, iyagoo isla todobaadkaas iska caabiyay weerar ay xoogag ka tirsan Xisbul Islaam ku doonayeen inay degmadaas dib ugu qabsadaan.

Degmada Buurhakaba, oo ka tirsan gobolka Bay, ayaa noqnaysa degmadii labaad oo ay ka dhacaan dagaallo culus oo u dhexeeya Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam oo hal mowqif ka taagan dagaalka lagula jiro dowladda Soomaaliya, iyadoo dagaallo noocan oo kale ah ay ku dhexmareen degmada Kismaayo sannadkii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya