10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 11, 2010
Booliiska Uganda oo sheegay inay qabteen bas ay saarnaayeen walxaha qarxa iyo laba qof oo la socday

Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Booliisa dalka Uganda, ayaa sheegay inay jimcihii shalay gacanta ku dhigeen bas ay saarnaayeen waxyaabaha qaraxa oo ka yimid dalka Kenya, kuna socday magaalada Kampala ee dalka Uganda, ayna qabteen laba qof oo baska la socday, kuwaasoo aan jinsiyaddooda la sheegin.

"Baska, waxaan ku qabannay goob koontarool ah oo ku taalla Uganda, wuxuu ahaa nooca dadweynaha qaada, waxaana la socday laba qof oo aan uga shakinay inay ka tirsan yihiin xoogagga ka dagaalama Soomaaliya," ayuu yiri Vincent Sekatte oo u hadlay booliiska Uganda.

Afhayeenku , wuxuu sheegay in xogta ku saabsan baska ay hayeen, ayna ku guuleysteen inay qabtaan, isagoo xusay inay baaritaanno ku hayaan waxyaabaha baska saaran iyo labada qof ee la socday.

"Akhbaar ku saabsan in basku uu wado waxyaabo qarxa, horay ayay ciidankeennu u heleen, waxayna ku guuleysteen inay qabtaan, labadii qof ee baska la socdayna xabsi ayay ku jiraan, baaritaanno ayaana ku socda," ayuu yiri Sekatte.

Xukuumadda Uganda, ayaa ammaanka dalkeeda adkeysay wixii ka dambeeyay laba qarax oo ka dhacay magaalada Kampala bishii July 11-keedii sannadkan, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 79-qof oo daawanayay ciyaaro kubadda cagta ah, ayna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Qaraxyadan, ayaa waxaa mas'uuliyaddooda sheegatay Xarrakatul Shabaab, oo ka dagaalanta dalka Soomaaliya, waxaana saraakiisha u hadlay ay sheegeen inay ugu aargudayeen dadka ku dhintay duqeymaha ay AMISOM ku garaacdo Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya