10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 11, 2010
Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo ka dayrisay xaaladaha caafimaad ee ka jira dalka Soomaaliya

Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Warbixin ay soo saartay hay'adda WHO, ayay ku sheegtay in saddex meelood, hal meel ay shacabka Soomaaliyeed u baahan yihiin gargaar caalami ah, iyadoo sheegtay in dadkaas ay dhibaatooyin ku kala haystaan gudaha iyo dalalka dariska ah.

Hay'adda ayaa warbixinteedan ku sheegtay in laba milyan oo qof oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaarka deg-deg ah, kuwaasoo ay ku jiraan 1.5-milyan qof oo barakac ku ah dalka gudihiisa.

Soomaalia, ayaa waxay colaado ka taagnaayeen 2-sano oo xiriir ah, iyadoo iyadoo aanay muddadaas dheer ka jirin wax dowlad ah oo shaqeynaysa, waxaana la riday dowladdii ugu dambeysa ee uu hoggaaminayay Siyaad Barre sannadkii 1991-kii.

Xilligaas, marka laga soo billaabo, sannadba sannadka ka dambeeya waxaa kor u sii kacayay qaska iyo colaadaha ka taagan Soomaaliya. Rabshadahaas waxay sare u qaadeen dhibaatooyinka ku dhacaya dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Haweeneyda wakiilka uga ah WHO Soomaaliya Marthe Everard, ayaa sheegtay in saddexda isbitaal ee ka shaqeeya Muqdisho, lasoo wariyay in la gaarsiiyay 7,000-qof oo dhaawacyo ay kasoo gaareen dagaallada tan iyo sannadkan billowgiisii.

Everard, waxay sheegtay in dhaawacyadaas shan meelood meel ay ahaayeen haween iyo caruur, ay madaafiicda iyo rasaastu kula dhacday goobo ka fog halka ay ku dagaalamayaan dowladda oo gacan ka helaya AMISOM iyo kooxaha hubeysan.

WHO, ayaa intaas ku dartay in 500-qof ay dagaalladaas ku dhinteen, kuwaasoo ay ku jireen haween iyo caruur aad u da'yar, kuwaasoo qaarkood ay hubka culus kula dhaceen jidadka iyo suuqyada magaalada.

"Ma xaqiijin karno, tirada dadka ku dhintay dagaalladaas, waayo waxaa jira dad badan oo dhintay oo aan la keenin isbitaallada, mana jirto hay'ad diiwaangelisa dadka ku dhintay dagaallada," ayay tiri Everard. "Sidaa daraadeed, waxa yimid isbitaallada, ayaana ah kuwa aan warbixintooda soo gudbinay."

Sidoo kale, hay'addu, waxay warbixinteeda ku sheegtay in haweenka ku umula Soomaaliya iyo caruurta dhasha ay soo wajahdo dhimasho deg-deg ah iyo cudurro halis ah. Iyadoo sheegtay in shantii caruur ahna uu mid ka mid ah ku dhinto da'da ka hoosaysa shanta sano, ayna sare u kacayso haweenka dhinta xilliga umusha.

WHO, waxay sheegtay in dhaqaatiirta ka shaqeeya Soomaaliya oo gaaraya 250-dhaqtar aysan ku filnayn howsha taalla isbitaallada, kuwaasoo ay la shaqeeyaan 860-kalkaaliyeyaal caafimaad ah, sidoo kalena ay ku sugan oo keliya 116-umuliso.

Xaaladaha ka taagan dalka Soomaaliya, ayay hay'addu sheegtay inay kordhiyeen in shacabku uu u nuglaado dhibaatooyinka dabiiciga ah, iyadoo sheegtay in kooxaha islaamiyiinta xayiraadda ay kusoo rogeen hay'adaha gargaarka ay dhaawacday wax u qabashadii dadka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya