10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 11, 2010
Guddoomiyaha degmada Guri-ceel oo sheegay in ay isku soo dhiibeen dhalinyarro ka tirsanaa Xarrakatul Shabaab
Sabti, 11, Dec, 2010 (HOL) Guddoomiyaha degmada Guri-ceel ee maamulka Ahlu Sunna Waljameeca Cismaan Ciise Nuur oo la hadllay warbaahinta ayaa sheegay in ay dhinacooda u soo galeen dhalinyarro sida uu hadalka u dhigay ka soo goostay xoogagga Xarrakada Al-shabaab ee dagaallku ku jira.

'''Meel fagaaro ah ayeey dadka kala hadlleen, waxaana ay sheegeen in ay ku soo biireen Ahlu Sunna Waljameeca, kadib markii ay ku qanci waayeen nimaadkii ay horay uga tirsanaayeen,'' ayuu yiri Cismaan Ciise Nuur guddoomiyaha degmada Guri-ceel ee goballka Galgaduud.

Waxaa uu intaa ku darray in qaar ka mid ah dhaliyarradan ay la soo hadlleen waalidkood oo muddo aysan wada hadal, iyaga oo inoo sheegay ayuu yiri in ay aad ugu farxasan yihiin in ay maqlaan cod caruurtooda oo nool.

''Hadda wixii ka danbeeya waa dhaliyarro xor ah, haddii ay doonaan xoogagga maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ayeey ka mid noqonayaan, haddii kale waxey u laaban doonaan gurihii ay markii horeba ka soo tageen,'' ayuu hadalkiisa sii raaciyay gudoomiyaha degmada Guri-ceel.

Inkastoo hadalkaasi uu ka soo yeeray maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa haddana ilaa hadda waxaan wax war ah arintaa ka soo saarin xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab, waxaana xusid mudan in aysan aheyn markii ugu horeysay oo dhinacyada isaga soo horjeeda goballada bartamaha Soomaaliya mid walba uu sheegto in ay ku soo biireen xoogag ka soo goostay dhinaca kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya