10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 11, 2010
Dagaallo iyo duqeymo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen, dagallo xalay iyo saakay ku dhexmaray xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir ciidammada DKMG ah, AMISOM iyo dagaalyahannada Xarrakatul Shabaab.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay, oo dhammaantood rayid ahaa, ayaa waxay waxyeelladu kasoo gaartay duqeymo kula dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag iyo suuqa Bakaaraha.

Iskahorimaadyadan, ayaa waxay qarxeen markii xoogagga Xarrakatul Shabaab ay weerarro ku qaadeen fariisimo ay ciidammada dowladdu kaga sugnaayeen degmada Hodan, iyo gurigii shaqaalaha oo ah saldhig ay ciidammada AMISOM ku sugan yihiin.

Howlwadeennada gargaarka gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho, ayaa sheegay inay tan iyo xalay isbitaallada Muqdisho gaarsiiyeen 10-qof oo dhaawac ah, kuwaasoo ku dhaawacmay xiisadaha ka tagaan Muqdisho.

Weli waxaa laga maqlayaa xaafado ka tirsan degmada Hodan oo ay dagaalladu ka dhaceen duqeymo iyo rasaas goos-goos ah, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha kasoo gaaray dagaalladii xalay iyo saakay dhinacyada iska horjeeda.

Xarrakatul Shabaab oo maamusha inta badan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa dagaallo joogto ah ku haysa dowladda iyo ciidammada AMISOM, waxayna horay u sheegtay inaysan joojinayn dagaallada inta ay ka adkaanayso DKMG ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya