10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 11, 2010
Xoogagga Ahlusunna ee koonfurta Soomaaliya oo guulo ka sheegtay dagaal ay la galeen ururka Xisbul Islaam

Sabti, 11 December, 2010 (HOL) − Saraakiisha xoogagga Ahlusunna Waljamaca ee ku sugan deegaanka Doolow ee gobolka Gedo, ayaa guulo ka sheegtay dagaallo ku dhexmaray shalay gallinkii dambe xoogaggooda iyo kuwa Xisbul Islaam meel ku dhow degmada Luuq.

"Xoogag ka tirsan kuwa Ahlusunna, oo ku sugnaa meel ku dhow degmada Luuq, ayaa waxaa weerar ku qaaday xoogagga Xisbul Islaam, waxaana khasaare xooggan aan ku gaarsiinnay ciidammadii weerarka ahaa," ayuu yiri Xuseen Isaaq Mursan oo u hadlay Ahlusunna.

Mursal, ayaa sheegay inay dagaalkaas ku dileen tiro ka tirsan dagaalyahannada ururka Xisbul Islaam, ayna kaga gubeen gaari nooca dagaalka ah, balse wuxuu ka gaabsaday inuu sheego khasaaraha dhankooda kasoo gaartay dagaalka.

"Ciidammadeenu, waxay ahaayeen difaac, khasaaraha dagaalka naga soo gaarayna ma ahan mid badan, inkastoo aanan hadda sheegi karin," ayuu yiri afhayeenka u hadlay Ahlusunna oo ka meermeerayay inuu jawaab ka bixiyo khasaaraha soo gaaray.

Ururka Xisbul Islaam oo gacanta ka haya degmada Luuq ee gobolka Gedo, ayaan ka hadlin dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay, waxaana dagaallo noocan oo kale ah ay horay ugu dhexmareen labadan dhinac deegaanno u dhexeeya Luuq iyo Doolow oo ay ku kala sugan yihiin.

Afhayeenka u hadlay Ahlusunna, ayaa sheegay inay weerarayaan degmada Luuq si ay u qabsadaan, iyadoo ciidammada ku sugan Doolow ee kala taabacsan dowladda Soomaaliya iyo ururka Ahlusunna ayaa horay u qabsaday deegaanno ka tisran gobolka Gedo, oo ay ka taliyaan xoogagga hubeysan, inkastoo dib looga saaray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya