Wararka Maanta- Sabti, May 2 , 2009


PROF. DALXA: “Haddii aan qaldanahay na saxa, laakin ha nagu sixina Madfac iyo Bastoolad”

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka- Prof. Maxamed Cumar Dalxa
Sabti, May 02, 2009(HOL): Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa isagoo ka hadlayay xaflad lagu maamuusayay maalinta shaqaalaha Adduunka oo shalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho wuxuu ka hadlay dhibaatooyinka dhexyaalla dowladda Soomaaliya iyo xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda.

Prof. Dalxa waxaa uu sheegay in shacbka Soomaaliyeed ay muddo sanado ah ku soo jireen dhibaatooyin aan horay uga dhex dhicin dadka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in dhibaatooyinkaas ay ka mid yihiin in la dilay dad masjid ka soo baxay, kuwaasi oo qaarkood ay ahaayeen Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

“Xildhibaan Cabdalla Deerow ayaa la dilay isagoo ka soo baxay Masjid uu Salaadda Jimcaha ku soo tukaday, waxaa la dilay Xildhibaan Maxamed Cusmaan Maye oo ka soo baxay Masjid uu ku soo tukaday Salaadda Taraawiixda, Xildhibaan Timir ayaa sidoo kale la dilay, Bambo la rabay in lagu dilo Xildhibaan Maxamed Xuseen Raage ayaa waxaa ku dhintay wiilkiisii curadka ahaa, Aniga iyo Xildhibaan Cusmaan Caato waxaan ka badbaaday Weerar bambaano ah oo lagu soo qaaday guri aan deganeyn”ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa.

“Waan qaldami karnaa Bani’aadam ayaan nahay, haddii aan qaldannahay na saxa, laakin ha nagu sixina Madfac iyo Bastoolad”ayuu yiri Prof. Dalxa oo intaas ku sii daray in haatan ay Xildhibaannada ka baqayaan in ay Salaadda Masjidyada ku soo tukadaan, iyagoo ka baqaya in la dilo.

Waxaa uu ka sii hadlay Prof. Dalxa kala cararka ku dhacay Dadka Soomaaliyeed iyo sida ay Qaaradaha Adduunka ugu kala firireen, “Soomaaliya waxaa la dhihi jiray waa isku af iyo isku dhaqan, haddii sida aan nahay aan ku sii soconno waxaa dhici doonta in ay dalka yimaadaan dad Soomaaliyeed oo kala afaf ah, waayo Soomaalida dibadaha u baxay caruurta ay dhaleen waxay ku hadlayaan afafka looga hadlo dalalka ay joogaan, waxaana iska cad in ay imaan doonaan wiilal iyo gabdho dhahaya akhuunaa…akhuunaa”ayuu mar kale yiri Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo intii uu hadlayay ay aad u qoslayeen dadkii khudbaddiisa dhegeysanayay.

Ugu dambeyntiina, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay aayahooda ka tashadaan, isla markaana ay iska saaraan xumaanta ay laabta isugu hayaan, isagoo caddeeyay in aaney dadka Soomaaliyeed marna kala maarmi karin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

 

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “Dadka naga soo horjeeda haddii aysan wada hadal dooneyn, ha sugaano labo sano, kadibna doorasho ha u diyaargaroobaano”

5/2/2009 10:49 AM EST
Sabti, May 02, 2009(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shirkiisa jaraa’id ku soo qaatay arrimo ay ka mid ahaayeen, madaafiic dhawaan lagu duqeeyay xaafado ka tirsan Muqdisho, kuwaasi oo ay dad badan ku dhinteen, aragtidiisa ku aadan dib ugu soo noqoshada Shiikh Xasan Daahir ee Dalka Soomaaliya, socdaal uu dalka dibaddiisa ku tegay, go’aankii Baarlamaanka ee ahaa in dalka lagu xukumo shareecada Islaamka iyo warar sheegayay in ay Dowladda Soomaaliya dhul ka iibsatay Dowladda Kenya.

Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah oo Markab ka qafaashay Badweynta Hindiya

5/2/2009 10:47 AM EST
Sabti, May 02, 2009(HOL): Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah ayaa waxay maanta markab ka qafaasheen Badweynta Hindiya, iyadoo markabkaas oo kuwa shixnadaha qaado ahna laga leeyahay Dalka Greece.

Waddadii Dhismaheedu ka soconayay Magaalada Kismaayo oo qeyb ka mid ah maanta la furay

5/2/2009 10:46 AM EST
Sabti, May 02, 2009(HOL): Waddadaan Laamiga ah ee Dhismaheedu ka socday Magaalada Kismaayo ayaa qeyb ka mid ah la furay, halka inta hartayna uu wali dhismaheedu sii soconayo. Wadadan ayaa maanta la arkayay iyadoo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ay adeegsanayaan sida kuwa dadweynaha, kuwa xamuuka qaado iyo kuwa raaxada.

Sarkaal sare oo Qaramada Midoobay ka tirsan oo taageeray in maxkamad la soo taago dadkii dembiyada dagaal ka geystay Soomaaliya

5/2/2009 6:15 AM EST
Sabti, May 02, 2009(HOL): Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in loo baahan yahay in maxkamad la soo taago dadkii dembiyada dagaal ka geystay Dalka Soomaaliya.

Ciidamada NATO ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya oo qabtay Burcad Badeed Soomaali ah, hadana sii daayay

5/2/2009 6:14 AM EST
Sabti, May 02, 2009(HOL): Ciidamada Badda NATO ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Dalka Portugal ayaa waxay qabteen Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah, kuwaasi oo doonayay in ay qabsadaan Markab laga leeyahay Dalka Norway.




French forces grab Somali pirates in Seychelles -Reuters

5/2/2009 7:24 PM EST
A French naval patrol seized three Somali pirates in Seychelles' waters on Saturday and handed them over to the coastguard, the islands' president's office said.

Life in Somalia’s pirate army -AFP

5/2/2009 12:19 PM EST
MOGADISHU -- A mobile tribunal, a system of fines and a code of conduct: the success of Somali pirates' seajacking business relies on a structure that makes them one of the country's best-organised armed forces.

Somali pirates hijack 2 ships, NATO scuppers attack -Reuters

5/2/2009 11:15 AM EST
NAIROBI, May 2 (Reuters) - Somali pirates hijacked a Greek and a Ukrainian ship on Saturday and a NATO warship briefly detained 19 pirates armed with high explosives after foiling an attack on a Norwegian tanker in the Gulf of Aden.

Somali pirates seize Greek ship -BBC

5/2/2009 11:08 AM EST
A Greek-owned ship has been hijacked by Somali pirates south-west of the Seychelles, a seafarers group says.

UN official backs probe of Somalia abuses -Reuters

5/2/2009 10:09 AM EST
A United Nations official said on Friday an international commission of inquiry should be set up to investigate war crimes he said had been committed in Somalia.

Somali Pirates Strike Again -VOA

5/2/2009 10:05 AM EST
Somali pirates have hijacked a British cargo ship in the Indian Ocean. A NATO official and a maritime watchdog association confirmed the capture Saturday.

NATO thwarts hijack off Somalia, seizes dynamite -AP

5/2/2009 10:03 AM EST
Special forces on a Portuguese warship seized explosives from suspected Somali pirates after thwarting an attack on an oil tanker, but later freed the 19 men.

Radical Islamist leader condemns fighting in Somalia -Xinhua

5/2/2009 12:47 AM EST
Somali hardline Islamist leader, Sheik Hassan Dahir Aweys, who returned to the country's capital Mogadishu from two-year exile last week

Somalia still tense despite global goodwill -Daily Nation

5/2/2009 12:33 AM EST
Attempts to end the conflict in Somalia is gaining international support with the recent pledge of $213.3 million (Sh16.8 billion) at a conference in Brussels.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter