Wararka Maanta- Sabti, May 2 , 2009


Ciidamada NATO ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya oo qabtay Burcad Badeed Soomaali ah, hadana sii daayay

Sabti, May 02, 2009(HOL): Ciidamada Badda NATO ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Dalka Portugal ayaa waxay qabteen Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah, kuwaasi  oo doonayay in ay qabsadaan Markab laga leeyahay Dalka Norway.

Captain-ka waday  markabka ay doonayeen Kooxaha Burcad Badeedka in ay qafaashaan ayaa markii uu arkay in la soo weerarayo waxaa uu la xiriiray Ciidamada NATO, kadibna waxaa wicitaankiisii cabashada ahaa ka jawaabay Ciidamada Dalka Portugal, kuwaasi oo diyaarado Helicopters ah u diray halka Markabka lagu weeraray.

Ciidamadii saarnaa Diyaaradaha Helicopterska ayaa waxay dabadeed hubka ka dhigeen , isla markaana ay qabteen Kooxihii Burcad Badeedka ahaa oo tiradooda lagu sheegay 19 nin, kuwaasi oo ay baaritaanno kadib sii daayeen. Ciidamada Badda NATO ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaan fasax u heysan in ay maxaabiis ahaan u kaxeeyaan Kooxaha Burcad Badeedka, waxayna kaliya ka badbaadiyaan Maraakiibta iyo Doomaha ay doonayaan in ay qafaashaan.

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ah oo u bartay in ay qabsadaan Maraakiibta iyo Doomaha ku socdaala Xeebaha Soomaaliya kadibna ka qaataan lacag madax furasho ah ayaa hataan waxay wajahayaan caqabad ka hortimid kalluumeysigoodii Maraakiibta iyo Doomaha, waxaana dhowr jeer oo hore la qabtay qaar ka mid ah Burcad Badeedka, halka kuwo kalena la dilay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

 

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “Dadka naga soo horjeeda haddii aysan wada hadal dooneyn, ha sugaano labo sano, kadibna doorasho ha u diyaargaroobaano”

5/2/2009 10:49 AM EST
Sabti, May 02, 2009(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shirkiisa jaraa’id ku soo qaatay arrimo ay ka mid ahaayeen, madaafiic dhawaan lagu duqeeyay xaafado ka tirsan Muqdisho, kuwaasi oo ay dad badan ku dhinteen, aragtidiisa ku aadan dib ugu soo noqoshada Shiikh Xasan Daahir ee Dalka Soomaaliya, socdaal uu dalka dibaddiisa ku tegay, go’aankii Baarlamaanka ee ahaa in dalka lagu xukumo shareecada Islaamka iyo warar sheegayay in ay Dowladda Soomaaliya dhul ka iibsatay Dowladda Kenya.

Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah oo Markab ka qafaashay Badweynta Hindiya

5/2/2009 10:47 AM EST
Sabti, May 02, 2009(HOL): Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah ayaa waxay maanta markab ka qafaasheen Badweynta Hindiya, iyadoo markabkaas oo kuwa shixnadaha qaado ahna laga leeyahay Dalka Greece.

Waddadii Dhismaheedu ka soconayay Magaalada Kismaayo oo qeyb ka mid ah maanta la furay

5/2/2009 10:46 AM EST
Sabti, May 02, 2009(HOL): Waddadaan Laamiga ah ee Dhismaheedu ka socday Magaalada Kismaayo ayaa qeyb ka mid ah la furay, halka inta hartayna uu wali dhismaheedu sii soconayo. Wadadan ayaa maanta la arkayay iyadoo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ay adeegsanayaan sida kuwa dadweynaha, kuwa xamuuka qaado iyo kuwa raaxada.

PROF. DALXA: “Haddii aan qaldanahay na saxa, laakin ha nagu sixina Madfac iyo Bastoolad”

5/2/2009 6:18 AM EST
Sabti, May 02, 2009(HOL): Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa isagoo ka hadlayay xaflad lagu maamuusayay maalinta shaqaalaha Adduunka oo shalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho wuxuu ka hadlay dhibaatooyinka dhexyaalla dowladda Soomaaliya iyo xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda.

Sarkaal sare oo Qaramada Midoobay ka tirsan oo taageeray in maxkamad la soo taago dadkii dembiyada dagaal ka geystay Soomaaliya

5/2/2009 6:15 AM EST
Sabti, May 02, 2009(HOL): Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in loo baahan yahay in maxkamad la soo taago dadkii dembiyada dagaal ka geystay Dalka Soomaaliya.




French forces grab Somali pirates in Seychelles -Reuters

5/2/2009 7:24 PM EST
A French naval patrol seized three Somali pirates in Seychelles' waters on Saturday and handed them over to the coastguard, the islands' president's office said.

Life in Somalia’s pirate army -AFP

5/2/2009 12:19 PM EST
MOGADISHU -- A mobile tribunal, a system of fines and a code of conduct: the success of Somali pirates' seajacking business relies on a structure that makes them one of the country's best-organised armed forces.

Somali pirates hijack 2 ships, NATO scuppers attack -Reuters

5/2/2009 11:15 AM EST
NAIROBI, May 2 (Reuters) - Somali pirates hijacked a Greek and a Ukrainian ship on Saturday and a NATO warship briefly detained 19 pirates armed with high explosives after foiling an attack on a Norwegian tanker in the Gulf of Aden.

Somali pirates seize Greek ship -BBC

5/2/2009 11:08 AM EST
A Greek-owned ship has been hijacked by Somali pirates south-west of the Seychelles, a seafarers group says.

UN official backs probe of Somalia abuses -Reuters

5/2/2009 10:09 AM EST
A United Nations official said on Friday an international commission of inquiry should be set up to investigate war crimes he said had been committed in Somalia.

Somali Pirates Strike Again -VOA

5/2/2009 10:05 AM EST
Somali pirates have hijacked a British cargo ship in the Indian Ocean. A NATO official and a maritime watchdog association confirmed the capture Saturday.

NATO thwarts hijack off Somalia, seizes dynamite -AP

5/2/2009 10:03 AM EST
Special forces on a Portuguese warship seized explosives from suspected Somali pirates after thwarting an attack on an oil tanker, but later freed the 19 men.

Radical Islamist leader condemns fighting in Somalia -Xinhua

5/2/2009 12:47 AM EST
Somali hardline Islamist leader, Sheik Hassan Dahir Aweys, who returned to the country's capital Mogadishu from two-year exile last week

Somalia still tense despite global goodwill -Daily Nation

5/2/2009 12:33 AM EST
Attempts to end the conflict in Somalia is gaining international support with the recent pledge of $213.3 million (Sh16.8 billion) at a conference in Brussels.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter