Wararka Maanta- Isniin, Jun 22, 2009


Magaalada Beledweyne oo laga dareemayo qaban qaabo loogu jiro soo dhaweynta Xildhibano iyo Saraakiil ka tirsan Dowaladda Somalia

Isniin, 22, June, 2009 (HOL)  Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Goballka Hiiraan saacadihii aynu soo dhaafnay waxaa ka jira qaban qaabo iyo dhaq dhaqaaqyo u muuqda kuwo lagu soo dhaweynayo Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsa Dowladda Federaalka oo lagu wado in ay gaaraan Magaalada Waqtiyada ina soo aadan.
 
Sida HOL ay u sheegeen qaar ka mid ah Mas'uuliyiinta ku howlan qaban qaabada lagu soo dhaweynayo Mas'uuliyiinta isugu jirta Xildhibaanada iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in lagu soo wargaliyay imaanshaha Mas'uuliyiintaas Saacadaha soo socda inkastoo aysan jirin waqti si gaar ah loo tilmaamay.
 
Waxaana ay intaa ku dareen in Mas'uuliyiinta lagu wado in ay soo gaaraan Magaalada uu horkacayo Xildhibaan Max'ed Dhaqne Cilmi Aar oo ay Dowladda Federaalku u xilsaartay in uu halkeedii ka sii wado howlahii ay Goballka ka hayeen Wasiirkii Amniga Qaranka Dowladda Soomaaliya Cumar Xaanshi Aadan iyo Safiirkii hore ee Soomaaliya u joogay Dalka Itoobiya C/kariin Faarax Laqanyo.
 
Xildhibaan Max'ed Dhaqane Cilmi Aar oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in Dowladdu sii wadi doonto howlihii ay ka geeriyoodeen Mas'uuliyiinta waxaa uu intaa ku daray in ay la dagaalami doonaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.
 
Magaalada Beledeyne ayaa 18-kii Bishan oo ku beegan Khamiistii aynu soo dhaafnay waxaa ka dhacay weerar Is-miidaamin ahaa oo uu fuliyay qof Naftiis hure ah kaa oo ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 40 oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii Amniga Qaranka Col.Cumar Xaanshi Aadan iyo Safiirkii hore ee Soomaaliya u joogay Dalka Itoobiya C/kariin Faarax Laqayo.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com

 

Midowga Afrika oo mid xaq ah ku tilmaamay codsigii Dowladda Soomaaliya ee ahaa in loo soo gurmado

6/22/2009 1:05 PM EST
Isniin, June 22, 2009(HOL): Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in uu taageersan yahay codsigii Dowladda Soomaaliya ee ahaa in ay dalalka Soomaaliya la deriska ah ay ciidamo u diraan Soomaaliya si ay uga badbaadiyaan khatar ku soo fool leh.

Wasiirro iyo Waxgarad Soomaaliyeed oo Xus Baroordiiq ah u Sameeyey Cumar Xaashi (SAWIRO)

6/22/2009 1:04 PM EST
LONDON, UK (HOL) - Shan xubnood oo ka tirsan Golaha Wasiirada, siyaasiyiin hore iyo waxgaradka jaaliyadda London ee UK ayaa munaasabad baroordiiq ah

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in uu xukun deg deg ah galay Dalka Soomaaliya

6/22/2009 12:36 PM EST
Isniin, June 22, 2009(HOL): Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in maanta laga bilaabo uu dalka Soomaaliya gelayo xukun deg deg ah.

Cudurka Hargab-doofaarka oo soo gaadhay Dalka deriska ee Itoobiya & Xog la’aanta Xukuumadda Somaliland

6/22/2009 12:35 PM EST
Isniin, 22 June 2009 (HOL): Xukuumadda Somaliland ayaa u muuqata mid ka xog la’ Cudur loo magac bixiyay Hargab-Doofaarka oo muddooyinkii u dambeeyay faro-baas ku hayay dalalka Dunida, isla markaana hadda soo gaadhay dalka aynu Ganacsi-wadaagta iyo deriskaba nahay ee Itoobiya.

Golaha Guurtida oo ka dooday Xaaladda ka taagan Soomaaliya & saamaynta Somaliland

6/22/2009 12:34 PM EST
Isniin, 22 June 2009 (HOL): Mudanayaal ka tirsan Golaha Guurtida ayaa ka digay khatar ay sheegeen in ay Somaliland kaga soo fool leedahay dhinaca Koonfurta Soomaaliya, isla markaana waxay ku baaqeen in la xidho Xuduudaha Somaliland ee dhinacyada Badda iyo berrigaba. Waxaanay Axsaabta Mucaaradka ah ugu baaqeen in ay ka baxaan yooyootanka Siyaasadeed oo loo hawl-galo sidii laysaga kaashan lahaa arrimaha difaaca dalka.

Naafada Xooggii Dalka Soomaaliya ee ku sugan Isbitaalkii Martiini ee Magaalada Muqdisho oo nolol xumo sheegtay

6/22/2009 12:34 PM EST
Isniin, June 22, 2009(HOL): Naafada Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku nool ISbitaalkii Martiini ee magaalada Muqdisho ayaa waxay shaaca ka qaadeen in ay la soo deristay xaalad nolol xumo ah, sidaas darteedna waxay ka codsadeen shacabka Soomaaliyeed iyo cid kasta oo wax u heli karta in ay u soo gurmadaan.

Madaxweyne ku-xigeenka oo magacaabay guddi soo baadha eedaymo loo jeediyay laba Xubnood oo Komishanka ka tirsan & UCID oo ku gacan-saydhay

6/22/2009 12:33 PM EST
Isniin, 22 June 2009 (HOL): Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa la sheegay in uu magacaabay Guddi soo baadha eedaymo loo jeediyay laba xubnood oo ka tirsan Komishanka Doorashooyinka Qarnaka, kuwaas oo xubnaha kale ee Komishanku soo jeediyeen in Xilka laga qaado. Waxaana arrintaa jawaab ka bixiyay Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo sheegay in aanu ku kalsoonayn.

Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah oo mar kale digniin ka soo saaray dib-u-dhac ku yimaadda Doorashada Somaliland & jawaabta Axsaabta Mucaaradka ah

6/22/2009 12:32 PM EST
Isniin, 22 June 2009 (HOL): Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah ee Somaliland ka taageera arrimaha Doorashada, ayaa qoraal ay soo saareen kaga hadlay burburka Wada-hadalladii u socday saddexda Xisbi Qaran iyo khilaafaadka Siyaasadeed ee halkoodii ku noqday, isla markaana waxay baaq ugu jeediyeen Axsaabta Siyaasadda in maalmaha soo socda xal laga gaadho. Iyaga oo Axsaabta Mucaaradka ahi ay ka jawaabeen Qoraalka ka soo baxay Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah.




Somali 'thieves' face amputation -BBC

6/22/2009 11:37 AM EST
Hardline Islamists have condemned four young Somali men to a double amputation for stealing mobile phones.

Somali president calls emergency -BBC

6/22/2009 10:08 AM EST
Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed has declared a state of emergency in the country.

The Spirit (Human Being) is no holier than the Word of Allah (Quran) -Idris Ahmed Osman

6/22/2009 10:02 AM EST
It is one of the signs of the hour (القيامة) that scholars will be taken away by Allah, thus knowledge will be less and everyone shall speak!.

AU supports Somalia plea for foreign troops -AP

6/22/2009 9:48 AM EST
ADDIS ABABA, Ethiopia (AP) — The African Union said Monday it supports Somalia's plea for neighboring countries to send troops to help fight Islamist insurgents, but there was no indication the reinforcements would be forthcoming.

Kenya PM hints at military solution for Somalia -PM

6/22/2009 9:31 AM EST
Prime Minister Raila Odinga Monday hinted at a military solution to the crisis in war-torn Somalia.

African Union backs Somalia's call for foreign troops -dpa

6/22/2009 9:24 AM EST
Nairobi/Addis Ababa (dpa) - The African Union on Monday backed Somalia's appeal for foreign troops to help it fight off Islamist insurgents threatening to seize control of the Horn of Africa nation.

Somali president seeks support against insurgents -AFP

6/22/2009 9:14 AM EST
MOGADISHU (AFP) - Somalia's embattled president, Sharif Sheikh Ahmed, was on Monday scrambling to salvage his six-month-old administration and fend off an unrelenting insurgent offensive.

Al-Qaeda threat to peace in East Africa -Daily Nation

6/22/2009 2:45 AM EST
An Al-Qaeda force fighting alongside Somali extremists against the transitional government has sent ripples through regional capitals.

Soccer-World Cup African qualifying results and standings -Reuters

6/22/2009 2:29 AM EST
June 20 (Reuters) - 2010 World Cup African qualifying results and standings after Saturday's matches.

College fellowship 'family' helped first-generation student, a native of Somalia, thrive at the College of St. Benedict -TwinCities

6/22/2009 2:20 AM EST
Frightened and knowing no one, Bibi Abdalla, of St. Paul, entered college with one thought: get in, get her education and get out.

OIC calls for urgent international action in support of the Somali -OIC

6/22/2009 1:54 AM EST
The Secretary General of the Organization of the Islamic (OIC), Prof Ekmeleddin Ihsanoglu who has been following with grave concern the latest escalation of the insurgency in Somalia, has launched an appeal to the international community to discharge its full responsibilities by taking urgent necessary action to ensure the survival of the Transitional Federal Government (TFG) in Somalia.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter