Wararka Maanta- Isniin, Jun 22, 2009


Cudurka Hargab-doofaarka oo soo gaadhay Dalka deriska ee Itoobiya & Xog la’aanta Xukuumadda Somaliland

Isniin, 22 June 2009 (HOL): Xukuumadda Somaliland ayaa u muuqata mid ka xog la’ Cudur loo magac bixiyay Hargab-Doofaarka oo muddooyinkii u dambeeyay faro-baas ku hayay dalalka Dunida, isla markaana hadda soo gaadhay dalka aynu Ganacsi-wadaagta iyo deriskaba nahay ee Itoobiya.
 
Dhiilada Caalamka:
 
Muddooyinkii u dambeeyay waxa Dalalka iyo dawladaha duniduba ay la tacaalayeen Xanuun markii u horraysay la sheegay in lagu arkay Dalka Mexico ee Koonfurta Qaaradda Maraykanka. Kaas oo in ka badan 80 dal oo Dunida ah hadda laga soo sheegayo in lagu arkay. Warbixinaha laga helayo Xarumaha iyo Hay’adaha Caafimaadka Dunida, ayaa sheegay in Cudurkani uu yahay mid si xawli ah u socda, waxaanay Hay’adda Caafimaadka Dunida ee WHO ku dhawaaqday toddobaadkii tegay in Cudurkani yahay mid ilaa ah. iyada oo qaylo-dhaan ay Hay’addani soo saartay ku sheegtay in Dal waliba Garoomadiisa Diyaaradaha iyo sidoo kale meel kasta oo kale oo laga galo iyo dadka ka soo galayaba uu ka hubiyo Cudurkan, si looga hor tago in Dunida oo dhan uu ku fido Cudurkan Hargab-Doofaarku, kaas oo Afka qalaad loo yaqaano Influenza A H1N1.
 
Sida aanu ka soo xiganay Wakaaladda Wararka ee AP, Jimcihii la soo dhaafay oo kaliya waxa Dalalka Dunidu ku dhawaaqeen in la arkay 44,000 oo qof oo Cudurkan qaba, halka ilaa muddooyinkii uu soo if-baxay Cudurkani ay u dhinteen 180 Qof oo badankoodu u kala dhasheen Dalalka Mexico iyo Maraykanka oo ka mid ah dalalkii ugu horreeyey ee Cudurkan lagu arko.
 
Dhawaaqa Itoobiya:
 
Siday Warbixinuhu sheegayaan, inkasta oo ay Dawladda Itoobiya dedaallo badan ay samaysay, isla markaana Garoomada Diyaaradaha ay dhigtay Kooxo Caafimaad oo si tabaruc ah uga qayb gala ka hor-tagga Cudurkan, haddana sida uu maalinimaddii Jimcihii ku dhawaaqay Wasiirka Caafimaadka Itoobiya Mr. Tewdros Adhanom, laba qof oo u dhashay dalkaas ayaa lagu arkay Cudurkan Hargab-Doofaarka, kuwaas oo la sheegay inay ka soo laabteen dalka Maraykanka oo ka mid ah dalalka uu Cudurkani ka jiro. Siday faafisay Wakaaladda Wararka ee AP oo aanu Warkan ka soo xiganay, Wasiirku wuxuu sheegay in labadan qof oo ah Arday ay Itoobiya dib ugu soo noqdeen 13-kii Bishan June ee aynu ku jirno. Inkasta oo uu Wasiirku ka gaabsaday in uu shaaciyo Magacyada labadan qof ee Cudurkan laga helay, haddana wuxuu sheegay in lala tacaalayo hadda oo ay daawayn u jiifaan Cusbatal ku yaala Magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya. Isla markaana Xaaladdooda caafimaad wacan tahay.
 
Dhoy-la’aanta Somaliland:
 
Inkasta oo dalalka Dunida ee dhaqaale ahaan iyo aqoon ahaanba hore uga maray ay ka qaylinayaan Cudurkan Hargab-Doofaarka loogu waqlalay, isla markaana uu soo gaadhay dalka aynu xuduud-wadaagta nahay ee Itoobiya oo xidhiidh iyo isu-socod toos ah oo aan hakasho lahayni ka dhaxeeyo Somaliland, haddana Dawladda Somaliland ayaa u muuqata mid ka dhoy-la’, kana war qabin khatarta uu Cudurkani ku keeni karo Bulshada Abaaraha, Sicir-bararka iyo Dhaqaale-xumadu daashatay ee Somaliland, marka loo eego sida aan loo arag mar kaliya Masuul ka tirsan Dawladda Somaliland oo ka hadlay arrintan iyo khatarta ay dalka ku keeni karto. Waxaanad moodda in Dalka oo dhan, Siyaasi, aqoonyahan, Masuul iyo marti-sharaf kaleba, lagu wada mashquulsan yahay Siyaasad iyo tartan Kursiyeed, isla markaana Indhaha Siyaasiyiinta Mucaarad iyo Muxaafad-ba aanay qaban Shaashadaha Telefishanada Dunida ee goor walba iyo goob walba ka hadlaya khatarta Cudurkan. Hase ahaatee, waxa lays weydiin karaa, haddiiba Alle ma keenee uu dalka yimaaddo Cudurkani, ma jiraysaa Umad lagu tartamo Codadkoodu? Mise waxa dhacaysa in xaalad ka adag muranka Siyaasadeed oo naf-go’ ahi dalka soo wajahdo?
 
Gunaanad:
 
Si kastaba ha ahaatee, waxa lamaga maarmaan ah, Dalkana shacab, Xukuumad, Mucaarad iyo Muxaafad-ba looga baahan yahay in sida haddiiba khilaafaad Siyaasadeed yimaaddo loogu baratamo in guddi loo saaro dhexdhexaadinta murankaas, hadda loogu baahan yahay in laga tashado sida loo wajahayo Cudurkan iyo ka hor-taggiisa, lana magacaabo guddi Qaran oo ka hawl-gasha wacyi-gelinta iyo hubinta Cudurkan Hargab-Doofaarka.
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
barqad@hiiraan.com
Hargeisa, Somaliland

 

Midowga Afrika oo mid xaq ah ku tilmaamay codsigii Dowladda Soomaaliya ee ahaa in loo soo gurmado

6/22/2009 1:05 PM EST
Isniin, June 22, 2009(HOL): Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in uu taageersan yahay codsigii Dowladda Soomaaliya ee ahaa in ay dalalka Soomaaliya la deriska ah ay ciidamo u diraan Soomaaliya si ay uga badbaadiyaan khatar ku soo fool leh.

Wasiirro iyo Waxgarad Soomaaliyeed oo Xus Baroordiiq ah u Sameeyey Cumar Xaashi (SAWIRO)

6/22/2009 1:04 PM EST
LONDON, UK (HOL) - Shan xubnood oo ka tirsan Golaha Wasiirada, siyaasiyiin hore iyo waxgaradka jaaliyadda London ee UK ayaa munaasabad baroordiiq ah

Magaalada Beledweyne oo laga dareemayo qaban qaabo loogu jiro soo dhaweynta Xildhibano iyo Saraakiil ka tirsan Dowaladda Somalia

6/22/2009 12:42 PM EST
Isniin, 22, June, 2009 (HOL) Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Goballka Hiiraan saacadihii aynu soo dhaafnay waxaa ka jira qaban qaabo iyo dhaq dhaqaaqyo u muuqda kuwo lagu soo dhaweynayo Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsa Dowladda Federaalka oo lagu wado in ay gaaraan Magaalada Waqtiyada ina soo aadan.

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in uu xukun deg deg ah galay Dalka Soomaaliya

6/22/2009 12:36 PM EST
Isniin, June 22, 2009(HOL): Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in maanta laga bilaabo uu dalka Soomaaliya gelayo xukun deg deg ah.

Golaha Guurtida oo ka dooday Xaaladda ka taagan Soomaaliya & saamaynta Somaliland

6/22/2009 12:34 PM EST
Isniin, 22 June 2009 (HOL): Mudanayaal ka tirsan Golaha Guurtida ayaa ka digay khatar ay sheegeen in ay Somaliland kaga soo fool leedahay dhinaca Koonfurta Soomaaliya, isla markaana waxay ku baaqeen in la xidho Xuduudaha Somaliland ee dhinacyada Badda iyo berrigaba. Waxaanay Axsaabta Mucaaradka ah ugu baaqeen in ay ka baxaan yooyootanka Siyaasadeed oo loo hawl-galo sidii laysaga kaashan lahaa arrimaha difaaca dalka.

Naafada Xooggii Dalka Soomaaliya ee ku sugan Isbitaalkii Martiini ee Magaalada Muqdisho oo nolol xumo sheegtay

6/22/2009 12:34 PM EST
Isniin, June 22, 2009(HOL): Naafada Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku nool ISbitaalkii Martiini ee magaalada Muqdisho ayaa waxay shaaca ka qaadeen in ay la soo deristay xaalad nolol xumo ah, sidaas darteedna waxay ka codsadeen shacabka Soomaaliyeed iyo cid kasta oo wax u heli karta in ay u soo gurmadaan.

Madaxweyne ku-xigeenka oo magacaabay guddi soo baadha eedaymo loo jeediyay laba Xubnood oo Komishanka ka tirsan & UCID oo ku gacan-saydhay

6/22/2009 12:33 PM EST
Isniin, 22 June 2009 (HOL): Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa la sheegay in uu magacaabay Guddi soo baadha eedaymo loo jeediyay laba xubnood oo ka tirsan Komishanka Doorashooyinka Qarnaka, kuwaas oo xubnaha kale ee Komishanku soo jeediyeen in Xilka laga qaado. Waxaana arrintaa jawaab ka bixiyay Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo sheegay in aanu ku kalsoonayn.

Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah oo mar kale digniin ka soo saaray dib-u-dhac ku yimaadda Doorashada Somaliland & jawaabta Axsaabta Mucaaradka ah

6/22/2009 12:32 PM EST
Isniin, 22 June 2009 (HOL): Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah ee Somaliland ka taageera arrimaha Doorashada, ayaa qoraal ay soo saareen kaga hadlay burburka Wada-hadalladii u socday saddexda Xisbi Qaran iyo khilaafaadka Siyaasadeed ee halkoodii ku noqday, isla markaana waxay baaq ugu jeediyeen Axsaabta Siyaasadda in maalmaha soo socda xal laga gaadho. Iyaga oo Axsaabta Mucaaradka ahi ay ka jawaabeen Qoraalka ka soo baxay Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah.




Somali 'thieves' face amputation -BBC

6/22/2009 11:37 AM EST
Hardline Islamists have condemned four young Somali men to a double amputation for stealing mobile phones.

Somali president calls emergency -BBC

6/22/2009 10:08 AM EST
Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed has declared a state of emergency in the country.

The Spirit (Human Being) is no holier than the Word of Allah (Quran) -Idris Ahmed Osman

6/22/2009 10:02 AM EST
It is one of the signs of the hour (القيامة) that scholars will be taken away by Allah, thus knowledge will be less and everyone shall speak!.

AU supports Somalia plea for foreign troops -AP

6/22/2009 9:48 AM EST
ADDIS ABABA, Ethiopia (AP) — The African Union said Monday it supports Somalia's plea for neighboring countries to send troops to help fight Islamist insurgents, but there was no indication the reinforcements would be forthcoming.

Kenya PM hints at military solution for Somalia -PM

6/22/2009 9:31 AM EST
Prime Minister Raila Odinga Monday hinted at a military solution to the crisis in war-torn Somalia.

African Union backs Somalia's call for foreign troops -dpa

6/22/2009 9:24 AM EST
Nairobi/Addis Ababa (dpa) - The African Union on Monday backed Somalia's appeal for foreign troops to help it fight off Islamist insurgents threatening to seize control of the Horn of Africa nation.

Somali president seeks support against insurgents -AFP

6/22/2009 9:14 AM EST
MOGADISHU (AFP) - Somalia's embattled president, Sharif Sheikh Ahmed, was on Monday scrambling to salvage his six-month-old administration and fend off an unrelenting insurgent offensive.

Al-Qaeda threat to peace in East Africa -Daily Nation

6/22/2009 2:45 AM EST
An Al-Qaeda force fighting alongside Somali extremists against the transitional government has sent ripples through regional capitals.

Soccer-World Cup African qualifying results and standings -Reuters

6/22/2009 2:29 AM EST
June 20 (Reuters) - 2010 World Cup African qualifying results and standings after Saturday's matches.

College fellowship 'family' helped first-generation student, a native of Somalia, thrive at the College of St. Benedict -TwinCities

6/22/2009 2:20 AM EST
Frightened and knowing no one, Bibi Abdalla, of St. Paul, entered college with one thought: get in, get her education and get out.

OIC calls for urgent international action in support of the Somali -OIC

6/22/2009 1:54 AM EST
The Secretary General of the Organization of the Islamic (OIC), Prof Ekmeleddin Ihsanoglu who has been following with grave concern the latest escalation of the insurgency in Somalia, has launched an appeal to the international community to discharge its full responsibilities by taking urgent necessary action to ensure the survival of the Transitional Federal Government (TFG) in Somalia.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter