|
|
Golaha Guurtida oo ka dooday Xaaladda ka taagan Soomaaliya & saamaynta Somaliland
 Isniin, 22 June 2009 (HOL): Mudanayaal ka tirsan Golaha Guurtida ayaa ka digay khatar ay sheegeen in ay Somaliland kaga soo fool leedahay dhinaca Koonfurta Soomaaliya, isla markaana waxay ku baaqeen in la xidho Xuduudaha Somaliland ee dhinacyada Badda iyo berrigaba. Waxaanay Axsaabta Mucaaradka ah ugu baaqeen in ay ka baxaan yooyootanka Siyaasadeed oo loo hawl-galo sidii laysaga kaashan lahaa arrimaha difaaca dalka. Mudanayaal door ah oo fadhigii Golaha Guurtida oo uu guddoominayay Guddomiyaha Golahaas Saleebaan Maxamuud Aadan, isla markaana lagaga doonayay laba qodob oo kala ah, xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo arrimaha Budhcad-Badeedda Soomaalida, ka dhiibtay dood, ayaa soo jeediyay arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay in baaq nabadeed loo diro Kooxaha ku dagaallamaya Soomaaliya, in la xidho xuduudaha dalka ee barriga iyo Baddaba iyo qodobo kale. Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa furitaankii fadhigii shalay ka hadlay, waxa hadalladiisii ka mid ahaa, “Waxa maanta inala gudboon inaynu ka yeelano siyaasad iyo hawl-gal qarameed arrinta Soomaaliya ka soo cusboonaatay. Awal waxaynu ka soo shaqaynay sidii innaga oo laba dawladood kala ah hadana aynu nabad ugu wada noolaan lahayn, ka sii balaadhay, isbedel baad moodaa inuu muuqdo, aad bay arrintaasi welwel inoo gelisay” ayuu yidhi Md. Saleebaan. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi Guddoomiyuhu, “Wixii aynu ka nidhaahnaa inuu noqdo talo-xal raadineed, waa inaad talo ka bixisaan oo lagu dhawaaqo, taasoo iskaashi ka muuqdo, oo aan ahayn inaynu innagu is-xag-xaganno, waxa loo baahan yahay waar arrintaas maxaynu kaga hor-tagaynaa innaga oo isku dhan, Goleyaashii dastuuriga ahaa, axsaabtii iyo shacbi waynaheenii sidii aynu u abaabuli lahayn, ajandaha maanta ina horyaalaa waa talooyin wax ku ool ah oo aynu inta kale uga tagno baan jeclahay inuu inaga soo baxo.” Xil. Xasan Axmed Faarax (Boobe) oo ka mid ahaa Mudanayaashii dooddooda fadhigii shalay ka dhiibtay, ayaa hadalkiisa ku bilaabay, “Horta, inaga oo dad is-ogol ah oo isa saamaxnay aynu umadda wax u doono..Arrinta Budhcad-Badeedda, waxaanu Caalamka ka codsaynayaa oo aanu leenahay inta nagu dhaw (Badda) waanu ilaalinaynaa ee intaan taagtayada ahayn wax nagala qabta.” Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaan maqlayay Dawladda Xamar oo leh muddo 24 saacadood gudahood ah ha naloogu soo gurmado. Waxaad arkaysaa in ay naftu hayso. Cidda ugu horaysa ee inay digtoonaadaan iyo inay qorshaystaan sida looga difaacanayo waa Inaga oo xitaa qaylo inagaa laynooga baahan yahay. Xamar inaga ayay inagu maqan tahaye.” Xildhibaan Xasan waxa uu baaq u jeediyay Axsaabta Qaranka. “Axsaabta hadalkoodu batay waxaan leeyahay, kor iyo hoosba ha loola hadlo oo in ay riddo-gaashaan inagu maqan tahay ha ogaadaan.” Ayuu yidhi Xil. Boobe. Xil. Caydiid Cabdi Maxamed oo isna ka mid ahaa Mudanayaashii halkaa dooddooda ka dhiibtay, ayaa soo jeediyay in Golaha Guurtidu u yeedho Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Taliyaha Ilaalada Badda, isla markaana la xidho Xuduudaha Badda iyo berriga ee Somaliland. Waxa kale oo uu Xil. Caydiid soo jeediyay in baaq nabadeed loo jeediyo dhinacyada ku dagaallamaya Muqdisho iyo guud ahaan Koonfurta Soomaaliya. “Waa in loo yeedhaa Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Taliyaha Badda oo aynu helnaa waxa Caalamku inoo qabtay. Waayo, maan maqal cid leh Somaliland wax bay qabsatay ee aynu wax la qabano. Caalamku nabad ma ogola oo waa la col. Sababtoo ah, Xamar waa la caawiyaa oo wax baa la taraa, waxaanay doonayaan in goobaha Dagaallada ka fayow Dagaalku gaadho.” Ayuu yidhi Xil, Caydiid, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waa in Xuduudaha Badda iyo Beriga ee dalka la xidhaa oo Ciidamada Badda la tayeeyaa..Waa in aynu baaq nabadeed aynu u jeedino Umadda Xamar isku dilaysa oo aynu oo aynu nidhaahno joojiya Dhiigga daadanaya. Inaguna aynu difaac ka galno. Sababtoo ah, ma hanan karno oo Muqdisho ka yimaada ee dadka ha lagu baraarujiyo.” Sidoo kale waxa halkaa dooddiisa ka dhiibtay Xil. Farxaan Ciise Ubaxle oo isna soo jeediyay, “Waa in aynu arrimahan wada-tashi ka yeelano..Dalkeenu Kaantaroolo ma leh oo cid waliba way iska soo galaysaa ee haddaan Baasabor iyo liisan la waydiinayn dakda soo galaya, bal ha la ogaado halkuu qofku ka yimi. Waayo, Dunida inaga mooyaane, ma jiro dal layska galo oo aan Sharci lays weydiinin. Waxa jira Dad Itoobiyaan ah oo iyaga oo aan Dalkooda Dagaal ka jirin dalka buuxiyay oo Tuug leh oo nin xun, ee kuwaasna dalkoodii ha lagu celiyo. Booliskana waa in la tayayeeyo, isla markaana Golaha Guurtidu dadweynaha oo qof waliba dhiniciisa Boolis ka noqdaa oo aynu Kheyryadii aynu ka hadli jirnay soo celinaa.” Xildhibaan Farxaan wuxuu soo jeediyay in dalka lagu xukumo Kitaabka Quraanka ah iyo shareecada Islaamka. “Waddanka Kitaabka ha lagu xukumo, waxaas oo dhib ah waxa keenay Kitaabkii Alle ayaynu ka baydhnay ee dalka ha lagu xukumo Kitaabka Alle” ayuu yidhi Xil.Faarax Ciise Ubaxle. Xil. Cabdiraxmaan Cismaan Xasan oo isna ka mid ahaa Mudanayaashii dooddaa ka qayb galay, ayaa soo jeediyay in Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaaftu amar ka soo saarto in Masaajidada lagaga hadlo ujeedada dhabta ah iyo aragtida Diinta Islaamku ka qabto dadka is-qarxiya. “Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaaftu mar ha soo saaro oo Khudbadaha Masaaajidada lagaga hadlo dadka is-qarxinaya iyo waxay yihiin. Axsaabta Waxaan leeyahay Kursi baad isku haysataan ee Qarannimadii baa lagu soo duulay ee Kursiga yar dhigoo, Qaranimada nagala shaqeeya..Guurtidowna wacyi-gelin baa loo baahan yahay.” Ayuu yidhi Xil. Cabdiraxmaan. Sidoo kale, waxa halkaa ka hadlay oo dooddiisa dhiibtay Xil. Nuur Rayaale Kheyre oo dooddiisi ay ka mid ahayd, “Saddexda Gole Qaran aynu samaysano Jadwal aynu ku wada shaqayno oo aynu midowno. Waayo, waxa inagu soo socdaa (Qaska Soomaaliya) waa wax Ilaahay laga magan galo. Muqdisho-na wax laga naxo ayaa ka taagan, waana Umad-baabiis.” Xil. Axmed Xasan Saalax oo isna halkaa ka hadlay, ayaa soo jeediyay in la sameeyo Guddi lagu magacaabo Guddida badbaadada Somaliland. “Waa in la magacaabo Guddida badbaadada Somaliland oo ka kooban saddexda Gole Qaran, isla markaana ay la shaqeeyaan guddi hoosaadyo..” ayuu yidhi Xil. Axmed. Xildhibaannadii kale ee halkaa dooddooda ka dhiibtay waxa ka mid ahaa, Xil. Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac, Xil. Khadar Ismaaciil, Xil. Yuusuf, Xil. Maxamed Xuseen Hurruuse, Xil. Axmed Dirir Cali iyo Mudanayaal kale. Gebogebadii fadhigii shalay ee Golaha Guurtida Somaliland, waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Golahaas Saleebaan Maxamuud Aadan oo sheegay in maanta-na dooddaasi halkaa ka sii socon doonto, soona xidhay fadhiggaas.
.JPG) Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online barqad@hiiraan.com Hargeisa, Somaliland
 |
 |
 |
|
|
|
6/22/2009 1:05 PM EST
|
|
Isniin, June 22, 2009(HOL): Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in uu taageersan yahay codsigii Dowladda Soomaaliya ee ahaa in ay dalalka Soomaaliya la deriska ah ay ciidamo u diraan Soomaaliya si ay uga badbaadiyaan khatar ku soo fool leh. |
|
|
6/22/2009 1:04 PM EST
|
|
LONDON, UK (HOL) - Shan xubnood oo ka tirsan Golaha Wasiirada, siyaasiyiin hore iyo waxgaradka jaaliyadda London ee UK ayaa munaasabad baroordiiq ah |
|
|
6/22/2009 12:42 PM EST
|
|
Isniin, 22, June, 2009 (HOL) Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Goballka Hiiraan saacadihii aynu soo dhaafnay waxaa ka jira qaban qaabo iyo dhaq dhaqaaqyo u muuqda kuwo lagu soo dhaweynayo Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsa Dowladda Federaalka oo lagu wado in ay gaaraan Magaalada Waqtiyada ina soo aadan. |
|
|
6/22/2009 12:36 PM EST
|
|
Isniin, June 22, 2009(HOL): Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in maanta laga bilaabo uu dalka Soomaaliya gelayo xukun deg deg ah. |
|
|
6/22/2009 12:35 PM EST
|
|
Isniin, 22 June 2009 (HOL): Xukuumadda Somaliland ayaa u muuqata mid ka xog la’ Cudur loo magac bixiyay Hargab-Doofaarka oo muddooyinkii u dambeeyay faro-baas ku hayay dalalka Dunida, isla markaana hadda soo gaadhay dalka aynu Ganacsi-wadaagta iyo deriskaba nahay ee Itoobiya. |
|
|
6/22/2009 12:34 PM EST
|
|
Isniin, June 22, 2009(HOL): Naafada Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku nool ISbitaalkii Martiini ee magaalada Muqdisho ayaa waxay shaaca ka qaadeen in ay la soo deristay xaalad nolol xumo ah, sidaas darteedna waxay ka codsadeen shacabka Soomaaliyeed iyo cid kasta oo wax u heli karta in ay u soo gurmadaan. |
|
|
6/22/2009 12:33 PM EST
|
|
Isniin, 22 June 2009 (HOL): Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa la sheegay in uu magacaabay Guddi soo baadha eedaymo loo jeediyay laba xubnood oo ka tirsan Komishanka Doorashooyinka Qarnaka, kuwaas oo xubnaha kale ee Komishanku soo jeediyeen in Xilka laga qaado. Waxaana arrintaa jawaab ka bixiyay Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo sheegay in aanu ku kalsoonayn. |
|
|
6/22/2009 12:32 PM EST
|
|
Isniin, 22 June 2009 (HOL): Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah ee Somaliland ka taageera arrimaha Doorashada, ayaa qoraal ay soo saareen kaga hadlay burburka Wada-hadalladii u socday saddexda Xisbi Qaran iyo khilaafaadka Siyaasadeed ee halkoodii ku noqday, isla markaana waxay baaq ugu jeediyeen Axsaabta Siyaasadda in maalmaha soo socda xal laga gaadho. Iyaga oo Axsaabta Mucaaradka ahi ay ka jawaabeen Qoraalka ka soo baxay Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah. |
|
|
|
 |
 |
 |
|
|
6/22/2009 11:37 AM EST
|
|
Hardline Islamists have condemned four young Somali men to a double amputation for stealing mobile phones. |
|
|
6/22/2009 10:08 AM EST
|
|
Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed has declared a state of emergency in the country. |
|
|
6/22/2009 10:02 AM EST
|
|
It is one of the signs of the hour (القيامة) that scholars will be taken away by Allah, thus knowledge will be less and everyone shall speak!. |
|
|
6/22/2009 9:48 AM EST
|
|
ADDIS ABABA, Ethiopia (AP) — The African Union said Monday it supports Somalia's plea for neighboring countries to send troops to help fight Islamist insurgents, but there was no indication the reinforcements would be forthcoming. |
|
|
6/22/2009 9:31 AM EST
|
|
Prime Minister Raila Odinga Monday hinted at a military solution to the crisis in war-torn Somalia. |
|
|
6/22/2009 9:24 AM EST
|
|
Nairobi/Addis Ababa (dpa) - The African Union on Monday backed Somalia's appeal for foreign troops to help it fight off Islamist insurgents threatening to seize control of the Horn of Africa nation. |
|
|
6/22/2009 9:14 AM EST
|
|
MOGADISHU (AFP) - Somalia's embattled president, Sharif Sheikh Ahmed, was on Monday scrambling to salvage his six-month-old administration and fend off an unrelenting insurgent offensive. |
|
|
6/22/2009 2:45 AM EST
|
|
An Al-Qaeda force fighting alongside Somali extremists against the transitional government has sent ripples through regional capitals. |
|
|
6/22/2009 2:29 AM EST
|
|
June 20 (Reuters) - 2010 World Cup African qualifying results and standings after Saturday's matches. |
|
|
6/22/2009 2:20 AM EST
|
|
Frightened and knowing no one, Bibi Abdalla, of St. Paul, entered college with one thought: get in, get her education and get out. |
|
|
6/22/2009 1:54 AM EST
|
|
The Secretary General of the Organization of the Islamic (OIC), Prof Ekmeleddin Ihsanoglu who has been following with grave concern the latest escalation of the insurgency in Somalia, has launched an appeal to the international community to discharge its full responsibilities by taking urgent necessary action to ensure the survival of the Transitional Federal Government (TFG) in Somalia. |
|
|
|